Sunday, October 18, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Xuska 1da Luulyo oo caawa lagu qabtay Muqdisho iyo qaar ka mid ah gobollada dalka

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
4 years ago
in Wararka
0
Xuska 1da Luulyo oo caawa lagu qabtay Muqdisho iyo qaar ka mid ah gobollada dalka
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Guud ahaan Soomaaliya ayaa looga dabaal dagay sanad guuradii ka soo wareegtay xilligii Gobollada Koonfureed ay ka xuroobeen gumeystihii Talyaaniga iyo israacii labada gobol ee Waqooyi iyo Koonfur oo hadda laga joogo 62 sanadood.

Munaasabad ballaaran oo lagu qabtay xarunta aqalka Dowladda Hoose ee Muqdisho, laguna maamuusayo muhiimadda maalintaan ku astaysan midowgii labada gobol iyo ka xuroobiddii gumaystihii Talyaaniga gobollada koonfureed, ayaa waxaa ka qayb galay madaxda dowladda Federaalka Soomaaliya oo uu ugu horeeyo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, Labada Aqal ee BJFS, Golaha Wasiirada, Maamulka Gobolka Banaadir, marti sharaf iyo dibllomaasiyiin lagu casuumay munaasabadda.

Related posts

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026

Kooxaha fanaaniinta ee Qaranka ayaa madasha ku soo bandhigay suugaan ka turjumeysa qiimaha ay maalinta oo kale u leedahay shacabka Soomaaliyeed iyo taarikhda halgamayaashii dalka soo  maray.

Waxaa si aad ah loo adkeeyay amaanka waddooyinka magaalada Muqdisho, si loo weyneeyo muhiimadda ay Ummadda u leedahay markii Gobollada Koonfur fureed ay xornimada ka qaateen gumeystirhii Talyaaniga iyo Israacii Gobollada Waqooyi iyo Koonfur.

Qaar ka md ah mas’uuliyiinta kala duwan ee xafladda ka hadlay taariikhda loo soo maray Halganka.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo ka hadlay Munaasabadda xuska 1da Luulyo ayaa Ummadda Soomaaliyeed ugu hambalyeeyey qiimaha ay maalintan u leedahay bulshada Soomaaliyeed, iaagoo u rajeeyay in sanadkan kiisa kale ay ku gaaraan Nabad iyo Barwaaqo.

Previous Post

Wasiirka Xanaannada Xoolaha Puntland oo ku baaqay in gurmad deg deg ah lala gaaro dadka ay abaartu saameysay

Next Post

Ergeyga XFS ee Ururka Iskashiga Islaamka oo la kulmay xubno ka tirsan Ururkaasi

Next Post
Ergeyga XFS ee Ururka Iskashiga Islaamka oo la kulmay xubno ka tirsan Ururkaasi

Ergeyga XFS ee Ururka Iskashiga Islaamka oo la kulmay xubno ka tirsan Ururkaasi

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xildhibaan Xuseen Maxamed Nuur (Dhegaweyne) ayaa loo doortay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug, kaddib markii uu helay 79 cod. Sidoo...

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Agaasime Kuxigeenka Guud ee Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Kusimaha Agaasimaha Guud Mudane Zakariye Yuusuf Xuseen ayaa xarigga ka...

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xulka qaranka Soomaaliya ee da’doodu ka hooseyso 17-ka sano ayaa u soo baxay finalka CECAFA U17 - AFCON Qualifiers...

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In