Kulanka wadajirka ah ee labada Aqal ee Baarlamaanka Dalka oo ay ka qeyb galeen Xildhibaanno ka tirsan labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, waxaa goob joog ka ahaa Guddoomiyeyaasha labada Aqal iyo sidoo kale ku-xigeenadooda.
Kulanka oo uu shir Guddoominayay Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa waxa uu ajendaha kulanka ahaa meel marinta Habraaca Ansixinta dib u eegista Dastuurka.
Xildhibaan Burhaan Aadan Cumar oo ka mid ah Xildhibaannada Golaha Shacabka sidoo kalena xubin ka ah Guddiga dib u eegista iyo hirgelinta Dastuurka ayaa xubnaha labada aqal u faah faahiyay habraaca ansixinta dib u eegista dastuurka, waxaana uu sheegay in qorshaha Guddiga uu yahay in ugu dambeyn bisha June ee sanadka 2020 la ansixiyo Dastuurka.
Shir Guddoonka kulanka Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa Xildhibaannada labada aqal u sheegay in ay qodob qodob usoo akhriyaan maadaamaa uu muhiim yahay.
Guddoomiye kuxigeenka 1-aad ee Golaha Shacabka Mudane Cabdiwali Sheekh Ibraahim ‘’Muudey’’ oo kulanka ka hadlay ayaa xusay in qodobo dastuurka ka mid ah loo baahanyahay in la saxo.
Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan oo kulanka soo xiray ayaa u sheegay Xildhibaannada Golaha ee maqan in ay kulamada soo xaadiraan, maadaama sharciyo muhiim ah ay horyaalaan Golaha.