Sunday, February 1, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka oo kormeeray iskuul ku yaalla duleedka Cadaado “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
11 years ago
in Wararka
0
Xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka oo kormeeray iskuul ku yaalla duleedka Cadaado “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Xildhibaanadan maanta kormeerka ku tagay deegaanka Gidhays oo 20-Km dhinaca Koofur bari ka xiga degmada Cadaado ee gobolka Galgaduud ayaa kala ahaa  Xildhibaan Caasho Xaaji Cilmi, Xildhinaan Bishaaro Cabdi Garabey iyo Faadumo Cali Xasan, iyadoo uu wehliyay Madaxwayne ku-xigeenkii hore ee Ximan iyo Xeeb C/raxmaan Shaati cadde, waxaana ujeedkoodu uu ahaa u kuurgalka adeegyada bulshada sida  caafimaad iyo waxbarasho ee deegaankaasi Gidhays.

Wafdiga Xildhinaabada ah waxaa deegaanka Gidhays ku soo dhaweeyay mas’uuliyiin uu ka mid ahaa Guddoomiyaha golaha Baarlamanka Ximan iyo Xeeb iyo bulshada deegaanka halkaasi oo kulan uu u dhexmaray, halkaas oo uu ugu horayn ka hadlay Cali Maxamed Kadiye oo ka mid ah macalimiinta Iskuulka Gidhays.

Related posts

Ciidamada Booliska Soomaaliyeed oo soo bandhigay dhalinyaro loo soo xiray qalqalgelin amni

Ciidamada Booliska Soomaaliyeed oo soo bandhigay dhalinyaro loo soo xiray qalqalgelin amni

February 1, 2026
Hawlgalkan Seefta Aamusan oo Khawaarijta looga saaray deegaanno horleh

Hawlgalkan Seefta Aamusan oo Khawaarijta looga saaray deegaanno horleh

February 1, 2026

“Wixii dayactir la’aanta Iskuulka wey muuqataa maadaama aan macalimiin ka nahay magacoodana aan ku hadlayo, waad u jeedaan ardada intaan la’eg ma haystaan Musqulo, Dayrna Iskuulku ma lahan, Waxaan leenahay marka baahidaas taagan naga gacansiiyaa, oo naloo dhisaa Musqulo iyo Dayr,  Iskuul sarena naloo sameeyaa” ayuu yiri Cali Maxamed.

Guddoomiyaha Baarlamanka Ximan iyo Xeeb C/laahi Faarax Sandheere ayaa Xildhibaanada ku amaanay kormeerkooda ay ku yimaadeen deegaanka Gidhays.

“Waxaa ammaan mudan in Xildhinabadii Qaranka, iyaga oo badan oo ay hogaaminayso Xildhibaan Caasha, mahad balaaran baan idiin soo jeedinaynaa, dadka deegaankan waa dad dhaqaalohoodu hooseeyo, hadii marka ardagii dugsi sare gaaraba uu ka tago ma awoodaan meel kale inay waxbarashada ugu bixiyaan oo ay guri u kireeyaan, marka waxaan codsanayanaa in dhismaha dugsi sare nalagu taageero, inagu waxaan bixinaynaa mushaaraadka macalimiinta, meeshan waa meel qadiimi ah sidoo kale Ceelbiyood ma lahah” ayuu yiri C/laahi Faarax Sandheere

Xildhibaan Caasho Xaaji Cilmi oo ugu dambayn kulankaas ka hadashay ayaa sheegtay in ay ku dadaalayaan sidii loo caawin lahaa bulshada deegaankaasi.

“Waan dhagaysanay baahiyihiina, waxaan oranayaa inaga iyo hay’adda Iftin (oo iskuulka maamusha) waxaa noo yaala waajib ah in dib loo dhiso iskuulkan, oo aan ku dadaalno sidii ardayda ay u heli lahaayeen waxbarashada sare” ayay tiri Xildhibaan Caasho.

DSC04036 DSC04037 DSC04038 DSC04040 DSC04041 DSC04044 DSC04045 DSC04050 DSC04054 DSC04057 DSC04060 DSC04061 DSC04067 DSC04068 DSC04109 DSC04114 DSC04116 DSC04118 DSC04124 DSC04128

Maxamuud Cabdi Diirshe

 

Previous Post

Dhageyso Warka Duhurnimo ee Radio Muqdisho

Next Post

Taliyaha Ciidanka Asluubta oo xilka si rasmi ah ula wareegay “SAWIRRO”

Next Post
Taliyaha Ciidanka Asluubta oo xilka si rasmi ah ula wareegay “SAWIRRO”

Taliyaha Ciidanka Asluubta oo xilka si rasmi ah ula wareegay “SAWIRRO”

Ciidamada Booliska Soomaaliyeed oo soo bandhigay dhalinyaro loo soo xiray qalqalgelin amni

Ciidamada Booliska Soomaaliyeed oo soo bandhigay dhalinyaro loo soo xiray qalqalgelin amni

February 1, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, gaar ahaan saldhigga degmada Hodan, ayaa xiray Mahad Maxamuud Xamarow (Garyaqaan), kaas oo lagu eedeeyay kicin...

Hawlgalkan Seefta Aamusan oo Khawaarijta looga saaray deegaanno horleh

Hawlgalkan Seefta Aamusan oo Khawaarijta looga saaray deegaanno horleh

February 1, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Howlgalka Seefta Aamusan ayaa suurta geliyay in Khawaarijta Al-shabaab looga saaro deegaanno badan muhiin oo ka tirsan gobollada Dalka....

Shirka Hindiya iyo Carabta oo la soo xiray

Somalia Reaffirms Economic Diplomacy at India-Arab Summit

January 31, 2026
0

H.E. Abdisalam Ali, Minister of Foreign Affairs and International Cooperation of the Federal Republic of Somalia, today participated in the...

Shirka Hindiya iyo Carabta oo la soo xiray

Shirka Hindiya iyo Carabta oo la soo xiray

January 31, 2026
0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali Dhaay, ayaa maanta ka qeyb galay...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In