Saturday, September 26, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Xujayda Soomaaliyeed sanadkan oo safaradooda loo sahlay (Warbixin)

admin by admin
7 years ago
in Wararka
0
Xujayda Soomaaliyeed sanadkan oo safaradooda loo sahlay (Warbixin)
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Maalmaha nagu soo foolka leh waxa billaabmaya acmaashii xajka oo ka mid ah shanta tiir ee Islaamka, waana waajib saaran qof kasta oo muslim ah oo awooda inuu guto faralkaas noloshiisa mar, Haddaba maadaama ay malaayiin muslimiin ahi u geeddi yihiin dhulka barakaysan oo maalmo gudahood xajku ka billaabmayo, ayaa Wasiirka Wasaaradda Awqaafta iyo arrimaha Diinta Soomaaliya, Sheekh Nuur Maxamed Xasan, uu dhawaan sagootiyay dufcaddii 1-aad ee Xujeyda Soomaaliya.

Mudane Sheekh Nuur, ayaa Alle ugu mahadceliyay sida ay howsha ugu fududaatay, wuxuuna intaa raaciyay in Magaalada Makka ay Xujeyda Soomaaliyeed uga sii hor mariyeen shaqaale ka tirsan Wasaaradda, kuwaasi oo ka saacidi doono wax kasta oo ay u baahan yihiin, Wasiirka oo arrintasi ka hadlayay ayaa yiri:- ““Waxaan daahfurnay nidaamka Fiiso bixinta Xajka annaga oo sagootinnay dufcadii 1-aad ee xujayda Sanadkan 1440/ 2019”.

Related posts

Mudanayaasha Golaha Shacabka oo ansixiyey Hindise-Sharcyeedka Iskaashiga Garsoorka Caalamiga ah

Mudanayaasha Golaha Shacabka oo ansixiyey Hindise-Sharcyeedka Iskaashiga Garsoorka Caalamiga ah

September 26, 2026
Meydka Wariye Maxamed Aweys Muudey oo maanta Salaaddii Janaasada lagula tukaday Muqdisho

Meydka Wariye Maxamed Aweys Muudey oo maanta Salaaddii Janaasada lagula tukaday Muqdisho

September 26, 2026

Dhinaca kale si faafin dheeri ah looga helo arrimaha ku saabsan Xajka ee sanadkan oo arrimo badan loo sahlay Xujeyda ka Xajineysa Dalka Soomaaliya gudahiisa ayaan ka wareysanay Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta Mudane Cusmaan aaden Dhuuboow.

Wasiir ku xigeen Dhuuboow ayaa sheegay in Qorshaha Xajka ee sanadkaan uu ka badelnaan doono kii sanadkii aan soo dhaafnay, iyadoo aan ka faa’idaysanayno wax badan oo horay u dhacay,waxaana sanadkii la soo dhaafay, wasaaradda Awqaafta iyo guddiga qabanqaabada Xajka ay dhaqangaliyeen isbadadallo muuqda oo lataaban karo.

Mudane Dhuuboow oo faahfaahinayay isbadallada dhinaca Xajka ee sanadkaan la gaaray ayaa yiri, “Horumarada Sanadkaan aan taabba galinay waxaa ka midah xujayda safaradooda, deegaanada ay degi doonaan xujayda oo ahayd meelo masaaafo ahaan ka fog xaramka waxaan hadda fududaynay inaan u diyaarinay deegaanno Xaramka u dhow”.

Wasiir ku xigeenka Awqaafta iyo arimaha diinta wuxuu tilmaamay in habraaca dhinaca Socdaalka xujayda uu soo maray heerar kala duwan, xilliggii hore waxay ku koobnayd labada shirkadood ee Daalo iyo Jubba, sanadkii dhawaa waxaa ku soo biiray 3-da shirkadood ee Ocean, Afrika iyo Freedom, sanadkaana waxaa xujayda u adeegi doona 11 shirkado diyaaradeed, wuxuu dhinaca kale tilmaamay in shirkadaha bixiya adeegyada xajka sanadkan si siman ay u tartameen, islamarkaana tayadooda lagu soo kala xushay, waxaana kor loo qaaday lana fuudeeyay Socdaalka martida Alle ugu baqoolayaan Goobaha barakaysan.

Md.Dhuuboow mar uu ka hadlay adeegyada muhiimka ee Wasaaradda Awqaafta iyo arimaha diinta u qabatay xujayda wuxuu tilmaamay in xafiiska Wasaarada lagu daabici doono viisaha, taasi oo uu sheegay inay dabooli doonto in dalka dibadiisa loo qaado baasabroorada xujeyda Soomaaliyeed.

Mudane Dhuuboow waxaa kale ee uu sheegay intirada xujayda Soomaaliyeed ka xajinaya gudaha dalka in ay sanadkaan gaarayaan Kow iyo toban kun iyo shan boqol oo xaaji,(11.500) kuwaasi oo dowladda Soomaaliya gaar ahaan wasaaradda diinta iyo Awqaafta u diyaarisay adeegyada muhiimka ah ay u baahan yihiin, wuxuuna hoosta ka xariiqay in sanadkan shirkadaha diyaaradaha iyo xujaydaba ay lacagahooda marsiin doonaan nidaamka Bangiyada, arrintaasi waxa ay weyn ka badeli doonan dhibaatooyinkii jiray, islamarkaana lacagihii gacanta lagu qaadi jiray ay hadda mari doonaan nidaam Bangi, taasi oo looga maarmo khaladaadkii hore.

Xujeyda sanadkaan ayaa wax badan loo fududeeyay waxaana ka mid ah Diyaaradihii daabuli lahaa oo la badiyay tiro iyo tayo ahaan, Fiisihii loo kala aadi jiray ama laga doonan jray dalal kale sida Kenya iyo Jabuuti oo haddalaga bixinayo Dalka Gudahiisa ama laga helaayo , lacagaha oo hadda iyo wixii ka dambeeya la marsiin doono Habka Bangiyada, taasi oo looga maarmay Lacagihii gacanta lagu qaadan jiray iyo diyaarinta deegaanada ay Xujeydu Degi laheyd iyo tashiilaadka loo baahan yahay.

Haddaba Xujeyda sanadkan wax badan ayaa loo fududeeyay oo aysan helin Xujeydii iyaga ka horreeyay sanadadii hore, waxaana hal qabsigoodu noqonayaa “Wallee Xujayda sanadkan safaradooda Xajka waa loo sahlay”.

W.D. C/laahi Ruush

Previous Post

Guddoomiye Najax” Dhallinyaro gaareysa 400 ayaan tababar Boolis uga furnay Gobolka Shabeellaha Hoose”

Next Post

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo qaabilay Wafdi ka socda Ururka Midowga Afrika oo uu hoggaaminayay Thabo Mbeki

Next Post
Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo qaabilay Wafdi ka socda Ururka Midowga Afrika oo uu hoggaaminayay Thabo Mbeki

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo qaabilay Wafdi ka socda Ururka Midowga Afrika oo uu hoggaaminayay Thabo Mbeki

Mudanayaasha Golaha Shacabka oo ansixiyey Hindise-Sharcyeedka Iskaashiga Garsoorka Caalamiga ah

Mudanayaasha Golaha Shacabka oo ansixiyey Hindise-Sharcyeedka Iskaashiga Garsoorka Caalamiga ah

September 26, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa yeeshay kalfadhiga 8-aad, kulankiisa 19-aad, waxaana Shir guddoomiyey Guddoomiye kuxigeenka labaad...

Meydka Wariye Maxamed Aweys Muudey oo maanta Salaaddii Janaasada lagula tukaday Muqdisho

Meydka Wariye Maxamed Aweys Muudey oo maanta Salaaddii Janaasada lagula tukaday Muqdisho

September 26, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Alle ha u naxariistee, maanta ayaa Garoonka Aadan Cadde ee Muqdisho laga soo dejiyay meydka marxuum Wariye Maxamed Aweys...

Ra’iisul Wasaare Xamse oo soo magacaabay agaasimeyaal guud

Ra’iisul Wasaare Xamse oo soo magacaabay agaasimeyaal guud

September 26, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda JFS Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa magacaabay agaasimeyaasha Guud ee qaar ka mid ah wasaaradaha xukuumadda...

Wasiirka Warfaafinta oo ka qaybgalay kulan soo dhaweyn ah oo Madaxweynaha Ruushku kasoo qayb galay

Wasiirka Warfaafinta oo ka qaybgalay kulan soo dhaweyn ah oo Madaxweynaha Ruushku kasoo qayb galay

September 26, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa xalay ka qaybgalay kulan soo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In