Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa shir guddoomiyay kulan aan caadi aheyn oo ay maanta yeesheen Guddiga Joogtada ah ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
Kulanka oo ajandihiisu ahaa dhaarinta Wasiirada dhowaan uu soo magacaabay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa waxaa dhaariyay garsoore Saalax Sheekh Ibraahim oo ka tirsan Maxkamadda Sare ee dalka.
Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe oo la dardaarmay Wasiirada cusub ayaa xusay in xilkooda u gutaan si mas’uuliyad ay ku jirto, ugana adeegaan dalka iyo shacabka Soomaaliyeed.