Friday, October 16, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Xukuumadda Soomaaliya Iyo Midawga Yurub Oo Kala Saxiixday €100 Milyan Oo Lagu Kabayo Miisaaniyadda Dawladda

admin by admin
8 years ago
in Wararka
0
Xukuumadda Soomaaliya Iyo Midawga Yurub Oo Kala Saxiixday €100 Milyan Oo Lagu Kabayo Miisaaniyadda Dawladda
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Xukuumaadda federaalka Soomaaliya iyo midawga Yurub ayaa maanta kala saxiixsay €100 (Boqol milyan oo Yuuro) oo midawga Yurub  si toos ah ugu taageerayo miisaaniyadda dawladda.

Related posts

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

October 15, 2026
𝐑/𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐡𝐚𝐠𝐚𝐱-𝐝𝐡𝐢𝐠𝐚𝐲 𝐗𝐚𝐫𝐮𝐧𝐭𝐚 𝐒𝐚𝐲𝐧𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐓𝐢𝐤𝐧𝐨𝐨𝐥𝐨𝐣𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐞𝐞 𝐉𝐚𝐚𝐦𝐚𝐜𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐈𝐌𝐀𝐃

𝐑/𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐡𝐚𝐠𝐚𝐱-𝐝𝐡𝐢𝐠𝐚𝐲 𝐗𝐚𝐫𝐮𝐧𝐭𝐚 𝐒𝐚𝐲𝐧𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐓𝐢𝐤𝐧𝐨𝐨𝐥𝐨𝐣𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐞𝐞 𝐉𝐚𝐚𝐦𝐚𝐜𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐈𝐌𝐀𝐃

October 15, 2026

Heshiiskaan oo lagu saxiixay munaasabad lagu qabtay xafiiska ra’iisul wasaaraha uuna goob joog ka ahaa ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre ayaa waxa uu dhigayaa in midawga yurub ay bangiga dhexe ee dalka ku shubaan  lacag €100.

Wasiirka Qorshaynta, maal-gashiga iyo horumarinta caalamiga ah ee xukuumadda federaalka Soomaaliya, Jamaal Maxamed Xasan iyo agaasimaha guud ee guddiga midawga Yurub u qaabishan iskaashiga iyo horumarinta caalamiga ah, Mr. Stefano Manservisi, ayaa si wadajir ah ugu saxiixay heshiiska.

Ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre ayaa sheegay in heshiiskaani uu yahay fursad wayn oo horseedi karta in daynta laga cafiyo dalka iyo in loo gudbo isku filnaansho dhaqaale, waxa uuna u mahad celiyay shacabka iyo ganacsatada Soomaaliyeed oo dawladda ku taageeray kasbashada aaminaadda beesha caalamka iyo hay’adaha lacagaha adduunka.

“Maanta waa maalin wayn, munaasabaddaan waxa ay ka tarjumaysaa soo laabashada aaminaada u dhexsaysa dawladda iyo dawlad gobaleedyada xubnaha ka ah, aaminaadda iyo kalsooniada ay shacabka Soomaaliyeed dawladoodda ku qabaan iyo aaminaadda bulshada caalamku ay ku qabto hay’adaha dalwladda”, ayuu yiri ra’iisul wasaare Xasan Cali khayre.

Midawga Yurub oo go’aan ku gaaray in dawladda si toos ah loo taageero sababo la xariira in ay la timid hufnaan iyo dib-u-habayn ballaaran oo dhanka dhaqaalaha ah ayaa dhawaan ansixiyay bixinta €100 (Boqol Milyan oo Yuuro) oo u dhiganta $120 (Boqol iyo Labaatan Milyan oo doolar) taas oo si toos ah loogu shubayo qasnadda dawladda.

Beesha caalamka, bankiga adduunka iyo hay’adda lacagta adduunka ayaa garaawsaday in Soomaaliya ay lasoo baxday isbedel wanaagsan oo ay kasoo gudubtay xilligii dhaqaalaha loo soo marsiin jiray cagmo kale.

Previous Post

Hay’adda Qatar Charity oo kafaalo qaaday nololsha 350 kamid ah agoonta qarixii Soobe+sawirro

Next Post

Xildhibaan Xasan Cabdi Nuur “ Dowladda federalka ah si deg deg ah ayay uga jawaabtay Qaraxyadii Baydhabo”

Next Post
Xildhibaan Xasan Cabdi Nuur “ Dowladda federalka ah si deg deg ah ayay uga jawaabtay  Qaraxyadii Baydhabo”

Xildhibaan Xasan Cabdi Nuur “ Dowladda federalka ah si deg deg ah ayay uga jawaabtay Qaraxyadii Baydhabo”

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

October 15, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa caawa booqday bandhigga ganacsiga ee Som...

𝐑/𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐡𝐚𝐠𝐚𝐱-𝐝𝐡𝐢𝐠𝐚𝐲 𝐗𝐚𝐫𝐮𝐧𝐭𝐚 𝐒𝐚𝐲𝐧𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐓𝐢𝐤𝐧𝐨𝐨𝐥𝐨𝐣𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐞𝐞 𝐉𝐚𝐚𝐦𝐚𝐜𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐈𝐌𝐀𝐃

𝐑/𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐡𝐚𝐠𝐚𝐱-𝐝𝐡𝐢𝐠𝐚𝐲 𝐗𝐚𝐫𝐮𝐧𝐭𝐚 𝐒𝐚𝐲𝐧𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐓𝐢𝐤𝐧𝐨𝐨𝐥𝐨𝐣𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐞𝐞 𝐉𝐚𝐚𝐦𝐚𝐜𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐈𝐌𝐀𝐃

October 15, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta dhagax-dhigay dhismaha xarunta cusub ee Sayniska iyo Tiknoolojiyadda...

Guddiga Doorashooyinka oo shaaciyay doorashooyinka 2-da Aqal iyo tan Madaxweynaha Dalka

Guddiga Doorashooyinka oo shaaciyay doorashooyinka 2-da Aqal iyo tan Madaxweynaha Dalka

October 15, 2026
0

Guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa shaaciyay jadwalka doorashada xildhibaanada Labada Aqal ee BJFS iyo tan madaxweynaha...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo ka qeybgalay kulanka Qaran ee ka hortagga iyo la dagaallanka Fikirka Xagjirka

Wasiirka Warfaafinta XFS oo ka qeybgalay kulanka Qaran ee ka hortagga iyo la dagaallanka Fikirka Xagjirka

October 15, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud iyo Masuuliyiin kale ayaa ka qeyb galaya Shirweynaha Qaran...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In