Sunday, January 18, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Xuska dhalashada Nabigeenna Muxamed N.N.K.H oo lagu qabtay Nairobi “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
9 years ago
in Wararka
0
Xuska dhalashada Nabigeenna Muxamed N.N.K.H oo lagu qabtay Nairobi “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Munaasabad lagu maamusayay xuska dhalashada Nabigeena Muxamad N.N.K.H ayaa maanta lagu qabtay magaalada Nairobi, waxaana munaasabadda ka qeybgalay guddoomiyaha guud ee culumaa’udiinka Ahlu sunna Waljamaaca.

Munaasabadan oo aheyd mid ay soo qaban qaabiyeen culimaa’udiinka Ahlu sunna Waljamaaca ee ku nool magaalada Nairobi ayaa waxaa lagu xusayay dhalashada Xabiibkeena Muxamad N.N.K.H.

Related posts

Abaarta ka jirta dalka oo sababtay in xoolo badan ay ku la’daan

Abaarta ka jirta dalka oo sababtay in xoolo badan ay ku la’daan

January 18, 2026
Madaxda Wasaaradda Maaliyadda XFS oo ka tacsiyadeeyay geerida Marxuum Maxamed Xaaji Leyloon

Madaxda Wasaaradda Maaliyadda XFS oo ka tacsiyadeeyay geerida Marxuum Maxamed Xaaji Leyloon

January 18, 2026

Munaasabadda ayaa waxaa ka soo qeybgalay guddoomiyaha guud ee maamulka Ahlu sunna Waljamaaca, Sheekh Maxamuud Sheekh Xasan Faarax iyo qaar kamid ah mashaa’iqda Ahlu sunna ee ugu caansan xaafadda Islii.

Sheekh Cabdullaahi Cali Aadan oo ku hadlay magaca qabanqaabiyaasha munaasabadda iyo Sheekh Shardi Mire Salaad oo isna culimada goobta ka hadashay kamid ahaa ayaa ugu horreyn ka hadlay ujeedada munaasabadda, iyagoo sidoo kale ka sheekeeyay ahmiyadda ay leedahay in la weeneeyo dhalashada nabi Muxamad N.N.K.H.

“Kulankan waa Xusuusin loogu talo galay in dadka jecel Nabiga(N.N.K.H)ay ogaadan in la gaaray bishii mowliidka dhamanteena kulanka waan u simanahay Muhimaduna waxa ay tahay in aan nabiga dhalashadiisa muujino”  ayuu yiri Sh. Cabdullaahi Cali Aadan

“Waxaan rabaa inan dhalinyarada ku baraarujiyo inay ku dadaalan barashada diinta islaamka si ay u difaacaan,hadii uusan qofka baran oo uusan aqoon lahayn waxaa suurta gal ah in lagu marin hababiyo wax aan jirin sidaa darteed waa muhiin in dhalinyaradu ay diinta Bartaan” ayuu yiri  Sh. Shardi Mire Salaad.

Dhankiisana, guddoomiyaha guud ee maamulka Ahlu sunna Waljamaaca Sheekh Maxamuud Sheekh Xasan Faarax ayaa ku dheeraaday muhiimadda mowliidka, waxaana uu hoosta ka xariiqay in wax wanaagsan ay tahay in mar kasta la weeneeyo nabigeena Muxamad N.N.K.H.

“Waa muhiim in aan ogaano in aysan kuba jirin xafladaan aan hadda u fadhino in ay tahay mid banaan iyo mid aanan banaaneen ,  waxaa qiimo iyo wanaag inoo sii ah oo aan alle uga mahdineynaa in aan joogno goob aan ku muujineyno dhalashada Nabi Maxamad (N.N.KH)  ayuu yiri Sheekh Maxamuud Sh. Xasan Faarax

IMG_0344 IMG_0346 IMG_0348 IMG_0359 IMG_0360 IMG_0361 IMG_0362

 

 

 

 

Previous Post

Suldaan Faarax Maxamuud Maxamed oo beeniyay inay xireen ciidanka Nabad Sugidda Qaranka

Next Post

Shaqaalaha degmooyinka oo loo tababbarayo sida ay ugu adeegi lahaayeen bulshadooda

Next Post
Kulan looga hadlayo horumarinta dhaqaalaha dowladda Hoose Xamar

Shaqaalaha degmooyinka oo loo tababbarayo sida ay ugu adeegi lahaayeen bulshadooda

Abaarta ka jirta dalka oo sababtay in xoolo badan ay ku la’daan

Abaarta ka jirta dalka oo sababtay in xoolo badan ay ku la’daan

January 18, 2026
0

Xaaladda abaarta ah ee dalkeena ka jirta ayaa galaafatay xoolihii ay bulshada dhaqaneysay, waxaana tusaale kuugu filan Neefka sawirka ka...

Madaxda Wasaaradda Maaliyadda XFS oo ka tacsiyadeeyay geerida Marxuum Maxamed Xaaji Leyloon

Madaxda Wasaaradda Maaliyadda XFS oo ka tacsiyadeeyay geerida Marxuum Maxamed Xaaji Leyloon

January 18, 2026
0

Dhammaan Masuuliyiinta iyo Howlwadeenada Wasaaradda Maaliyadda XFS waxa ay ka tacsiyadeynayaa geeridii ku timid Allaha u Naxariistee Marxuum 𝐌𝐚𝐱𝐚𝐦𝐞𝐝 𝐇𝐚𝐣𝐢...

Ra’iisul Wasaare Xamsa kulan mira-dhal ah la Odoyaasha dhaqanka

Ra’iisul Wasaare Xamsa kulan mira-dhal ah la Odoyaasha dhaqanka

January 18, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa kulan miro-dhal ah la yeeshay odayaasha ku sugan magaalada Laascaanood , oo ka mid...

Madaxda Wasaaradda Arrimaha Dibadda oo ka tacsiyadeeysay geerida Marxuum Danjire Cabdinuur Yuusuf

Ministry of Foreign Affairs Extends Condolences on the Passing of Ambassador Cabdinuur Dabaqe

January 18, 2026
0

The Ministry of Foreign Affairs and International Cooperation of the Federal Republic of Somalia extends its deepest condolences on the...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In