Monday, October 26, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Ciyaaraha

Xulka Qaranka Soomaaliya oo munaasabad sagootin ah loogu sameeyay Kampala “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
7 years ago
in Ciyaaraha, Wararka
0
Xulka Qaranka Soomaaliya oo munaasabad sagootin ah loogu sameeyay Kampala “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Munaasabad isugu jirta casho sharaf iyo sagootin ayaa xulka Qaranka Soomaaliya oo ka qayb galayay koobka bariga iyo bartamaha Afrika oo sanadkan ka dhacayay dalka Uganda, gaar ahaan caasimadiisa Kampala loogu qabtay xalay mid ka mid ah maqaayadaha ugu waa wayn ee Soomaalida Kampala ku leedahay oo lagu magacaabo Cafe Java’s .

Munaasabadan ay soo abaabuleen qaar ka mid ah ganacsatada Soomaaliyeed ee Kampala ka ganacsada ayaa waxa ka soo qayb galay madaxda ururka cayaaraha Soomaalida ee Uganda, ganacsato iyo Madaxda xariirka kubadda cagta Soomaaliyeed Mudane Cabdiqani Saciid Carab.

Related posts

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐊𝐮-𝐗𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐋𝐚𝐛𝐚𝐚𝐝 𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐥𝐤𝐚 𝐮 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐰𝐚𝐫𝐞𝐞𝐣𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐰𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐨

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐊𝐮-𝐗𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐋𝐚𝐛𝐚𝐚𝐝 𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐥𝐤𝐚 𝐮 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐰𝐚𝐫𝐞𝐞𝐣𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐰𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐨

October 25, 2026
Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

Wasaaradda Caafimaadka XFS oo shaacisay natiijada baaritaanada EBOLA

October 25, 2026

Qaar ka mid ah madaxda Jaaliyadda ayaa uga mahadqanay xulka Qaranka dadaalkii ay sameeyeen intii ay ciyaarayeen korna u qaadeen sumcadda qarankeena Soomaaliya.

Cumar Cabdullaahi oo ah ciyaaryahankii dhalliyay goolkii Soomaaliya uga badisay xulka Burundi oo ka hadlay casha sharaftan ayaa si guud ugu mahadceliyay Soomaalida ku nool Uganda sidii qiima badnayd ee u garab istaageen markii ay baratanka kula jireen kooxihii kale.

Cabdiqani Saciid Carab Guddoomiyaha xariirka kubadda cagta oo isna munaasabadan hadal kooban ka jeediyay ayaa sheegay in waajibkii lagu lahaa Jaaliyadda ee ahaa in Qarankooda garab istaagaan.

Cabdiqani ayaa u sheegay Soomaalida in ciyaarahii Soomaaliya la ciyaartay kooxaha kale ay ka xiiso badnaayeen kuwa dalalka kale ciyaarayeen oo Soomaaliya marka ay ciyaaraysay garoonka lasoo booxinayay oo ticket aad u badan la iibsaday, ayna amaaneen maamulka koobka bariga iyo bartamaba afrika sida Jaaliyadda Soomaalida ay xulkooda u taageereen.

Ugu dambayntii munaasabadan ayaa kusoo gabagabowday jawi aad u qurux badan iyagoo dhawaan ciyaartooyda xulka qaranka ay ku kala laaban doonaan dalalkii ay kasoo kala yimaadeen

Fiidow Mohamud Fiidow

Kampala Uganda

Previous Post

AMISOM donates scholastic materials to Dr Qamar Primary School in Mogadishu

Next Post

Ciidanka Xoogga Dalka oo la wareegay Tuulooyin hoos taga Cadale

Next Post
Ciidanka Xoogga Dalka oo la wareegay Tuulooyin hoos taga Cadale

Ciidanka Xoogga Dalka oo la wareegay Tuulooyin hoos taga Cadale

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐊𝐮-𝐗𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐋𝐚𝐛𝐚𝐚𝐝 𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐥𝐤𝐚 𝐮 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐰𝐚𝐫𝐞𝐞𝐣𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐰𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐨

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐊𝐮-𝐗𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐋𝐚𝐛𝐚𝐚𝐝 𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐥𝐤𝐚 𝐮 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐰𝐚𝐫𝐞𝐞𝐣𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐰𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐨

October 25, 2026
0

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Labaad ee Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi, ayaa Ka qeybgalay munaasabadda xil-wareejinta Wasaaradda...

Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

Wasaaradda Caafimaadka XFS oo shaacisay natiijada baaritaanada EBOLA

October 25, 2026
0

Wasaaradda Caafimaadka XFS ayaa shaacisay natiijada baaritaanada Ebola iyo dhammeystirka habraacyada karantiilka Muwaadinkii Soomaaliyeed ee la xaqiijiyo in uu xiriir...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo shir muhiim ah kaga qayb galaya dalka Azerbaijan

Wasiirka Warfaafinta XFS oo shir muhiim ah kaga qayb galaya dalka Azerbaijan

October 25, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa maanta u amba baxay magaalada...

Hay’adda NISA oo gacanta ku dhigtay eedeysane bom gacmeed ku tuuray bar koontarool

Hay’adda NISA oo gacanta ku dhigtay eedeysane bom gacmeed ku tuuray bar koontarool

October 24, 2026
0

Ciidamada Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), oo kaashanaya ciidamada kale ee amniga, ayaa gacanta ku dhigay Cabdisalaan Yacquub Nuur...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In