Xoghayaha joogtada ah ee wasaaraddaย Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Mudane Xamse Aadan Xaadoow ayaa maanta kulan kula yeeshay xarunta wasaaradda arrimaha dibadda danjiraha dowladda Qatar ee Soomaaliya Amb. Abdullah bin Salem Al Nuaimi.
Xoghayaha Joogtada ah iyo safiirka ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka labada dal iyo kor u qaadidda iskaashiga ka dhaxeeya ee dhinacyada Diblumaasiyadda, horumarinta iyo gargaarka.
Mudane Xamse Aadan Xaadoow iyo danjire Abdullah bin Salem Al Nuaimi ayaa sidoo kale isla soo qaaday booqashada Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudaneย Dr Xasan Sheekh Maxamuud uu horraanta bisha Maarso ku tegi doono dalka Qatar, iyadoo safiirku uu xoghayaha la wadaagay diyaar garowga ay dowladdiisu ugu jirto soo dhoweynta Madaxweynaha iyo wafdigiisa.
Kulankan labada masโuul waxaa ku wehelinayay Agaasimaha Habmaamuuska qaranka Abukaate Xirsi Xaaji Culusow iyo agaasimaha waaxda Carabta wasaaradda Arrimaha dibadda Mudane Mustaf Aadan Dagaal, iyo sidoo kale saraakiil ka socotay safaaradda Qatar.