Saturday, October 17, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Xukuumadda Soomaaliya oo ka tacsiyeysay geeridii ku timid Marxuum Xildhibaan Xuseen Baantuu

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
12 years ago
in Wararka
0
Allaha u naxriistee Sheekh Cabdi Shiikhaal oo maanta geeriyooday
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cumar Cabdirashid Cali Sharmarke ayaa ka tacsiyeeyey geeridii ku timid Allaha u naxariistee Marxuum Xuseen Maxamuud Muuse (Xuseen Baantuu) oo ka mid ahaa mudaneyaasha baarlamaanka oo maanta ku geeriyooday hooygiisa oo ku yaalla Muqdisho.

“Allaha u naxariistee Marxuum Xuseen Baantuu waxa uu u soo shaqeeyey qaranka Soomaaliyeed, xilliyo duruuftoodu kala duwan tahay, waxana uu ahaa nin si weyn u rumaysan Soomaaliya oo nabad ah oo horumartay, dadkeeduna ku nool yihiin midnimo, caddaalad iyo barwaaqo. Waxa uu ahaa geesi aan aragtidiisa la gabban oo dood-yaqaan ah marka lagu jiro Baarlamanka iyo xilliyada kale ee laga hadlayo arrimaha Soomaaliya” ayuu yiri Ra’iisul wasaare Cumar Cabdirashiid.

Related posts

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026

Wasiirka Warfaafinta ee xukuumadda Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye oo baarlamaanka iyo shacabka Soomaaliyeed uga tacsiyadeeynayay geerida Xildhihaanka ayaa yiri: “Geeridu waa xaqa, qof walbana waa dhimanayaa, waxaan halkaan tacsi tiiraanyo leh uga dirayaa qoyska, ehelada iyo dhammaan shacabka Soomaaliyeed geeridii naxdinta lahayd ee ku timid Marxuum Xildhibaan Xuseen Baantuu oo ku geeriyooday Muqdisho, waxaana ilaahay uga baryeeynaa inuu Kitaabkiisa ka siiyo gacanta midig, kana waraabiyo Janatul Firdowso,”.

Waxaa kaloo tacsi taa la mid ah diray Xubno ka tirsan labada gole ee dowladda oo ehelada iyo qoyska uu ka geeriyooday Marxuumka uga baryay in uu samir iyo Iimaan Alle ka siiyo.

Inaa-Lillaahi-Waa-Innaa-Ileyhi-Raajicuun

 

Previous Post

Allaha u naxariisto Xildhibaan Xuseen Baantuu oo ku geeriyooday Muqdisho

Next Post

Dhageyso Barnaamijka Bandhigga Wareysiyada ee Radio Muqdisho

Next Post
Muxaadaro ka Hadleysa Islaamka iyo Qabyaalada oo uu Caawa Sh Muxamed Macalin Axmed ku qabtay magaalada gaalkacyo

Dhageyso Barnaamijka Bandhigga Wareysiyada ee Radio Muqdisho

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Tababar socon doona muddo 21 maalmood ah ayaa magaalada Jinhua ee gobolka Zhejiang, Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha, uga furmay 27...

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kormeer shaqo ku tagay markabka Çağrı Bey, oo ku sugan...

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

October 15, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa caawa booqday bandhigga ganacsiga ee Som...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In