Sunday, October 18, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Xubin ka tirsan Al-Shabaab oo isku dhiibay Boliiska Kenya

admin by admin
8 years ago
in Wararka
0
Xubin ka tirsan Al-Shabaab oo isku dhiibay Boliiska Kenya
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Related posts

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026

Laamaha ammaanka Dalka Kenya ayaa baaraya Kiiska Nin 23 jir ah oo ka  baxsaday Xero ay tababar ku siinayeen kooxda Al-Shabaab, markii uu isu dhiibay Saldhigga Boliiska degaanka Nakuru.

Samuel Obara, oo ka mid ah Saraakiisha Boliiska ayaa wargeyska Daily Nation u sheegay inuu Ninkani tagay Saldhigga Maqribnimadii Axaddii ee Todobaadkan, xubinna uu ka ahaa Ururka Al-Shabaab.

Mr Obara ; ayaa sheegay in xilligii uu Ninkani u imanayay uusan wadan wax Hub ah, iyadoo si deg-deg ah uu u qaabbilay Xafiiska baarista dembiyada culus ee Nakuro , waxaana sidoo kale codsaday in ay su’aalo weydiiyaan Ciidanka ka hortagga argagixisada ee Degmada Eldoret si loo hubiyo tuhmanaha.

Dembi baare sare, oo Magaciisa qariyay, ayaa u sheegay Jariiradda Daily Nation, in uu Ninkani ka baxsaday Xero tababar oo ay Al-Shabaab ku leeyihiin degaanka Bomboolulu , oo ka tirsan Gobolka Mombasa , kana baqaya Khatar xagga nolosha ah oo kaga timaaddo argagixisada.

Ninkan ayaa sidoo kale Boliiska Kenya u sheegay in uu Al-Shabaab ku biiray Bishii September 2018-kii, Muddo Shan Bil ahna uu tababar qaadanayay.

Previous Post

Wejigii 1-aad ee dib u hesiisiinta K/Galbeed oo la soo geba gebeeyey+sawiro

Next Post

Diyaarad nuuca duuliye la’aanta ah oo saameyn ku yeelatay howlihii duulimeed ee garoon kuyaal Mareykanka January 23, 2019

Next Post
Diyaarad nuuca duuliye la’aanta ah oo saameyn ku yeelatay howlihii duulimeed ee garoon kuyaal Mareykanka January 23, 2019

Diyaarad nuuca duuliye la’aanta ah oo saameyn ku yeelatay howlihii duulimeed ee garoon kuyaal Mareykanka January 23, 2019

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xildhibaan Xuseen Maxamed Nuur (Dhegaweyne) ayaa loo doortay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug, kaddib markii uu helay 79 cod. Sidoo...

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Agaasime Kuxigeenka Guud ee Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Kusimaha Agaasimaha Guud Mudane Zakariye Yuusuf Xuseen ayaa xarigga ka...

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xulka qaranka Soomaaliya ee da’doodu ka hooseyso 17-ka sano ayaa u soo baxay finalka CECAFA U17 - AFCON Qualifiers...

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In