Saturday, October 17, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Xildhibaannada Labada Aqal ee BJFS oo bilaabay ka doodista cutubka 2aad ee Dastuurka “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
3 years ago
in Wararka
0
Xildhibaannada Labada Aqal ee BJFS oo bilaabay ka doodista cutubka 2aad ee Dastuurka “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa maanta shir guddoomiyay kulanka 17aad ee Labada Aqal ee Baarlamaanka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Kulanka oo ay goobjoog ahaayeen Ku-xigeennada labada gole ee Baarlamaanka 11-aad ee JFS, ayaa waxaa uu ajandaha kulanka maanta ahaa ka doodista soojeedimaha wax-ka-beddelka Dastuurka, Cutubka 2aad, xuquuqda aasaasiga ah iyo waajibaadka muwaadinka Qodobada 10-aad ilaa 20-aad.

Related posts

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026

Guddoonka Guddiyada Dastuurka ayaa ugu horreyn mudanayaasha Baarlamaanka labada gole la wadaagay warbixin soo koobaysa sagaalkii qodob ee cutubka koowaad ee Dastuurka oo doodistooda la soo xiray isla-markaana soo bandhigay macluumaad qoraal ah oo ay ku dhantahay aragtidii Sanatarrada iyo Xildhibaanadii fikirkoda dhiibtay.

Xildhibaannada Labada Aqal ayaa aragtidooda ka dhiibtay cutubka labaad ee dib u eegista Dastuurka oo ay ugu horreeyaan arrimaha Diinta, xuquuqda aasaasiga ee muwaadinka Soomaaliyeed sida xorriyadda hadalka kan muwaadinka iyo sinaanta, qofka inuu ku biiri karo xisbi siyaadeed ee dalka ka jira, ururo shaqaale iyo xaqa muwaadinka.

Dhanka kale Xildhibaannada Labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ayaa go’aan Baarlamaan oo wadajir ah ku meel mariyay in Xildhibaan Fowsiya Yuusuf Xaaji Aadan lagu taageero musharaxnimadeeda tartanka Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika (African Union Commission) loogana jaro mushaarkooda Xildhibaan kasta ($500) shan boqol oo dolar.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo soo gunnaanaday fadhiga maanta ayaa sheegay in dooda ay aad u ficneyd waxaana uu u mahadceliyay Xildhibaannadii waqtiga badan fadhiyay ee dulqaatay.

Previous Post

Ajaanib u soo dalxiis tegtay dalkeenna

Next Post

Wasiirka Warfaafinta XFS oo khudbad ka jeediyay shirka wasiirada warfaafinta Dalalka islaamka,kana hadlay xadgudubka Itoobiya

Next Post
Wasiirka Warfaafinta XFS oo khudbad ka jeediyay shirka wasiirada warfaafinta Dalalka islaamka,kana hadlay xadgudubka Itoobiya

Wasiirka Warfaafinta XFS oo khudbad ka jeediyay shirka wasiirada warfaafinta Dalalka islaamka,kana hadlay xadgudubka Itoobiya

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Tababar socon doona muddo 21 maalmood ah ayaa magaalada Jinhua ee gobolka Zhejiang, Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha, uga furmay 27...

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kormeer shaqo ku tagay markabka Çağrı Bey, oo ku sugan...

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

October 15, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa caawa booqday bandhigga ganacsiga ee Som...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In