Monday, October 12, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Ciyaaraha

Xulka Qaranka Soomaaliya oo munaasabad sagootin ah loogu sameeyay Kampala “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
7 years ago
in Ciyaaraha, Wararka
0
Xulka Qaranka Soomaaliya oo munaasabad sagootin ah loogu sameeyay Kampala “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Munaasabad isugu jirta casho sharaf iyo sagootin ayaa xulka Qaranka Soomaaliya oo ka qayb galayay koobka bariga iyo bartamaha Afrika oo sanadkan ka dhacayay dalka Uganda, gaar ahaan caasimadiisa Kampala loogu qabtay xalay mid ka mid ah maqaayadaha ugu waa wayn ee Soomaalida Kampala ku leedahay oo lagu magacaabo Cafe Java’s .

Munaasabadan ay soo abaabuleen qaar ka mid ah ganacsatada Soomaaliyeed ee Kampala ka ganacsada ayaa waxa ka soo qayb galay madaxda ururka cayaaraha Soomaalida ee Uganda, ganacsato iyo Madaxda xariirka kubadda cagta Soomaaliyeed Mudane Cabdiqani Saciid Carab.

Related posts

Hay’adda NISA oo war ka soo saartay falal hubeysan oo lagula kacay ciidamada Ilaalada Shacabka

Hay’adda NISA oo war ka soo saartay falal hubeysan oo lagula kacay ciidamada Ilaalada Shacabka

October 11, 2026
Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo kulan la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka ee Golaha

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo kulan la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka ee Golaha

October 11, 2026

Qaar ka mid ah madaxda Jaaliyadda ayaa uga mahadqanay xulka Qaranka dadaalkii ay sameeyeen intii ay ciyaarayeen korna u qaadeen sumcadda qarankeena Soomaaliya.

Cumar Cabdullaahi oo ah ciyaaryahankii dhalliyay goolkii Soomaaliya uga badisay xulka Burundi oo ka hadlay casha sharaftan ayaa si guud ugu mahadceliyay Soomaalida ku nool Uganda sidii qiima badnayd ee u garab istaageen markii ay baratanka kula jireen kooxihii kale.

Cabdiqani Saciid Carab Guddoomiyaha xariirka kubadda cagta oo isna munaasabadan hadal kooban ka jeediyay ayaa sheegay in waajibkii lagu lahaa Jaaliyadda ee ahaa in Qarankooda garab istaagaan.

Cabdiqani ayaa u sheegay Soomaalida in ciyaarahii Soomaaliya la ciyaartay kooxaha kale ay ka xiiso badnaayeen kuwa dalalka kale ciyaarayeen oo Soomaaliya marka ay ciyaaraysay garoonka lasoo booxinayay oo ticket aad u badan la iibsaday, ayna amaaneen maamulka koobka bariga iyo bartamaba afrika sida Jaaliyadda Soomaalida ay xulkooda u taageereen.

Ugu dambayntii munaasabadan ayaa kusoo gabagabowday jawi aad u qurux badan iyagoo dhawaan ciyaartooyda xulka qaranka ay ku kala laaban doonaan dalalkii ay kasoo kala yimaadeen

Fiidow Mohamud Fiidow

Kampala Uganda

Previous Post

AMISOM donates scholastic materials to Dr Qamar Primary School in Mogadishu

Next Post

Ciidanka Xoogga Dalka oo la wareegay Tuulooyin hoos taga Cadale

Next Post
Ciidanka Xoogga Dalka oo la wareegay Tuulooyin hoos taga Cadale

Ciidanka Xoogga Dalka oo la wareegay Tuulooyin hoos taga Cadale

Hay’adda NISA oo war ka soo saartay falal hubeysan oo lagula kacay ciidamada Ilaalada Shacabka

Hay’adda NISA oo war ka soo saartay falal hubeysan oo lagula kacay ciidamada Ilaalada Shacabka

October 11, 2026
0

Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) waxa ay ka xun tahay, si adagna u cambaareyneysaa weerarrada iyo falalka hubeysan ee...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo kulan la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka ee Golaha

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo kulan la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka ee Golaha

October 11, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac), ayaa kulan muhiim la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka,...

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgallo ka wada qaybo ka mid ah gobolka Hiiraan

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgallo ka wada qaybo ka mid ah gobolka Hiiraan

October 11, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa howlgallo ballaaran oo ka dhan ahKhawaarijta,ka wada deegaano hoostaga degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan....

Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Lataliyaha Barnaamijka La-dagaallanka Argagixisada ee Bariga Africa

Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Lataliyaha Barnaamijka La-dagaallanka Argagixisada ee Bariga Africa

October 11, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Mr. Robert...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In