Munaasabad kooban oo loogu dabaaldagayay 61 sano guuradii kasoo wareegatay markii xornamada ay qaateen Gobollada Koonfureed iyo Midowgii Gobolada Waqooyi iyo Koonfur ayaa lagu qabtay xarunta safaaradda Soomaaliya magaalada Nairobi ee dalka Kenya.
Munaasabadda waxaa ka soo qaybgalay diblomaaasiyiin iyo sidoo kale qaar ka mid ah Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku sugan magalada Nairobi ee dalka Kenya.
Safiirka Soomaaliya ee Dalka Kenya Danjire Maxamuud Axmed Nuur Tarsan oo ka hadlay munaasabadda ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay munaasabadda 1-da Luulyo, isagoo sidoo kale umahadceliyay marti sharaftii ka soo qeyb gashay xafladda.
Dhinaca kale Safiirka ayaa sheegay in maalinta Isniinta ah dib loo billaabi doono dhammaan adeegyadii ay safaarddu u haysay bulshada Soomaaliyed ee ku nool magaalada Nairobi.
Dowladda Soomaaliya ayaa dhawaan dib u furtay safaaraddeeda magaalada Nairobi kaddib markii dowladaha Kenya iyo Soomaaliya ay dib u soo celiyeen cilaaqaafkoodii diblomaasiyadeed ee la jaray dhammaadka sanadkii hore.