Monday, October 26, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Ciyaaraha

Xiriirka Soomaliyeed ee Shataranjiga oo daaha ka rogay tartanka shataranjiga Iskuulada “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
9 years ago
in Ciyaaraha, Wararka
0
Xiriirka Soomaliyeed ee Shataranjiga oo daaha ka rogay tartanka shataranjiga Iskuulada “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Xiriirka Soomaliyeed ee Shataranjiga ayaa daaha ka rogay tartanka shataranjiga ee Iskuulada Gobolka Banaadir

Furitaanka tartankan  shataranjiga ee iskuulada gobolkan Banaadir ayaa waxaa kasoo qeyb galay Guddoomiyaha xiriirka Soomaliyeed ee shataranjiga Axmed Cabdi Xasan Wataac iyo mas’uuliyiin ka kala socday iskuulada tartanka ka qeyb galaya.

Related posts

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐊𝐮-𝐗𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐋𝐚𝐛𝐚𝐚𝐝 𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐥𝐤𝐚 𝐮 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐰𝐚𝐫𝐞𝐞𝐣𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐰𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐨

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐊𝐮-𝐗𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐋𝐚𝐛𝐚𝐚𝐝 𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐥𝐤𝐚 𝐮 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐰𝐚𝐫𝐞𝐞𝐣𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐰𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐨

October 25, 2026
Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

Wasaaradda Caafimaadka XFS oo shaacisay natiijada baaritaanada EBOLA

October 25, 2026

Tartankan oo markii ugu horeysay la qabanayo ayaa waxaa ka qeyb galaya ardayda da’doodu ay ka yartahay 18-ka sano, waxaana tartamayaasha loo qeybiyey afar heer oo kala duwan oo kala ah ardayda da’doodu ay ka yartahay 12-ka sano, 14-ka sano, 16-ka sano iyo 18-ka sano.

Ugu horeyn waxaa furitaanka tartankan Shataranjiga ee ka hadlay Guddoomiyaha Guddiga Wabarashada iyo Garsoorka ee xiriirka Soomaliyeed ee Shataranjiga Cabdalla Cabdalla Cali kaas oo tartankan ku tilmaamay mid taariiqi ah oo loo baahnaa, waxuuna intaa kudaray in tartanka uu bilow u yahay tartamo ballaaran oo loo qaban doono iskuulada dalka .

 

Guddoomiyaha xiriirka Soomaliyeed ee Shataranjiga Axmed Cabdi Xasan Wataac oo isna ka hadlay furitaanka tartanka ayaa sheegay iney xiriirkiisu guul u tahay qabashada tartanka shataranjiga ee iskuulada Gobolkan Banaadir oo ay ka qeyb galayaan arday aad u da’yar.

“Ciyaartan  waxa ay ka qeyb qaadataa  kaabidda maskaxda  ubadka , hadafkeenuna  waa sidii aan u soo saari laheyn  ubad Soomaliyeed  oo maskax  horumarsan leh kaasoo   dalkiisa iyo  Isboortigiisa horumar gaarsiin kara.” Ayuu yiri Guddoomiye Wataac.

Guddoomiyaha ayaa  intaa kaidb ballan qaaday in ciyaaryahanki  natiijo wanaagsan ka keena tartanka uu fursad u helayo inuu Soomaaliya ku matalo ciyaaraha da’yarta Shatranjiga  Qaaradda iyo Adduunkaba.

Tartanka oo ka qeyb galayaan 30 Arday oo ka socta 10  iskuul   ayaa socon  doona mudoo laba maalmood ah, waxaana gabagabdiisa abaal marino qiimo badan la gudoonsiin doonaa ardayda soo tiigsata kaalmaha 1-aad 2-aad iyo 3-aad.

W/D: Xuseen Maxamed Hadafow

Email: [email protected]

Previous Post

Shaqaalaha Wasaaradda Haweenka ee Koonfur Galbeed oo loo furay siminaar

Next Post

DAAWO SAWIRRADA: Guddoomiyaha Aqalka Sare oo si diiran loogu soo dhaweeyay garoonka Muqdisho

Next Post
DAAWO SAWIRRADA: Guddoomiyaha Aqalka Sare oo si diiran loogu soo dhaweeyay garoonka Muqdisho

DAAWO SAWIRRADA: Guddoomiyaha Aqalka Sare oo si diiran loogu soo dhaweeyay garoonka Muqdisho

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐊𝐮-𝐗𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐋𝐚𝐛𝐚𝐚𝐝 𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐥𝐤𝐚 𝐮 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐰𝐚𝐫𝐞𝐞𝐣𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐰𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐨

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐊𝐮-𝐗𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐋𝐚𝐛𝐚𝐚𝐝 𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐥𝐤𝐚 𝐮 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐰𝐚𝐫𝐞𝐞𝐣𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐰𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐨

October 25, 2026
0

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Labaad ee Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi, ayaa Ka qeybgalay munaasabadda xil-wareejinta Wasaaradda...

Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

Wasaaradda Caafimaadka XFS oo shaacisay natiijada baaritaanada EBOLA

October 25, 2026
0

Wasaaradda Caafimaadka XFS ayaa shaacisay natiijada baaritaanada Ebola iyo dhammeystirka habraacyada karantiilka Muwaadinkii Soomaaliyeed ee la xaqiijiyo in uu xiriir...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo shir muhiim ah kaga qayb galaya dalka Azerbaijan

Wasiirka Warfaafinta XFS oo shir muhiim ah kaga qayb galaya dalka Azerbaijan

October 25, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa maanta u amba baxay magaalada...

Hay’adda NISA oo gacanta ku dhigtay eedeysane bom gacmeed ku tuuray bar koontarool

Hay’adda NISA oo gacanta ku dhigtay eedeysane bom gacmeed ku tuuray bar koontarool

October 24, 2026
0

Ciidamada Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), oo kaashanaya ciidamada kale ee amniga, ayaa gacanta ku dhigay Cabdisalaan Yacquub Nuur...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In