Saturday, January 10, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Xildhibaannada Golaha Shacabka oo markale ka dooday ku noqoshada misaaniyadda dowladda 2018-ka “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
7 years ago
in Wararka
0
Xildhibaannada Golaha Shacabka oo markale ka dooday ku noqoshada misaaniyadda dowladda 2018-ka “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Xildhibaannada golaha shacabka ayaa maanta ka dooday ku noqoshada miisaaniyadda dowladda 2018-ka oo ay soo gudbisay Wasaaradda Maaliyadda.

 

Related posts

Soomaaliya iyo Singapore oo ka wadahadlay arrimo muhiim ah

Soomaaliya iyo Singapore oo ka wadahadlay arrimo muhiim ah

January 9, 2026
Ciidanka Dowladda oo  cagta mariyay farriisimo ay ku sugnaayeen khawaarijta

Khawaarij lagu laayey gobolka Bay

January 9, 2026

Kulanka oo uu shir Guddoominayay Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Golaha Shacabka Mudane Mahad Cabdalla Cawad ayaa waxaa soo xaadiray 148 Xildhibaan.

Xildhibaannada Golaha Shacabka ayaa dood dheer ka yeeshay ku noqoshada miisaaniyadda, waxaana ay  soo bandhigeen talooyin ku saabsan noqoshada miisaaniyadda iyo meelaha u baahan sixitaanka.

Sidoo kale Xildhibaannada qaar ayaa soo jeediyay in si deg deg ah lagu ansixiyo ku noqoshada miisaaniyadda 2018-ka oo ay ku jiraan xuquuqda iyo mushaarka ciidamada dowladda.

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda ee Xukuumadda Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Ducaale Bayle ayaa Xildhibaannada ka codsaday in la ansixiyo.

Dood dheer iyo dhageysi talooyinka Xildhibaannada ka dib waxaa Guddiga Maaliyadda la faray in ay ka soo shaqeeyaan arrintaan, kana soo dhigaan qaraar, Golaha Shacabkana usoo gudbiyaan maalinta Arbacada.

Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Golaha Shacabka mudane Mahad Cabdalla Cawad ayaa sheegay in Golaha Shacabka uu arrintaan ku wareejiyay Guddiga Maaliyadda si loogu soo dhigo qaraar.

“Wasiir anagu waxan ansixinaa qaraar uu Guddi soo diyaariyay, hadaba deg degta jirta awgeed Guddiga Maaliyadda iyo Miisaaniyadda inoogu xil saaran, waxaan ka rabnaa iney arrinkaan ka soo shaqeeyaan oo ay noo keen Arbacada, si golaha uu u ansixiyo qaraar cad oo dhan walbo laga soo diyaariyay”. ayuu yiri Guddoomiye Mahad.

Dhanka kale Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada ee Xukuumadda Soomaaliya mudane Maxamed Cabdullaahi Salaad “ Oomaar” ayaa Xildhibaannada Golaha Shacabka ka hor akhriyay xeerka Hay’adda duulista Rayidka iyo Saadaasha Hawada.

Wasiirka ayaa sheegay in xeerkan uu muhiim u yahay dalka wax badan oo horumar ahna laga gaari doono hadii Golaha Shacabka ay ansixiyaan.

“Hindise sharciyeedkan waxa uu aas aas u yahay Hay’adda Duulista rayidka Soomaaliyeed waa muhiim in si wadajir ah loogu shaqeeyo si caalamka aan ula tartanno”. Ayuu yiri Wasiir Oomaar.

 

Previous Post

Golaha Shacabka oo baaq nabadeed ka soo saaray colaada Gobolka Galgaduud

Next Post

Guddoomiyaha Baarlamaanka Hirshabeelle oo ka tacsiyadeeyay geerida Xildhibaan Cabdiweli

Next Post
Hirshabeelle oo ka mahad celisay doorka ay Dowladda federaalka ka geysatay caawinta Dadka ku waxyeelloobay fatahaadda Webiga Shabeelle

Guddoomiyaha Baarlamaanka Hirshabeelle oo ka tacsiyadeeyay geerida Xildhibaan Cabdiweli

Soomaaliya iyo Singapore oo ka wadahadlay arrimo muhiim ah

Soomaaliya iyo Singapore oo ka wadahadlay arrimo muhiim ah

January 9, 2026
0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali ayaa maanta oo jimce khadka taleefanka...

Ciidanka Dowladda oo  cagta mariyay farriisimo ay ku sugnaayeen khawaarijta

Khawaarij lagu laayey gobolka Bay

January 9, 2026
0

WAR-SAXAAFADEED   Ciidamada Gaarka ah ee Kumaandooska Danab ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa xalay hawlgal qorshaysan oo beegsi ah...

Ciidanka NISA iyo kuwa Xoogga Dalka oo howlgal qorsheysan ku dilay 4 dhagarqabe oo khawaarij ah

Ciidanka Xoogga iyo Saaxiibada Caalamka oo Jubbada Dhexe ku dilay maleeeshiyaad khawaarij ah

January 9, 2026
0

Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo kaashanaya saaxiibada caalamka gaar ahaan Ciidamada Maraykanka, ayaa xalay fuliyay howlgal qorshaysan oo lala beegsaday...

Joint Statement on the illegal visit of the Israeli official to “Somaliland” Region of the Federal Republic of Somalia on 6 January 2026

Joint Statement on the illegal visit of the Israeli official to “Somaliland” Region of the Federal Republic of Somalia on 6 January 2026

January 9, 2026
0

The Ministers of Foreign Affairs of the Arab Republic of Egypt, the People's Democratic Republic of Algeria, the People's Republic...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In