Sunday, August 9, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Xukun lagu riday Rag loo heeysto fulinta weeraro ka dhaca goballada woqooyi iyo Soomaali Galbeed Ethiopia

Fardowso Xasan by Fardowso Xasan
4 years ago
in Wararka
0
Xukun lagu riday Rag loo heeysto fulinta weeraro ka dhaca goballada woqooyi iyo Soomaali Galbeed Ethiopia
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Usaama Cabdi-Nuur Saciid, Cabdi-Samad Cabdullaahi Maxamed iyo Sakariye  Axmed Cabdullaahi ayaa loo haystaa kamid ahaanshiyaha Al-shabaab.Usaama Cabdi-Nuur Saciid iyo Cabdi-Samad Cabbdullaahi Maxamed waxa ay kuwada dhasheen Burco halka Sakariye Axmed Cabdullaahi uu ku dhashasy Hargaysa.

Seddaxda dhallinyarada ah ayaa Loo daaray Muuqaal laga sameeyay Dhulka cagaaran Ee Soomaaliya, waxaana sidoo kale ay dhegeysteen Codad laga soo duubay dhalinyara Jidbaysan oo Nolosha adduunka ka doortay in Lafahooda ay Holciyaan.

Related posts

Munaasabadda Shaacinta Natiijada Imtixaanka Fasalka 8-aad ee Gobolka Banaadir oo Muqdisho ka socota

Munaasabadda Shaacinta Natiijada Imtixaanka Fasalka 8-aad ee Gobolka Banaadir oo Muqdisho ka socota

August 9, 2026
Guddoomiye Muungaab oo xafiiskiisa ku qaabilay Duqa magaalada Bristol ee dalka Ingiriiska

Guddoomiye Muungaab oo xafiiskiisa ku qaabilay Duqa magaalada Bristol ee dalka Ingiriiska

August 9, 2026

U qaabilsanaha Goballada Woqooyin ee Maleeshiyada Al-shabaab ayaa u sheegay dhallinyarada inay nolol wanaagsan ka jirto Howdka, waxa ayna Safar Socdaal ah ku soo mareen inta u dhexeyso Burco iyo Garowe.

Garowe oo ay diyaarad ka soo raaceen kadib waxaa laga soo dajiyay Muqdisho, haweenay magaceed Xarakigaha uu ahaa Wiillo ayaa dajisay Hotel, waxaana maalma kadib loo kaxeeyay Jilib, maalmo Nasiino ah kadib waxa ay uga sii gudbeen Bu’aale oo lagu baray tababar 90 Cisha ah Isticmaalka Qoryaha AK47-G3-BKM- F1 & PISTOL.

Intii ay tababarka ku jireen waxaa sidoo kale loo fasir xumeeyay dhowr Nas oo kamid ah Kitaabka iyo Sunnaha, waxaana loo raaciyay Oraahya laga soo guuriyay Kuwa Diinta Fasir wareeriyay oo is gaar siiyay darajada Fatwa.

Seddaxdaan dhallinyarada ahayaa sidoo kale lala soo qabtay Xasuus Qor ay wateen oo ay ku diiwaan gelin jireen Howl maalmeedkooda.

U jeedkooda ayay ku koobaan in ay billow u yihiin dhalinyaro loogu tala galay in ay ka howl-galaan Goballada Woqooyi iyo dhulka Soomaali Galbeed Ethiopia.Dhammaan dhallinyarada ayaa wada qaatay fikirka kooxda October 2021, 15-kii March Sanadkan ayaa lagu wareejiyay hogaanka baarista NISA.

Xafiiska Xeer Ilaalinta ayaa la wareegay Eedeysanayaasha April sanadkan, waxa ayna Codsadeen dabayaaqdii April Garsoorka ciidamada Qalabka Sida  in loo Maxkamadeeyo Seddaxda eedeysane kamid noqoshada Argagixisada.

Maxkamadda ayaa fadhiya kala duwan kadib ku xukuntay min 8-sano oo Xabsi Ciidanah, sida dhinacyada Dacwadda uu u sheegay Gashaanle  Maxamed Cabdi Muumin.

Xukunsanayaasha ayaa haysta Fursad ay ku dalban karaan Rafcaan.

Previous Post

Wasaaradda Waxbarashada Soomaaliya oo soo saartay waqtiga la qaadayo Imtixaanka shahaadiga

Next Post

Goorta ay dhacayso munaasabadda xil wareejinta Madaxweynaha Dalka oo la go’aamiyay “SAWIRRO”

Next Post
Goorta ay dhacayso munaasabadda xil wareejinta Madaxweynaha Dalka oo la go’aamiyay “SAWIRRO”

Goorta ay dhacayso munaasabadda xil wareejinta Madaxweynaha Dalka oo la go’aamiyay "SAWIRRO"

Munaasabadda Shaacinta Natiijada Imtixaanka Fasalka 8-aad ee Gobolka Banaadir oo Muqdisho ka socota

Munaasabadda Shaacinta Natiijada Imtixaanka Fasalka 8-aad ee Gobolka Banaadir oo Muqdisho ka socota

August 9, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Waxaa magaalada Muqdisho ka socota xaflad si rasmi ah loogu shaacinayo, natiijada imtixaanka shahaadiga ah ee fasalka 8-aad ee...

Guddoomiye Muungaab oo xafiiskiisa ku qaabilay Duqa magaalada Bristol ee dalka Ingiriiska

Guddoomiye Muungaab oo xafiiskiisa ku qaabilay Duqa magaalada Bristol ee dalka Ingiriiska

August 9, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Mudane Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa maanta oo Axad ah xafiiskiisa...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo xarigga ka jaray Xarunta Gurmadka Degdegga ah ee Waqooyi Bari

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo xarigga ka jaray Xarunta Gurmadka Degdegga ah ee Waqooyi Bari

August 8, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, oo ay wehliyaan Wasiirka Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka Dowlad Goboleedka...

Guddoomiyaha Hay’adda Qaxootiga oo kulan la qaatay Madaxweynaha Hay’adda Caalamiga ah ee Qaxootiga

Guddoomiyaha Hay’adda Qaxootiga oo kulan la qaatay Madaxweynaha Hay’adda Caalamiga ah ee Qaxootiga

August 8, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Qaranka Soomaaliyeed, Liibaan Cabdi Cigaal, ayaa magaalada Muqdisho kulan kula yeeshay Jeremy Konyndyk, Madaxweynaha Hay’adda...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In