Tuesday, July 1, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Xuska 15-ka May oo ah Maalinta Dhallinyarada Soomaaliyeed

Fardowso Xasan by Fardowso Xasan
May 15, 2024
in Wararka
0
Xuska 15-ka May oo ah Maalinta Dhallinyarada Soomaaliyeed
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Dal kasta waxa uu ku faano ama saacida horumarkiisa waa dhallinyarada oo aan looga maarmin difaaca ama ilaalinta dadka iyo dalka,kuwaas oo haddii la waayo waxqabadkooda ka dhigan ama keeni karta gaabis ama dib u dhac kale oo  ku yimaada dhanka horumarka,ilbaxnimada iyo arrimaha bulshada.

Inkastoo dagaallo gumeysi diid ah ay dhaceen qarnigii 15-aad iyo horraantii qarnigii 19-aad,haddana,waxaa mudadii uu socday dagaalkii 2-aad ee dunida gudaha Dalka Soomaaliya ka bilowday dhaqdhaqaaqyo siyaasadeed oo la doonaayey in meesha looga saaro wadamadii shisheeye ee dalka u yimid in ay ka fuliyaan dano dhaqaale,iyagoo adeegsanaya qaab gumeysi casri ah oo ka duwan xilligii is-adoonsiga ee dunida laga mamnuucay 1812-kii.

Related posts

Maareeyaha NIRA oo ka qeyb galay Meertada 7-aad ee Madasha Horumarinta Aqoonsiga Dhijitaalka ah

Maareeyaha NIRA oo ka qeyb galay Meertada 7-aad ee Madasha Horumarinta Aqoonsiga Dhijitaalka ah

June 30, 2025
Wasiirka Arrimaha Gudaha oo furay Kulanka Guddiga Sare ee Mashruuca Kordhinta Adkeysiga Iyo La-qabsiga Isbedelka Cimillada

Wasiirka Arrimaha Gudaha oo furay Kulanka Guddiga Sare ee Mashruuca Kordhinta Adkeysiga Iyo La-qabsiga Isbedelka Cimillada

June 30, 2025

Sanadkii 1943-dii waa markii ugu horeysay ee gudaha Dalka Soomaaliya ay ka bilowdeen kacdoonno siyaasadeed oo ay horkacayaan sadex iyo toban Dhallinyaro oo wax bartay,kuna mideysnaa Naadigii Dhallinyarada Soomaaliyeed,kuwaas oo u howlgalay raadinta wadajirka umadda iyo baadigoobka  xornimo dhameystiran oo wada gaarta Shacabka Soomaaliyeed.

Sidoo kale dadaal lamid ah kan dhallinyarada ee Gobolada Koonfureed waxa uu ka dhacay Gobolada Woqooyi,kuwaas oo oo ay horkacayeen Ururka SNL(Somali National League), waxayna u howlgaleen raadinta midnimada Soomaaliyeed oo ay aasaaskeeda lahaayeen Ururka SYL.

Sanadkii 1947-dii waa markii labaad ee lagu dhawaaqay dhismaha Ururka Xoreynta Dhallinyarada Soomaaliyeed) SYL oo baddalay magacii Naadiga Dhallinyarada,wuxuuna  kulmiyay dadkii Soomaaliyeed ee doonaayey in la helo xoriyad.

Sanadkii 1948-ddii Ururka SYL,waxa uu awood u yeeshay in dhaqdhaqaaqyo gobanima-doon ah lagu  baaahiyo  guud ahaa gobolada dalka iyo deegaanada kale ee ay dagaan dadka Soomaalida,sida  Kenya, Itoobiya iyo Jabuuti.

Sanadkii 1949-kii Ururka SYL waxa ay  ku guuleysteen in qoraal ku saabsan xaaladda gumeysiga iyo sida ay u doomayaan xoriyad loo gudbiyo Xaruta Qaramada Midoobay,waxaana 1-dii April sanadkii 1950-kii Soomaaliya loo ogolaaday 10-sano oo xornimo gaarsiin ah oo dadka lagu barayo nidaamka dowladnimo ee loo soo halgamay.

Sanadkii 1956-60-kii,Ururka SYL ,waxaa ay hoggaamiyeen Dowladdii Daakhiliga ama ku meel gaarka aheyd,iyagoo gacan ka helaya culuma’udiinka ,odayaasha dhaqanka,haweenka, shaqaalaha muruq-maalka ah iyo aqoonyahanno kale,waxaana xiiligaasi suurtagashay in Ururka SNL ee gobolada Woqooyi ay qeyb ka noqdaan Raadinta midnimo Soomaaliyeed oo aaan ku xirneyn wax shuruud ah.

Waxaa dhab ah in dad badan oo ka mid ah qeybaha Bulshada ay naftooda ku waayey taageeridda dhaqdhaqaaqyadii Ururka SYL iyo ka qeybgalkii  kacdoonkii xoriyad doonka ee Soomaaliya,halka dhinaca kale la tilmaamay in ay jireen dad yar oo diidanaa in laga hoos-baxo gumeysiga oo la qaato xoriyad,kuwaasina waxay ahaayeen qaar taabacsanaa maamulkii gumeysiga ee soo maray Dalka.

Haddaba,15-ka May waa maalin qaran oo dalka Soomaaliya laga xuso aasaaskii Ururka gobanimo-doonka SYL, kaasoo ahaa ururkii ugu horeeyay ee dalka laga hirgaliyo,lana yimid halgan adag oo loo galay hanashada xoriyadda Dadka iyo Dalka.

Waxaa lagama maarmaan ah in dhallinyarada Soomaaliyeed ay u istaagaan kaalinta ay ku leeyihiin geeddi socodka barnaamijyada horumarineed ee Dadka iyo Dalka, iyadoo sidoo kale  ay waajib tahay in ay ka qeybqaataan  badbaadinta Umadda iyo raadinta qaran dhameystiran oo wax la qeybsada shucuubta caalamka.

Dhallinta ama jiilka cusub ee Soomaaliya waxaa looga fadhiyaa in ay la yimaadaan doorkii looga bartay Ururka Dhallinyarada SYL ,isla markaana ay la socdaan tabaha iyo xeelad kasta oo ay la iman karaan kuwa doonaya in dadku aysan ku tallaabsan barwaaqo iyo horumar.

Maadaama lagu jiro xilli adag ,cidda kaliya ee dalka gaarsin karta nabad iyo horumar waa dhallinyarada oo u baahan in la siiyo tallooyin wax ku biirin kara horumarka dalka,difaaca iyo soo celinta amniga.

Haddaba,xuska sanadguurada 81-aad ee ka soo wareegaytay aas-aaskii Ururka Dhallinyarada Soomaaliyeed,aawadeed. waxaan halkaan ka direynaa dhambaal hambalyo ah oo ku socda Dhallinyarada meel kasta oo ay joogaan iyo xaalad kasta oo ay ku nool yihiin.

Ugu dambeyntii Dhallinyarada Soomaaliyeed waxaan u rajeyneynaa horumar iyo mustaqbal wanaagsan oo ifiya noloshooda.

Previous Post

Maxkamadda Rafcaanka oo maanta go’aan ka gaaraysa kiiska Sayid Cali Macallin Daa’uud

Next Post

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Ubax dhigay Taalada SYL

Next Post
Madaxweyne Xasan Sheekh oo Ubax dhigay Taalada SYL

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Ubax dhigay Taalada SYL

Maareeyaha NIRA oo ka qeyb galay Meertada 7-aad ee Madasha Horumarinta Aqoonsiga Dhijitaalka ah

Maareeyaha NIRA oo ka qeyb galay Meertada 7-aad ee Madasha Horumarinta Aqoonsiga Dhijitaalka ah

June 30, 2025
0

Maareeyaha Guud ee Hay’adda NIRA, Mudane Cabdiweli Cali Cabdulle (Timacadde), iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa ka qeybgalay Meertada 7aad ee...

Wasiirka Arrimaha Gudaha oo furay Kulanka Guddiga Sare ee Mashruuca Kordhinta Adkeysiga Iyo La-qabsiga Isbedelka Cimillada

Wasiirka Arrimaha Gudaha oo furay Kulanka Guddiga Sare ee Mashruuca Kordhinta Adkeysiga Iyo La-qabsiga Isbedelka Cimillada

June 30, 2025
0

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka Iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Xildhibaan Cali Yuusuf Cali-Xoosh ayaa si rasmi ah u furay Kulanka Guddiga...

MADAXWEYNAHA OO MAGACAABEY MAAREEYAHA GUUD EE WAKAALADDA MADBACADDA QARANKA

MADAXWEYNAHA OO MAGACAABEY MAAREEYAHA GUUD EE WAKAALADDA MADBACADDA QARANKA

June 30, 2025
0

Madaxweynaha Jamnhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane xasan Sheekh Maxamuud ayaa xilka Maareeyaha Guud ee Wakaaladda Madbacadda Qaranka u magacaabey Mudane Wali...

Duqa Muqdisho oo Dhagax dhigay dhismaha waddada laamiga ah ee isku xirta Isgoyska Banaadir iyo Wadajir

Duqa Muqdisho oo Dhagax dhigay dhismaha waddada laamiga ah ee isku xirta Isgoyska Banaadir iyo Wadajir

June 30, 2025
0

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa dhagax-dhigay dhismaha waddada laamiga ah ee...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In