Tuesday, May 13, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Xoogga dalka waa lafdhabarka Qarannimada Soomaaliya

Liibaan Lugcad by Liibaan Lugcad
April 11, 2019
in Wararka
0
Xoogga dalka waa lafdhabarka Qarannimada Soomaaliya
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

12/4/1960kii  oo ku beegnayd 79 casho ka hor xornimadii dalka 1dii Luulyo 1960kii ayaa xukuumadii Daakhiliga ahayd ee dalka ka jirtay ee uu hogaaminayay Allaha u naxariistee mudane C/llaahi Ciise Max’uud  waxay soo saartay wareegtadii lagu dhisay ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed,  waxaana  Taliyihii Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed ee ugu horeeyay loo magacaabay islamarkaana darajada Sareeye Guuto loo dalacsiiyay Allaha u naxariisto general  Da’uud Cabdule Xirsi.

 

Related posts

Howlgal lagu dilay xubno katirsan khawaarijta oo ka dhacay degmada Xarardheere ee gobolka Mudug

Howlgal lagu dilay xubno katirsan khawaarijta oo ka dhacay degmada Xarardheere ee gobolka Mudug

May 12, 2025
Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda oo Golaha Shacabka ka hor akhriyay muhiimadda hirgelinta heshiiska lagu dhisay ururka IGAD

Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda oo Golaha Shacabka ka hor akhriyay muhiimadda hirgelinta heshiiska lagu dhisay ururka IGAD

May 12, 2025

12-ka Apriil 1960kii ayaa la aasaasay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, waana markii dhidibada loo taagay Ciidan Difaac oo uu Dalku leeyahay, sidaasi darteed aan wax ka xusno taariikhdii aas-aaskii Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed.

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Waxaa la aas-aasay 12kii-April 1960kii oo waqtigan laga joogo muddo 59-sanadood.

Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed wuxuu ka kooban yahay afar talis oo kala ah: ciidanka dhulka, ciidanka cirka, ciidanka badda difaaca xeebaha iyo ciidanka difaaca cirka.

Ugu horayntii markii la yagleelayay Millatariga dalka waxaa lagu aas-aasay 8 horimood,waxaana taliyihii ugu horeeyay ee uu yeesho noqday Allaha u naxariistee Gen. Daauud Cabdulle Xirsi, sidoo kale waxaa Abaanduulaha Xoogga Dalka loo magcaabay Allaha u naxriistee Gen. Maxamed Siyaad Barre, Waxaana ciidamadii ugu horreeyay ee Soomaaliya yeelato laga kala keenay labadii qeybood ee dalka ee ka xoroobay gumeystayaashi Ingriiska iyo Talyaaniga.

Xooga Dalka Soomaaliya wixii waqtigaa ka dambeeyay waa la balaariyey waana la casriyeey isagoo si xad dhaaf ah u kobcaayay, wuxuuna soo maray marxalado kala duwan, Sanadkii 1960-kii ilaa 1969kii waqtigaas oo ay dalka maamulayeen dowladihii rayidka ahaa wuxuu ciidanku ku jiray marxalad dhismo iyo koboc , hadana ayadoo taasi ay jirto ayay guulo taariikhi ka gaareen dagaalkii ay Xoogga dalka soomaaliyeed la galeen ciidamadii Ethopia Sanadkii 1964-kii.

1969kii-ilaa iyo Sanadkii 1990kii oo ahayd Marxaladii labaad ciidamada xoogga dalka soomaaliyeed dalkana ay ka jirtay dowladii milatariga ahayd ee uu hoggaanka u ahaa S/Gaas Maxamed Siyaad Barre, xilligan ayuu Ciidankii Xoogga Dalka Soomaaliyeed si buuxda u hanaqaaday,Waxaa la balaariyay Dhismihii Ciidanka iyo hoggaamadiisii kala duwanaa sida Ciidanak Dhulka,cirka,Difaaca cirka iyo Ciidanka Badda iyo difaaca Xeebaha sidoo kale waxaana kobcay Qeybihii iyoTalisyadii Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee Gobolada Dalka kuwaasoo xarumo ku lahaa magaalooyinka Muqdisho, Dhuusamareeb Garoowe ,Hargeysa, Burco iyo saldhigyadii Kismaayo iyo Baydhabo.

Xilligii dowladdii kacaanka ciidamada Xoogga dalka waxay ka gaareen xagga dhismaha iyo farsamada heer aad u sarreeya iyagoo ka soo qayb qaatay howlgallo nabad ilaalin ah oo ay ka soo fuliyeen dalal ka tirsan qaarada afrika oo ay ka mid tahay Ugandha, taasi oo horseeday in loogu yeero Libaaxyada Africa.

Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed waxay mar labaad dagaal la galeen ciidamadii Ethiopia Sanadkii 1977kii, kaasi oo reebay raad taariikhi ah oo lama filan ku noqday dalal badan oo caalamka ka mid ah gaar ahaan quwadihii ugu waa weynaa dunida sida Gashaanbuurtii Nato iyo Waarso oo ay kala hoggaaminayeen dalalka Mareykanka iyo dalkii horay loo oran jiray Midowga Soofiyeeti.

1976 waqtigaas oo ahayd hal sano ka hor dagaalkii 77 waxaa lagu tilmaami karaa xilligii uu ugu itaalka waynaa C.X.D wuxuuna ka koobnaa:-23 Guuto oo ciidanka lugta ah, 2 Guuto oo Komaandooska ah, 9 Guuto ooTaangi ah, 9 Guuto oo madaafiicda Goobta ah, 4 Guuto oo ciidanka Difaaca ah, Ciidanka Cirka dayaaradaha Soomaliya waxay ahaayeen 52 dayaaradood, 24 ka mid ah waxay ahaayeen Miig.

Qeybaha ciidanka Xooga Dalka Soomaaliya sida qeybta 60-aad ee magaalada Baydhabo, qeybta 21-aad ee magaalada Dhusamareeb, iyo qeybta 26-aad ee magaalada Hargeeysa, iyadoo ay Saldhigyadu kala ahaayeen 43-aad ee magaalada Kismayo, iyo 54-aad ee magaalada Garowe, Ciidanka Badda saldhiyadooda waxay ku yaaleen magaalooyinka Muqdisho , Kismayo iyo Berbera.

1991dii oo ahayd markii ay dhacday dowladdii dalka ka jirtay waxaa burburay tiirarkii muhiimka u ahaa qaranimada sida kii ciidamadii Xoogga dalka waxayna taasi horseeday qaran jabkii nagu dhacay,dowlad la,aantii dalku galay waxay keentay in xubnihii ciidanka ay kala daataan kuna milmaan shacbiga.
Nasiib wanaag waxaa sanadahan dambe dib u bilawday qorshayaal dib loogu yagleelayo Ciidamadii qaranka ee wehelka u noqon lahaa dalkaan iyo dadkiisa mudada dheer Baylahda ahaa.

Dadaalka ugu xooggan waxaa wada madaxwaynaha J.F.S md. max’ed C/llaahi farmaajo oo shacbigiisu waxyaabaha ay kalsoonida ku siiyeen ay ka mid tahay niyad wanaagga uu u hayo dib u soo noolaynta iyo tayaynta Ciidamadii Xoogga dalka kuwaasi oo ah Tiir dhexaadkii qaranimada ee soo celin lahaa Sharaftii iyo magacii aan dunida ku lahayn.

Munaasabadda 12-ka April ee sanadkan 2019ka oo ah sanadguuradii 59aad ee ka soo wareegtay aas aaska Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliya, waxay ku soo beegantay xilli Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed uu ku tallaabsaday horumarro dhinacyo badan leh, islamarkaana ay socdaan qorshayaal kor loogu qaadayo Tayada iyo hoggaan wanaagga Ciidanka xoogga dalka.

Dadaalada jira waxaa hormuud ka ah Madaxwaynaha J.F.S md. Max’ed C/llaahi Farmaajo oo Xafiiskiisa labaad ee shaqo maalmeedkiisa ka samaystay Xarunta wasaaradda gaashaandhigga, si uu uga mira dhaliyo ballan qaadkiisii ahaa dhismo ciidan qaran oo gudan kara waajibkiisa isla markaana hela xuquuqdooda.

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya S/gaas Daahir Aadan Cilmi Indhaqarshe ayaa maanta hambalyo u diray ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya oo maanta u dabaal dagaya sanadguurada 59 Aad ee kasoo wareegatay Aas Aaska ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya.

“Ugu horreyntii Anigoo ku hadlaya Magaca Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya  waxaan HAMBALYO, HAMBALYO, leeyahay  dhammaan ciidanka XDS iyo qoysaskooda, waxaan idin kugu hambalyeynayaa Sanadguurada 59aad ee aas-aaskii ciidanka XDS. XDS waxuu leeyahay taariikh soo jireen ah oo ummadda Soomaaliyeed ay ku faani karaan”ayuu yiri Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka S/gaas Daahir Aadan Cilmi Indhaqarshe

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya ayaa sheegay inay tahay maalin qaali ah oo dalkeennu yeeshay ciidan difaaca jiritaankiisa iyo qaranimadiisa,

Munaasabada oo ku beegnayd 12 April ayaa loo soo horumariyay maanta oo khamiis ah 11-April 2019 sababta oo lagu sheegay in ay ku aaday Maalin Jimca ah ,sidaasi darteedna maanta ay ka socoto muqdisho xafladda lagu xusay Sanad-guurada aas-aaska Ciidanka xoogga Dalka taas oo ay ka qeyb-galayaan Madaxda ugu sareysa Dalka.

Munaasabadda lagu xusayo 59-guuradii ka soo wareegatay aas aaska Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed ee 12 April ayaa maanta lagu qabtay magaalada Muqdisho, waxaana ka qeybgalay Madaxda ugu sarreysa dalka iyo Taliyayaasha Ciidamada, iyadoo dhinaca kalena Madaxda Qaranka ay Hambalyo ku aadan Xuska 12ka April u direen Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed, waxayna sanadkaan ay u dabaal degayaan sanad guuradii 59 aad

W/Qoray: Gobdoon

Previous Post

Wasiirka Maaliyadda oo ka hadlay Shirka Washinton

Next Post

Guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka oo Tacsiyeeyay Geerida Marxuum Yaxye Cabdi Xaaji oo geeriyooday Denmark.

Next Post
Guddoomiye Jawaari oo iscasilaadiisa uga hor dhawaaqay Golaha Shacabka

Guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka oo Tacsiyeeyay Geerida Marxuum Yaxye Cabdi Xaaji oo geeriyooday Denmark.

Howlgal lagu dilay xubno katirsan khawaarijta oo ka dhacay degmada Xarardheere ee gobolka Mudug

Howlgal lagu dilay xubno katirsan khawaarijta oo ka dhacay degmada Xarardheere ee gobolka Mudug

May 12, 2025
0

Ciidanka Deegaanka ee ka howlgala aagga degmada Xarardheere ee gobolka Mudug ayaa fuliyay howlgal ay ku dileen ugu yaraan saddex...

Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda oo Golaha Shacabka ka hor akhriyay muhiimadda hirgelinta heshiiska lagu dhisay ururka IGAD

Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda oo Golaha Shacabka ka hor akhriyay muhiimadda hirgelinta heshiiska lagu dhisay ururka IGAD

May 12, 2025
0

Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda Xukuumadda Faderaalka Soomaaliya mudane Cali Maxamed Cumar (Balcad),ayaa maanta Xildhibaannada Golaha Shacabka ka hor akhriyay muhiimadda...

Dowladda Soomaaliya iyo Hay’adda Lacagta Adduunka ee IMF oo uu shir uga furmay Magaalada Nairobi

Dowladda Soomaaliya iyo Hay’adda Lacagta Adduunka ee IMF oo uu shir uga furmay Magaalada Nairobi

May 12, 2025
0

Magaalada Nairobi ee dalka Kenya waxaa ka furmay shir muhiim ah oo u dhexeeya Hay’adaha Maaliyadda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo...

Ciidanka xoogga oo howlgal qorsheysan ka fuliyay degaanka Deynuunay gobolka Baay

Ciidanka xoogga oo howlgal qorsheysan ka fuliyay degaanka Deynuunay gobolka Baay

May 12, 2025
0

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan guutada 8-aad ee qeybta 60-aad oo garab ka helaya Ciidanka Daraawiishta Koonfur Galbeed, ayaa...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In