Sunday, April 12, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Xildhibaanno Iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Oo Ka Qeyb Galay Munaasabad Uu Xilka Kula Wareegayay Guddoomiyaha Ciusub Ee Dharkeenleey “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
6 years ago
in Wararka
0
Xildhibaanno Iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Oo Ka Qeyb Galay Munaasabad Uu Xilka Kula Wareegayay Guddoomiyaha Ciusub Ee Dharkeenleey “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Golaha Shacabka iyo Gudoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho Mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa maanta ka qeyb galay munaasabad uu xilka kula waregayay Guddoomiyaha cusub ee Degmada Dharkeenleey ee Gobolka Banaadir Mudane Guhaad Sheekh Xasan.

Munaasabadda waxaa ka soo qeyb galay qeybaha bulshada iyo maamulka Degmada.

Related posts

𝑹𝒂’𝒊𝒔𝒖𝒍 𝑾𝒂𝒔𝒂𝒂𝒓𝒆 𝑿𝒂𝒎𝒔𝒂 𝒐𝒐 𝒒𝒂𝒅𝒌𝒂 𝒕𝒂𝒍𝒆𝒆𝒇𝒐𝒐𝒏𝒌𝒂 𝒖𝒈𝒖 𝒉𝒂𝒎𝒃𝒂𝒍𝒚𝒆𝒆𝒚𝒂𝒚 𝑴𝒂𝒅𝒂𝒙𝒘𝒆𝒚𝒏𝒂𝒉𝒂 𝑱𝒂𝒃𝒖𝒖𝒕𝒊 𝑰𝒔𝒎𝒂𝒂𝒄𝒊𝒊𝒍 𝑪𝒖𝒎𝒂𝒓 𝑮𝒆𝒆𝒍𝒍e

𝑹𝒂’𝒊𝒔𝒖𝒍 𝑾𝒂𝒔𝒂𝒂𝒓𝒆 𝑿𝒂𝒎𝒔𝒂 𝒐𝒐 𝒒𝒂𝒅𝒌𝒂 𝒕𝒂𝒍𝒆𝒆𝒇𝒐𝒐𝒏𝒌𝒂 𝒖𝒈𝒖 𝒉𝒂𝒎𝒃𝒂𝒍𝒚𝒆𝒆𝒚𝒂𝒚 𝑴𝒂𝒅𝒂𝒙𝒘𝒆𝒚𝒏𝒂𝒉𝒂 𝑱𝒂𝒃𝒖𝒖𝒕𝒊 𝑰𝒔𝒎𝒂𝒂𝒄𝒊𝒊𝒍 𝑪𝒖𝒎𝒂𝒓 𝑮𝒆𝒆𝒍𝒍e

April 11, 2026
Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo Tripoli uga qeybgalay dib u howlgelinta xarunta (CEN-SAD),

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo Tripoli uga qeybgalay dib u howlgelinta xarunta (CEN-SAD),

April 11, 2026

Qaar ka mid ah Xildhibaannada Golaha Shacabka ee ka hadlay madasha ayaa sheegay in Guddoomiye Guhaad uu wax badan ka qabtay intii uu joogay Degmada Xamar Jajab, waxaana ay ku booriyeen in uu howlkarnimo dheeraad ah la yimaado.

Guddoomiyihii hore ee Degmada Dharkeenleey Abuukar Axmed Caddow ayaa uga mahadceliyay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir muddadii ay wada shaqeynayeen iyo maamulka Degmada intuba, isagoo shacabka iyo maamulkaba ka codsaday inay la shaqeeyaan Guddoomiyaha cusub, isla markaana uu wax badan ka qabtay degmada inta uu joogay.

Guddoomiyaha cusub ee Degmada Dharkeenleey Guhaad Sheekh Xasan ayaa balan qaaday dhankiisa in uu sii labo jibaarayo howlihii uu qabtay guddoomiyihii isaga ka horeeyay, waxaana uu intaa ku daray in bulshada uu ugu adeegi doono si cadaalad ah, isagoo u mahadceliyay Guddoomiyihii hore ee degmada Abuukar Axmed Caddow.

“Saddex arrin ayaan rabaa inaan ka shaqeeyo oo ay ka mid tahay isdhexgalka bulshada, adeegyada aas aasiga ah ee ay bulshada u baahanyihiin iyo arrimo kale” ayuu yiri Guddoomiyaha Degmada Dharkeynley.

Gudoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho Mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa bulshada Degmada Dharkeenleey ku sifeeyay kuwa Nabadda jecel, waxaana uu ka codsaday inay garab istaag u miuujiyaan guddoomiyaha cusub.

“Degmada Dharkeeynleey bulshada ku nool waa kuwa Nabadda jecel, waxaan leeyahay reer dharkeeynley waxaan leeyahay isku tashada sidii hore ee aad sameyn jirteen, waxaad heysataan Guddoomiye dhallinyaro ah oo aan ku cusbeyn shaqada, waxaana rabaa in aad garab istaagtaan, waana hubaa in uu la imaan doono howlkarnimo, anaguna kan maamul ahaan waan ku kormeereen shaqadiisa si uu dhiiri gelin uga helo” ayuu yiri Guddoomiye Cumar Filish.

Previous Post

Wafdi Uu Hogaaminayo Guddoomiyaha Hay’adda Batroolka Soomaaliya Oo Dalka Dib Ugu Soo Laabtay “SAWIRRO”

Next Post

Waaxda Gurmadka Degdega Oo Ku Guuleystay Daminta Dab Ka Kacay Hotel Royal Palace “SAWIRRO”

Next Post
Waaxda Gurmadka Degdega Oo Ku Guuleystay Daminta Dab Ka Kacay Hotel Royal Palace “SAWIRRO”

Waaxda Gurmadka Degdega Oo Ku Guuleystay Daminta Dab Ka Kacay Hotel Royal Palace “SAWIRRO”

𝑹𝒂’𝒊𝒔𝒖𝒍 𝑾𝒂𝒔𝒂𝒂𝒓𝒆 𝑿𝒂𝒎𝒔𝒂 𝒐𝒐 𝒒𝒂𝒅𝒌𝒂 𝒕𝒂𝒍𝒆𝒆𝒇𝒐𝒐𝒏𝒌𝒂 𝒖𝒈𝒖 𝒉𝒂𝒎𝒃𝒂𝒍𝒚𝒆𝒆𝒚𝒂𝒚 𝑴𝒂𝒅𝒂𝒙𝒘𝒆𝒚𝒏𝒂𝒉𝒂 𝑱𝒂𝒃𝒖𝒖𝒕𝒊 𝑰𝒔𝒎𝒂𝒂𝒄𝒊𝒊𝒍 𝑪𝒖𝒎𝒂𝒓 𝑮𝒆𝒆𝒍𝒍e

𝑹𝒂’𝒊𝒔𝒖𝒍 𝑾𝒂𝒔𝒂𝒂𝒓𝒆 𝑿𝒂𝒎𝒔𝒂 𝒐𝒐 𝒒𝒂𝒅𝒌𝒂 𝒕𝒂𝒍𝒆𝒆𝒇𝒐𝒐𝒏𝒌𝒂 𝒖𝒈𝒖 𝒉𝒂𝒎𝒃𝒂𝒍𝒚𝒆𝒆𝒚𝒂𝒚 𝑴𝒂𝒅𝒂𝒙𝒘𝒆𝒚𝒏𝒂𝒉𝒂 𝑱𝒂𝒃𝒖𝒖𝒕𝒊 𝑰𝒔𝒎𝒂𝒂𝒄𝒊𝒊𝒍 𝑪𝒖𝒎𝒂𝒓 𝑮𝒆𝒆𝒍𝒍e

April 11, 2026
0

𝑹𝒂’𝒊𝒔𝒖𝒍 𝑾𝒂𝒔𝒂𝒂𝒓𝒆 𝑿𝒂𝒎𝒔𝒂 ayaa  𝒒𝒂𝒅𝒌𝒂 𝒕𝒂𝒍𝒆𝒆𝒇𝒐𝒐𝒏𝒌𝒂 𝒖𝒈𝒖 𝒉𝒂𝒎𝒃𝒂𝒍𝒚𝒆𝒆𝒚𝒂𝒚 𝑴𝒂𝒅𝒂𝒙𝒘𝒆𝒚𝒏𝒂𝒉𝒂 𝑱𝒂𝒃𝒖𝒖𝒕𝒊 𝑰𝒔𝒎𝒂𝒂𝒄𝒊𝒊𝒍 𝑪𝒖𝒎𝒂𝒓 𝑮𝒆𝒆𝒍𝒍𝒆

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo Tripoli uga qeybgalay dib u howlgelinta xarunta (CEN-SAD),

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo Tripoli uga qeybgalay dib u howlgelinta xarunta (CEN-SAD),

April 11, 2026
0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa magaalada Tripoli kaga qayb-galay...

Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS oo soo magacawday Guddiga Farsamada ee Dib-u-heshiisiinta KGS

Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS oo soo magacawday Guddiga Farsamada ee Dib-u-heshiisiinta KGS

April 11, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS ayaa magacowday Guddiga Farsamada ee wada-hadalka iyo dib-u-heshiisiinta Koonfur Galbeed. Guddigan farsamo...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan la qaatay Isimada Puntland

Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan la qaatay Isimada Puntland

April 11, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa kulan soo dhaweyn ah u sameeyay isimada Puntland, oo ay...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In