Thursday, October 8, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Ciyaaraha

Xiriirka kubadda kolleyga Soomaaliya oo tababar dhanka macalimiinta ka furay Muqdisho “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
11 years ago
in Ciyaaraha
0
Xiriirka kubadda kolleyga Soomaaliya oo tababar dhanka macalimiinta ka furay Muqdisho “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Xiriirka Soomaaliyeed ee kubadba kolleyga ayaa magaalada muqdisho ka furay tababbar ay ka qayb galayaan macalimiinta kubadda kolleyga, waxaana xafladda furitaanka kasoo qayb galay mas’uuliyiin ka socotay Guddiga Olombikada Soomaaliyeed, Madaxda Xiriirka kubadad kolleyga iyo marti sharaf kale .

Tababbarkan oo ka furmay xarunta GOS waxaa  ugu horeyn  ka hadlay Guddoomiyaha Xiriirka Soomaaliyeed ee kubadba kolleyga Cabdullaahi Nuur Maxamed Cadaani  waxa uuna  sheegay in tababbarkan ay ka qayb qaadanayaan macalimiin laga soo xulay   cayaartooyda cuslaatay, kuwa hada xirfada kuguda jira iyo Ardayda Jaamacadaha wax ka barata  isla markaana  uu bixinayo Macalin Cumar Cabduqaadir Baarajab .

Related posts

Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug oo daahfuray koobka degmooyinka Galmudug “SAWIRRO”

Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug oo daahfuray koobka degmooyinka Galmudug “SAWIRRO”

June 5, 2023
Cayaartooyda Xulka Qaranka Dalkeenna oo baaritaan lagu xaqiijinayo da’dooda ku maraya Ethiopia

Cayaartooyda Xulka Qaranka Dalkeenna oo baaritaan lagu xaqiijinayo da’dooda ku maraya Ethiopia

April 14, 2023

Guddoomiye Cadaani  ayaa intaa ku daray in tababbarka  loogu diyaar garoobayo tababbar heerka koowaad  ah oo  sanadkan gudahiias xirirka qaban doono,  isla markaana ay kasoo qayb qaadan doonaan macalimiin ka socota gobolada dalka,

Madaxa arrimaha Gobolada ee GOS Ibraahin Xuseen Cali Roombe horeyna u soo noqday guddoomiyaha XSKK  oo goobta ka hadlay ayaa amaanay dadaalka xirirka iyo Macalin Baarajab  ay ku doonayaan in ay xoogga saaraan tababbarka macalimiinta oo ah  halka ay kasoo bixi karaan macaliin soo saarta cayaartooy wanaagsan.

Macalin Baarajab   oo  xaflada ka hadlay ayaa  sheegay in dalka uu xaq ku leeyahay tallaabo kasta  lagu horumarinayo kubada kolleyga Soomaliyeedna uu diyaar u yahay in uu ka qayb qaato, isagoo dhanka kale sheegay in qorshahiisa kaliya aysan ahayn hal tababbar uuna diyaariyay  qorshe 2016- ilaa 2020 oo dhanka tababbarka  macalamiinta  kubadda kolleyga

Guddoomiyaha GOS Cabdulaahi Axmed Tarabi oo xaflada ka hadlay ayaa sheegay in barisamaadki ay kubabdda Kolleyga ku horumartay isku xirnaan wadatashi iyo kala faa’iidaysasho ka dhexaysay macalimiinta garsoorka iyo cayaartooyda, taasna loo baahan yahay in dib loo soo celiyo , macaliinta tababbarka qaadanayo laga doonayo   in ay gartaan in mas’uuliyad culus ay saaran tahay.

Ugu dambeyn waxaa xaflada ka hadlay oo tababbarka furay Guddoomiye sharafeedka GOS Cabduqaadir Ibraahin Gacan Abkoow waxuuna si qooto dheer uga sheekeeyay taariikhdii  ay soo martay kubadda kolleyga iyo qabkii ay ku horumartay, waxuuna  xiriirka  kula dardaamay inay soo celiyaan taariikhdii wacnayd ee  kubadda koleyga ku lahayd qaaradda afrika.

Tabarkan oo ay ka qayb qaadanayaan 35 macalin ayaa socon doona muddo 5 maalin ah  waxayna macalimiinta qaadan doonaan xirfadaha kusoo kordhay kubadda Kolleyga oo cashar ahaan loo bari doono iyo tababbar uu macalinka ku bixinayo garoonka Wiish oo qaab ficil ah loo barayo.

W/D: Xuseen Maxamed Hadaafow

Email: [email protected]

DSC09488 DSC09498 IMG_9548 IMG_9581 IMG_9640 IMG_9658 IMG_9686 IMG_9832 IMG_9853 IMG_9855 IMG_9876 IMG_9899 IMG_9947 IMG_9955

 

Previous Post

Dhageyso Barnaamijka Faaqidaada ee Radio Muqdisho

Next Post

Qaban qaabada Aaska Ugaas Cabdiraxmaan Ugaas Khaliif oo ka socoto Beledweyne

Next Post
BELEDWEYNE: Ciidamada dowladda oo ka hor tagay weerar ay Al-Shabaab soo qaadeen

Qaban qaabada Aaska Ugaas Cabdiraxmaan Ugaas Khaliif oo ka socoto Beledweyne

𝐊𝐮𝐥𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐚𝐝𝐚 𝐗𝐮𝐤𝐮𝐮𝐦𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐃𝐚𝐧𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐨𝐨 𝐥𝐨𝐨𝐠𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐱𝐚𝐚𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐠𝐮𝐮𝐝 𝐞𝐞 𝐝𝐚𝐥𝐤𝐚

𝐊𝐮𝐥𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐚𝐝𝐚 𝐗𝐮𝐤𝐮𝐮𝐦𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐃𝐚𝐧𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐨𝐨 𝐥𝐨𝐨𝐠𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐱𝐚𝐚𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐠𝐮𝐮𝐝 𝐞𝐞 𝐝𝐚𝐥𝐤𝐚

October 8, 2026
0

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo maanta yeeshay kulankooda toddobaadlaha ah, ayaa lagu soo bandhigay warbixinno kala duwan oo...

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚: 𝐌𝐚𝐚𝐧𝐭𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐰𝐚𝐱𝐚 𝐚𝐲 𝐝𝐢𝐲𝐚𝐚𝐫 𝐮 𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲 𝐢𝐧 𝐚𝐲 𝐟𝐮𝐫𝐭𝐨 𝐚𝐥𝐛𝐚𝐚𝐛𝐚𝐝𝐚 𝐦𝐚𝐚𝐥𝐠𝐚𝐬𝐡𝐢 𝐞𝐞 𝐝𝐮𝐧𝐢𝐝𝐮 𝐮 𝐛𝐚𝐚𝐡𝐚𝐧𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚: 𝐌𝐚𝐚𝐧𝐭𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐰𝐚𝐱𝐚 𝐚𝐲 𝐝𝐢𝐲𝐚𝐚𝐫 𝐮 𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲 𝐢𝐧 𝐚𝐲 𝐟𝐮𝐫𝐭𝐨 𝐚𝐥𝐛𝐚𝐚𝐛𝐚𝐝𝐚 𝐦𝐚𝐚𝐥𝐠𝐚𝐬𝐡𝐢 𝐞𝐞 𝐝𝐮𝐧𝐢𝐝𝐮 𝐮 𝐛𝐚𝐚𝐡𝐚𝐧𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲

October 6, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa galabta ka qeyb-galay xiritaanka Madasha Ganacsiga Soomaaliya iyo Midowga...

Dhallinyarada Soomaaliyeed ee dalka Canada oo xusay maalinta Dhallinyarada Soomaaliyeed ee dalkaasi

Dhallinyarada Soomaaliyeed ee dalka Canada oo xusay maalinta Dhallinyarada Soomaaliyeed ee dalkaasi

October 6, 2026
0

Munaasabad si heer sare ah loosoo agaasimay ayna kasoo qeybgaleen Xildhibaanno Soomaaliyeed oo Baarlamaanka Canada ku metela Soomaalida, siyaasiyiin hore,...

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐪𝐞𝐲𝐛𝐠𝐚𝐥𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐃𝐡𝐚𝐦m𝐞𝐲𝐬𝐭𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐁𝐮𝐥𝐬𝐡𝐨 𝐞𝐞 𝐝𝐞𝐠𝐦𝐨𝐨𝐲𝐢𝐧𝐤𝐚 𝐁𝐚𝐥𝐚𝐧𝐛𝐚𝐥𝐥𝐞 𝐢𝐲𝐨 𝐆𝐮𝐫𝐢𝐜𝐞𝐞𝐥

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐪𝐞𝐲𝐛𝐠𝐚𝐥𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐃𝐡𝐚𝐦m𝐞𝐲𝐬𝐭𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐁𝐮𝐥𝐬𝐡𝐨 𝐞𝐞 𝐝𝐞𝐠𝐦𝐨𝐨𝐲𝐢𝐧𝐤𝐚 𝐁𝐚𝐥𝐚𝐧𝐛𝐚𝐥𝐥𝐞 𝐢𝐲𝐨 𝐆𝐮𝐫𝐢𝐜𝐞𝐞𝐥

October 5, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta safar ku tagay degmadda Balanballe ee dowlad-goboleedka Galmudug,...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In