Cabdi Cabdulle Cumar Cabdi yare”, Cabdullaahi Axmed Cabdi “Dhoobey” iyo Maxamed Maxamuud Cabdi, ayaa loo soo xiray kamid ahaanshiyaha Khawaarijta, gaar ahaan qeybta soo gudbinta Xogaha ganacsatada iyo dhaq-dhaqaaqa ganacsi ee dekadda Muqdisho.
Shaqooyinkii ay Khawaarijta u qabteen ayaa waxaa kamid ah Xogaha Sagaal markab oo si PDF ahaan ah ay whatsapp-ka ugu direen Cabdi Qafaar “Ugaas” oo Khawaarijta u qaabilsan Qeybta Xogaha Maraakiibta iyo Maaliyadda Ee Dekadda Muqdisho, bil kasta ayeyna la wadaagayeen xogaha iyo dhaq-dhaqaaqyada ganacsi ee Dekadda, si Khawaarijta ay u handadaan ganacsatada oo ay uga qaataan lacago baad ah.
Seddexdaan Eeddeysane, ayaa Gacmaha Hay’addaha ammaanka waxay soo galeen Tobankii bisha Lixaad ee Sanadkaan 2024.
Baaris dheer kadib Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada, ayaa codsaday qaadista kiiskaan, waxaana laga oggolaaday Labo iyo Labaatankii Bishaan Oktoobar.
Garsoorka Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida oo waqti ku filan siiyey dhinacyadda dacwadda ayaa ugu dambeyn maanta ku kala xukuntay.
Cabdi Cabdulle Cumar Cabdi yare” iyo Maxamed Maxamuud Cabdi ayey Maxkamadu ku xukuntay min Siddeed Sano oo Xabsi Ciidan ah, halka Cabdullaahi Axmed Cabdi “Dhoobey lagu xukumay Afar sano oo Xabsi ciidan ah.