Sunday, October 11, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Xuska 8-da Maarso oo lagu qabtay Muqdisho

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
11 years ago
in Wararka
0
Xuska 8-da Maarso oo lagu qabtay Muqdisho
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Munaasabadan lagu xusayay Maalinta Haweenka adduunka oo lagu qabtay Muqdisho ayaa waxaa ka qeyb gashay Marwada Madaxweynaha dalka Marwo Sahro, Guddoomiye ku-xigeenka Barlamaanka, Wasiiro Xildhibaanno, Wakiilo ka socday Beesha Caalamka iyo dadka u olaleeya Xaquuqda Haweenka waxaana lagu soo bandhigay dooda la xiriirta doorka Haweenka ee siyaasadda, Amniga, Arrimaha Bulshadda iyo dhibaatooyinka heysta.

Deeqo Yaasiin Haaji Madaxa Hay’adda IIDA oo qaban qaabisay munaasabadan iyado oo kaashanaysa Midowga Yurub ayaa tilmaamtay in munaasabadan ay ahmiyad gaar ah ugu fadhido haweenka Soomaaliyeed.

Related posts

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgallo ka wada qaybo ka mid ah gobolka Hiiraan

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgallo ka wada qaybo ka mid ah gobolka Hiiraan

October 11, 2026
Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Lataliyaha Barnaamijka La-dagaallanka Argagixisada ee Bariga Africa

Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Lataliyaha Barnaamijka La-dagaallanka Argagixisada ee Bariga Africa

October 11, 2026

Xildhibaan Qadiijo Maxamed Diiriye ayaa sheegtay in sanadkan ay doonayaan in si sharci ah ay ku heelaan qoondada Barlamaanka cusub ay ku leeyihiin haweenka.

Wakiilka Midowga Afrika Ahna Madaxa Howlgalka AMISOM Danjire Francisco Caetano Madeira Wakiilka Midowga Yurub ee Soomaaliya Danjire Michele Cervone d’Urso ayaa si wadajir ah u tilmaamay in Haweenka ay door muhiim ku leeyihiin dismaha Qaranka.

Wasiirka Haweenka iyo Xaquuqda Aadanaha Marwo Sahro Maxamed Cali Samatar iyo Wasiirka Caafimaadka Marwa Xaawo Xasan Maxamed ayaa haweenka Soomaaliyeed ugu hambalyeey munaasabadda maalinta Haweenka Adduunka ee 8-da Maarso.

Gudoomiye ku xigeenka Labaad ee Barlamaanka Mahad Cabdla Cawad ayaa sheegay inay ku dadalayan sidii haweenka ay u heli lahaayeen qoondada loogu talagalay sanadkan cusub.

Marwada Madaxweynaha Dalka Marwo Sahra Cumar Xasan ayaa Haweenka ugu Hambayeeysay Munaasabadda 8 Maarso, waxaana sanadkan kiisa kale ay u rajeysay ina ku gaaraan horumar iyo barwaaqo.

 

Previous Post

Marwada Madaxweynaha dalka Marwo Sahro oo ka qeybgashay xuska maalinta haweenka Adduunka “SAWIRRO”

Next Post

Shir looga hadlayay sameynta qorshaha Qaranka oo lagu soo gabo gabeeyay Baydhabo “SAWIRRO”

Next Post
Shir looga hadlayay sameynta qorshaha Qaranka oo lagu soo gabo gabeeyay Baydhabo “SAWIRRO”

Shir looga hadlayay sameynta qorshaha Qaranka oo lagu soo gabo gabeeyay Baydhabo "SAWIRRO"

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgallo ka wada qaybo ka mid ah gobolka Hiiraan

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgallo ka wada qaybo ka mid ah gobolka Hiiraan

October 11, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa howlgallo ballaaran oo ka dhan ahKhawaarijta,ka wada deegaano hoostaga degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan....

Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Lataliyaha Barnaamijka La-dagaallanka Argagixisada ee Bariga Africa

Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Lataliyaha Barnaamijka La-dagaallanka Argagixisada ee Bariga Africa

October 11, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Mr. Robert...

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

October 10, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Xukuumadda JFS Mudane Xasan Macallin Maxamuud oo Magaalada Istanbuul ee dalka Turkiga u...

Dowladda Soomaaliya oo cambaaraysay weerarka lagu qaaday xarunta korontada ee Masjidka Nabiga (NNKH) ee Magaalada Madiina

DFS oo cambaaraysay weerar lagu qaaday garoomo ku yaalla dalka Sacuudiga

October 10, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay si xooggan u cambaareyneysaa weerarrada ay kooxda Xuutiyiintu ku qaadeen Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ah ee...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In