Thursday, July 3, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Ciyaaraha

Xiriirka kubadda kolleyga Soomaaliya oo tababar dhanka macalimiinta ka furay Muqdisho “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
January 4, 2016
in Ciyaaraha
0
Xiriirka kubadda kolleyga Soomaaliya oo tababar dhanka macalimiinta ka furay Muqdisho “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Xiriirka Soomaaliyeed ee kubadba kolleyga ayaa magaalada muqdisho ka furay tababbar ay ka qayb galayaan macalimiinta kubadda kolleyga, waxaana xafladda furitaanka kasoo qayb galay mas’uuliyiin ka socotay Guddiga Olombikada Soomaaliyeed, Madaxda Xiriirka kubadad kolleyga iyo marti sharaf kale .

Tababbarkan oo ka furmay xarunta GOS waxaa  ugu horeyn  ka hadlay Guddoomiyaha Xiriirka Soomaaliyeed ee kubadba kolleyga Cabdullaahi Nuur Maxamed Cadaani  waxa uuna  sheegay in tababbarkan ay ka qayb qaadanayaan macalimiin laga soo xulay   cayaartooyda cuslaatay, kuwa hada xirfada kuguda jira iyo Ardayda Jaamacadaha wax ka barata  isla markaana  uu bixinayo Macalin Cumar Cabduqaadir Baarajab .

Related posts

Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug oo daahfuray koobka degmooyinka Galmudug “SAWIRRO”

Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug oo daahfuray koobka degmooyinka Galmudug “SAWIRRO”

June 5, 2023
Cayaartooyda Xulka Qaranka Dalkeenna oo baaritaan lagu xaqiijinayo da’dooda ku maraya Ethiopia

Cayaartooyda Xulka Qaranka Dalkeenna oo baaritaan lagu xaqiijinayo da’dooda ku maraya Ethiopia

April 14, 2023

Guddoomiye Cadaani  ayaa intaa ku daray in tababbarka  loogu diyaar garoobayo tababbar heerka koowaad  ah oo  sanadkan gudahiias xirirka qaban doono,  isla markaana ay kasoo qayb qaadan doonaan macalimiin ka socota gobolada dalka,

Madaxa arrimaha Gobolada ee GOS Ibraahin Xuseen Cali Roombe horeyna u soo noqday guddoomiyaha XSKK  oo goobta ka hadlay ayaa amaanay dadaalka xirirka iyo Macalin Baarajab  ay ku doonayaan in ay xoogga saaraan tababbarka macalimiinta oo ah  halka ay kasoo bixi karaan macaliin soo saarta cayaartooy wanaagsan.

Macalin Baarajab   oo  xaflada ka hadlay ayaa  sheegay in dalka uu xaq ku leeyahay tallaabo kasta  lagu horumarinayo kubada kolleyga Soomaliyeedna uu diyaar u yahay in uu ka qayb qaato, isagoo dhanka kale sheegay in qorshahiisa kaliya aysan ahayn hal tababbar uuna diyaariyay  qorshe 2016- ilaa 2020 oo dhanka tababbarka  macalamiinta  kubadda kolleyga

Guddoomiyaha GOS Cabdulaahi Axmed Tarabi oo xaflada ka hadlay ayaa sheegay in barisamaadki ay kubabdda Kolleyga ku horumartay isku xirnaan wadatashi iyo kala faa’iidaysasho ka dhexaysay macalimiinta garsoorka iyo cayaartooyda, taasna loo baahan yahay in dib loo soo celiyo , macaliinta tababbarka qaadanayo laga doonayo   in ay gartaan in mas’uuliyad culus ay saaran tahay.

Ugu dambeyn waxaa xaflada ka hadlay oo tababbarka furay Guddoomiye sharafeedka GOS Cabduqaadir Ibraahin Gacan Abkoow waxuuna si qooto dheer uga sheekeeyay taariikhdii  ay soo martay kubadda kolleyga iyo qabkii ay ku horumartay, waxuuna  xiriirka  kula dardaamay inay soo celiyaan taariikhdii wacnayd ee  kubadda koleyga ku lahayd qaaradda afrika.

Tabarkan oo ay ka qayb qaadanayaan 35 macalin ayaa socon doona muddo 5 maalin ah  waxayna macalimiinta qaadan doonaan xirfadaha kusoo kordhay kubadda Kolleyga oo cashar ahaan loo bari doono iyo tababbar uu macalinka ku bixinayo garoonka Wiish oo qaab ficil ah loo barayo.

W/D: Xuseen Maxamed Hadaafow

Email: [email protected]

DSC09488 DSC09498 IMG_9548 IMG_9581 IMG_9640 IMG_9658 IMG_9686 IMG_9832 IMG_9853 IMG_9855 IMG_9876 IMG_9899 IMG_9947 IMG_9955

 

Previous Post

Dhageyso Barnaamijka Faaqidaada ee Radio Muqdisho

Next Post

Qaban qaabada Aaska Ugaas Cabdiraxmaan Ugaas Khaliif oo ka socoto Beledweyne

Next Post
BELEDWEYNE: Ciidamada dowladda oo ka hor tagay weerar ay Al-Shabaab soo qaadeen

Qaban qaabada Aaska Ugaas Cabdiraxmaan Ugaas Khaliif oo ka socoto Beledweyne

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 “𝐂𝐢𝐢𝐝𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐱𝐨𝐨𝐠𝐠𝐚 𝐝𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐞𝐞𝐝 𝐰𝐚𝐱𝐚𝐚 𝐚𝐲 𝐥𝐚𝐟-𝐝𝐡𝐚𝐛𝐚𝐫 𝐮 𝐲𝐢𝐡𝐢𝐢𝐧 𝐝𝐨𝐰𝐥𝐚𝐝𝐧𝐢𝐦𝐨 𝐱𝐨𝐨𝐠𝐠𝐚𝐧.”

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 “𝐂𝐢𝐢𝐝𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐱𝐨𝐨𝐠𝐠𝐚 𝐝𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐞𝐞𝐝 𝐰𝐚𝐱𝐚𝐚 𝐚𝐲 𝐥𝐚𝐟-𝐝𝐡𝐚𝐛𝐚𝐫 𝐮 𝐲𝐢𝐡𝐢𝐢𝐧 𝐝𝐨𝐰𝐥𝐚𝐝𝐧𝐢𝐦𝐨 𝐱𝐨𝐨𝐠𝐠𝐚𝐧.”

July 3, 2025
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa tababar u soo xiray saraakiil, saraakiil-xigeenno iyo cutubyo ka...

Duqa Muqdisho oo la kulmay madaxda UNOPS si loo dardargeliyo dib-u-dhiska waddooyinka

Duqa Muqdisho oo la kulmay madaxda UNOPS si loo dardargeliyo dib-u-dhiska waddooyinka

July 3, 2025
0

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa xafiiskiisa ku qaabilay madaxda ugu sarreysa hey’adda...

Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo noqday qofkii uga horreeyay ee ka qaata kaarka Codeynta KGS

Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo noqday qofkii uga horreeyay ee ka qaata kaarka Codeynta KGS

July 3, 2025
0

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen), ayaa ka qeyb-galay munaasabadda daah-furka ololaha diiwaangelinta codbixiyeyaasha ee deegaanada...

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo xafiiskiisa kula qaatay Danjiraha dowladda Sweden u qaabilsan Soomaaliya

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo xafiiskiisa kula qaatay Danjiraha dowladda Sweden u qaabilsan Soomaaliya

July 3, 2025
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa kulan sagootin ah xafiiskiisa kula qaatay Danjiraha dowladda Sweden...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In