Wednesday, September 30, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka oo kormeeray iskuul ku yaalla duleedka Cadaado “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
11 years ago
in Wararka
0
Xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka oo kormeeray iskuul ku yaalla duleedka Cadaado “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Xildhibaanadan maanta kormeerka ku tagay deegaanka Gidhays oo 20-Km dhinaca Koofur bari ka xiga degmada Cadaado ee gobolka Galgaduud ayaa kala ahaa  Xildhibaan Caasho Xaaji Cilmi, Xildhinaan Bishaaro Cabdi Garabey iyo Faadumo Cali Xasan, iyadoo uu wehliyay Madaxwayne ku-xigeenkii hore ee Ximan iyo Xeeb C/raxmaan Shaati cadde, waxaana ujeedkoodu uu ahaa u kuurgalka adeegyada bulshada sida  caafimaad iyo waxbarasho ee deegaankaasi Gidhays.

Wafdiga Xildhinaabada ah waxaa deegaanka Gidhays ku soo dhaweeyay mas’uuliyiin uu ka mid ahaa Guddoomiyaha golaha Baarlamanka Ximan iyo Xeeb iyo bulshada deegaanka halkaasi oo kulan uu u dhexmaray, halkaas oo uu ugu horayn ka hadlay Cali Maxamed Kadiye oo ka mid ah macalimiinta Iskuulka Gidhays.

Related posts

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

September 29, 2026
Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

September 29, 2026

“Wixii dayactir la’aanta Iskuulka wey muuqataa maadaama aan macalimiin ka nahay magacoodana aan ku hadlayo, waad u jeedaan ardada intaan la’eg ma haystaan Musqulo, Dayrna Iskuulku ma lahan, Waxaan leenahay marka baahidaas taagan naga gacansiiyaa, oo naloo dhisaa Musqulo iyo Dayr,  Iskuul sarena naloo sameeyaa” ayuu yiri Cali Maxamed.

Guddoomiyaha Baarlamanka Ximan iyo Xeeb C/laahi Faarax Sandheere ayaa Xildhibaanada ku amaanay kormeerkooda ay ku yimaadeen deegaanka Gidhays.

“Waxaa ammaan mudan in Xildhinabadii Qaranka, iyaga oo badan oo ay hogaaminayso Xildhibaan Caasha, mahad balaaran baan idiin soo jeedinaynaa, dadka deegaankan waa dad dhaqaalohoodu hooseeyo, hadii marka ardagii dugsi sare gaaraba uu ka tago ma awoodaan meel kale inay waxbarashada ugu bixiyaan oo ay guri u kireeyaan, marka waxaan codsanayanaa in dhismaha dugsi sare nalagu taageero, inagu waxaan bixinaynaa mushaaraadka macalimiinta, meeshan waa meel qadiimi ah sidoo kale Ceelbiyood ma lahah” ayuu yiri C/laahi Faarax Sandheere

Xildhibaan Caasho Xaaji Cilmi oo ugu dambayn kulankaas ka hadashay ayaa sheegtay in ay ku dadaalayaan sidii loo caawin lahaa bulshada deegaankaasi.

“Waan dhagaysanay baahiyihiina, waxaan oranayaa inaga iyo hay’adda Iftin (oo iskuulka maamusha) waxaa noo yaala waajib ah in dib loo dhiso iskuulkan, oo aan ku dadaalno sidii ardayda ay u heli lahaayeen waxbarashada sare” ayay tiri Xildhibaan Caasho.

DSC04036 DSC04037 DSC04038 DSC04040 DSC04041 DSC04044 DSC04045 DSC04050 DSC04054 DSC04057 DSC04060 DSC04061 DSC04067 DSC04068 DSC04109 DSC04114 DSC04116 DSC04118 DSC04124 DSC04128

Maxamuud Cabdi Diirshe

 

Previous Post

Dhageyso Warka Duhurnimo ee Radio Muqdisho

Next Post

Taliyaha Ciidanka Asluubta oo xilka si rasmi ah ula wareegay “SAWIRRO”

Next Post
Taliyaha Ciidanka Asluubta oo xilka si rasmi ah ula wareegay “SAWIRRO”

Taliyaha Ciidanka Asluubta oo xilka si rasmi ah ula wareegay “SAWIRRO”

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

September 29, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka (WHO)...

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

September 29, 2026
0

Urur Siyaasadeedka Talo-Qaran oo ka mid ah Ururada ka jira dalkeena oo maalmahan ololaha doorashooyinka ka waday qaar ka mid...

Guddoomiyaha SoDMA oo daah-furay shirka u diyaar-garowga Soomaaliya ee El Niño 2026

Guddoomiyaha SoDMA oo daah-furay shirka u diyaar-garowga Soomaaliya ee El Niño 2026

September 29, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa Magaalada Muqdisho ka furay shir lagu tijaabinayo diyaar-garowga...

𝐑𝐚𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐚𝐚𝐡𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐁𝐚𝐧𝐝𝐡𝐢𝐠𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐱𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚

𝐑𝐚𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐚𝐚𝐡𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐁𝐚𝐧𝐝𝐡𝐢𝐠𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐱𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚

September 29, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta duleedka magaalada Muqdisho ka furey Bandhigga Dalxiiska Soomaaliya oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In