Sunday, October 18, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Xuska dhalashada Nabigeenna Muxamed N.N.K.H oo lagu qabtay Waqooyiga Norway

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
10 years ago
in Wararka
0
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Munaasabad si heer sare loo soo agaasimay oo lagu xusayay dhalashada Nabigeenna Muxamad N.N.K.H ayaa xalay lagu qabtay masjidka Al.Raxma ee magaalada Tromsø ee Woqooyiga Norway.

Munaasabaddan oo ay soo qabanqaabiyeen culimaa’udiinka ku nool magaalada Tromsø ayaa waxaa si wayn uga soo qeyb galay dad aad u farabadan oo kamid ah muslimiinta ku nool magaalada iyo tuulooyinka ku dhow,  waxaana munaasabadda lagu soo bandhigay muxaadarooyin diini ah oo u badnaa ka hadalka fadliga ay leedahay xurmeynta iyo weyneenta bisha mowliid oo ah xilligii uu dhashay Nabigeenna Muxamad SCW.

Related posts

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026

Culimaa’udiinkii goobta ka hadlay oo ay kamid ahaayeen Macalin Maxamed Axmed, Sheekh Ismaaciil Macallim Axmed  iyo Macalim Saalax  Cusmaan ayaa  ku guubaabiyey Ummadda Soomaaliyeed iyo dadkii kale ee kasoo qeybgalay in muhim ay tahay in lagu daydo sunnada nabigeenna suubban oo aad loo xuso maalinta uu dhashay taasoo muujinaysa jaceylka ay dadkiisa u qabaan rasuulka SCW.

Waxa sidoo kale ay culumada aqriyeen taariikhdii Nabigeenna SCW iyo doorka qofka muslimka ah looga baahanyahay fidinta diinta islaamka oo ah diin nabadeed.

Bisha mowliid sanad kasta waxaa dunida laga xusaa xilligii uu dhashay Nabigeenna suubban Muxamad CSW, waxaana ay dadweynaha muslimiinta ah ay iyagoo faraxsan isugu soo baxaan masaajidada iyo goobo kale oo loo asteeyey in lagu xuso 12ka bisha mowliid.

W/D Maxamed Cabduqaadir Daahir (MCD)

 

 

 

Previous Post

Doorashada Aqalka Hoose ee Hirshabeelle oo lasoo gaba-gabeeyey

Next Post

Cabdishakuur Cali Mire oo ku soo baxay doorashada Cadaado

Next Post

Cabdishakuur Cali Mire oo ku soo baxay doorashada Cadaado

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xildhibaan Xuseen Maxamed Nuur (Dhegaweyne) ayaa loo doortay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug, kaddib markii uu helay 79 cod. Sidoo...

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Agaasime Kuxigeenka Guud ee Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Kusimaha Agaasimaha Guud Mudane Zakariye Yuusuf Xuseen ayaa xarigga ka...

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xulka qaranka Soomaaliya ee da’doodu ka hooseyso 17-ka sano ayaa u soo baxay finalka CECAFA U17 - AFCON Qualifiers...

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In