Saturday, October 10, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Xildhibaannada Golaha Shacabka oo soo gabagabeeyay doodda Hubka Sharci darrada ah

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
2 years ago
in Wararka
0
Xildhibaannada Golaha Shacabka oo soo gabagabeeyay doodda Hubka Sharci darrada ah
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Xildhibaanada Golaha Shacabka ee baarlamaanka jamhuuriyadda Fedaraalka Soomaaliya ayaa xarunta golaha shacabka ku yeeshay kalfadhiga shanaad kulankiisa sideedaad, waxaana kulanka shir guddoominayay guddoomiyaha golaha shacabka ee baarlamaanka dalka Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo uu wehliyo guddoomiye kuxigeenka labaad ee golaha shacabka Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow.

Kulanka maanta ayaa Xildhibaannada waxa ay kusii amba qaadeen ka doodista hubka sharci darada ah ,dagaal beeleedyada iyo dhowrista xasaanadda xildhibaanadda ajendahaas oo ay Xildhibaannada ka doodayeen labadii kulan ee ugu dambeeyay.

Related posts

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

October 10, 2026
Dowladda Soomaaliya oo cambaaraysay weerarka lagu qaaday xarunta korontada ee Masjidka Nabiga (NNKH) ee Magaalada Madiina

DFS oo cambaaraysay weerar lagu qaaday garoomo ku yaalla dalka Sacuudiga

October 10, 2026

Xildhibaannada Ajendahan aragtiyadooda ka dhiibtay ayaa aad uga hadlay dhibaatooyinka ay dagaal beeleedyada bulshadeena u leeyihiin iyo sida ay muhiim u tahay in la sameeyo qorshe kasta oo looga hortagi karo.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee baarlamaanka jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo kulanka soo xiray ayaa sheegay in maanta lasoo gaba gabeeyay dooda ku saabsan hubka sharci darada ah, dagaal beeleedyada iyo dhowrista xasaanadda Xildhibaannada sidoo kalena arinta hubka loo xilsaaray guddi gaar ah si uu warbixin golaha ugu soo celiyo.

Sidoo kale guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe ayaa sheegay In arinta ku saabsan dagaal beeleedyada uu la wareegay guddiga ku shaqada leh si uu ugu guur galo wixii warbixin ahna golaha ugu soo celiyo.

Ugu dambeyn guddoomiyaha golaha shacabka ee baarlamaanka Dalka ayaa sheegay in arinta ku saabsan xasaanadda Xildhibaannada uu golaha kasoo saari doono xeer gaar ah.

Previous Post

Madaxweynaha JFS oo furay Shirweynaha Culimada Soomaaliyeed

Next Post

Wasiirka Cadaaladda ioo la shiray Guddi Howleedka Farsame ee Xiriirka Arrimaha Xasilinta

Next Post
Wasiirka Cadaaladda ioo la shiray Guddi Howleedka Farsame ee Xiriirka Arrimaha Xasilinta

Wasiirka Cadaaladda ioo la shiray Guddi Howleedka Farsame ee Xiriirka Arrimaha Xasilinta

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

October 10, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Xukuumadda JFS Mudane Xasan Macallin Maxamuud oo Magaalada Istanbuul ee dalka Turkiga u...

Dowladda Soomaaliya oo cambaaraysay weerarka lagu qaaday xarunta korontada ee Masjidka Nabiga (NNKH) ee Magaalada Madiina

DFS oo cambaaraysay weerar lagu qaaday garoomo ku yaalla dalka Sacuudiga

October 10, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay si xooggan u cambaareyneysaa weerarrada ay kooxda Xuutiyiintu ku qaadeen Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ah ee...

๐Š๐ฎ๐ฅ๐š๐ง๐ค๐š ๐†๐จ๐ฅ๐š๐ก๐š ๐–๐š๐ฌ๐ข๐ข๐ซ๐ซ๐š๐๐š ๐—๐ฎ๐ค๐ฎ๐ฎ๐ฆ๐š๐๐๐š ๐ƒ๐š๐ง๐๐š๐ซ๐š๐ง ๐จ๐จ ๐ฅ๐จ๐จ๐ ๐š ๐ก๐š๐๐ฅ๐š๐ฒ ๐ฑ๐š๐š๐ฅ๐š๐๐๐š ๐ ๐ฎ๐ฎ๐ ๐ž๐ž ๐๐š๐ฅ๐ค๐š

October 8, 2026
0

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo maanta yeeshay kulankooda toddobaadlaha ah, ayaa lagu soo bandhigay warbixinno kala duwan oo...

๐‘๐šโ€™๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐ž ๐—๐š๐ฆ๐ฌ๐š: ๐Œ๐š๐š๐ง๐ญ๐š ๐’๐จ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐š ๐ฐ๐š๐ฑ๐š ๐š๐ฒ ๐๐ข๐ฒ๐š๐š๐ซ ๐ฎ ๐ญ๐š๐ก๐š๐ฒ ๐ข๐ง ๐š๐ฒ ๐Ÿ๐ฎ๐ซ๐ญ๐จ ๐š๐ฅ๐›๐š๐š๐›๐š๐๐š ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ ๐š๐ฌ๐ก๐ข ๐ž๐ž ๐๐ฎ๐ง๐ข๐๐ฎ ๐ฎ ๐›๐š๐š๐ก๐š๐ง๐ญ๐š๐ก๐š๐ฒ

October 6, 2026
0

Raโ€™iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa galabta ka qeyb-galay xiritaanka Madasha Ganacsiga Soomaaliya iyo Midowga...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

ยฉ 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

ยฉ 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In