Monday, October 26, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Xildhibaannada Golaha Shacabka oo maanta ansixiyay labo heshiis oo muhiim ah

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
7 years ago
in Wararka
0
Xildhibaannada Golaha Shacabka oo maanta ansixiyay labo heshiis oo muhiim ah
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya oo maanta kulan ku yeeshay magaalada Muqdisho ayaa ku ansixiyay heshiiskii Baydhabo oo Guddiga Kheyraadka ee Golaha maanta hor keeneen.

 

Related posts

Xukunka Askari Turufo & Dhac Hubeysan geeystay.

Xukunka Askari Turufo & Dhac Hubeysan geeystay.

October 26, 2026
Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya oo Booqday Safaaradda Soomaaliya ee  Azerbaijan

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya oo Booqday Safaaradda Soomaaliya ee Azerbaijan

October 26, 2026

Sidoo kale, Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa ansixiyay heshiiska caalamiga ah ee Dadka Naafada ah kaasi oo Guddiga arrimaha Dibadda ee Golaha shacabka uu Baarlamaanka hor keenay.

Guddoomiye ku-xigeenka Koowaad ee Golaha Shacabka Cabdiweli Sheikh Ibraahim Muudeey oo kulanka shirguddoominayay ayaa sheegay in 140-Xildhibaan ay ogolaadeen heshiiskii Baydhabo oo Guddiga Kheyraadka halka 5-Xildhibaan ay ka aamuseen mana jirin Xildhibaano ka aamusay,sidaasina uu ansax ku yahay.

Sidoo kale,Guddoomiye Muudeey ayaa sheegay in heshiiska caalamiga ah ee Dadka Naafada ay ogolaadeen 144-Xildhibaan halka hal Xildhibaan uu ka muusay mana jirin Xildhibaano diiday,sidaasina uu ansax ku yahay.

Xildhibaannada Golaha Shacabka waxaa kulankoodii maanta loogu qeybiyey Hindise Sharciyeedka Doorashooyinka Qaranka ee dhowaan Golaha Wasiirada ansixiyeen, sidoo kale waxaa loo qeybiyey Akhrinta 3-aad ee Hindise Sharciyeedka Batroolka.

Dhanka kale, Wasaaradda Haweenka iyo horumarinta Xuquuqul insaanka Xukuumadda Soomaaliya ayaa Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya uga mahad celisay ansixinta Heshiiska caalamiga ah ee Xuquuqda dadka Naafada ah.

Previous Post

Maxkamadda Ciidanka Qalabka sida oo soo gabagabeysay dhageysiga Dacwadda Eedeysane Cali Maxamuud Axmed

Next Post

Ra’iisul Wasaare Khayre oo Guddoomiyay Shir ay yeesheen Hay’adaha Amniga Dalka iyo Dowladaha Amniga Ka Taageera DFS

Next Post
Ra’iisul Wasaare Khayre oo Guddoomiyay Shir ay yeesheen Hay’adaha Amniga Dalka iyo Dowladaha Amniga Ka Taageera DFS

Ra’iisul Wasaare Khayre oo Guddoomiyay Shir ay yeesheen Hay’adaha Amniga Dalka iyo Dowladaha Amniga Ka Taageera DFS

Xukunka Askari Turufo & Dhac Hubeysan geeystay.

Xukunka Askari Turufo & Dhac Hubeysan geeystay.

October 26, 2026
0

Dable Xoogga Abuukar Maxamuud Yuusuf ayaa Lagu Eedeyay inuu geeystay Dhac hubeysan iyo Turufo, Kadib markii uu ku dayey saaxiibkiis...

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya oo Booqday Safaaradda Soomaaliya ee  Azerbaijan

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya oo Booqday Safaaradda Soomaaliya ee Azerbaijan

October 26, 2026
0

Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifitaax Qaasim Maxamuud ayaa booqasho ku tagay xarunta Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya...

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐊𝐮-𝐗𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐋𝐚𝐛𝐚𝐚𝐝 𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐥𝐤𝐚 𝐮 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐰𝐚𝐫𝐞𝐞𝐣𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐰𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐨

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐊𝐮-𝐗𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐋𝐚𝐛𝐚𝐚𝐝 𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐥𝐤𝐚 𝐮 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐰𝐚𝐫𝐞𝐞𝐣𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐰𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐨

October 25, 2026
0

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Labaad ee Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi, ayaa Ka qeybgalay munaasabadda xil-wareejinta Wasaaradda...

Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

Wasaaradda Caafimaadka XFS oo shaacisay natiijada baaritaanada EBOLA

October 25, 2026
0

Wasaaradda Caafimaadka XFS ayaa shaacisay natiijada baaritaanada Ebola iyo dhammeystirka habraacyada karantiilka Muwaadinkii Soomaaliyeed ee la xaqiijiyo in uu xiriir...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In