Dugsiga Hoose, Dhexe iyo Sare ee 15-May oo ka mid ah Iskuulada taariikhiga ah ee ku yaala dalka gaar ahaan caasimadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Muqdisho ayaa waxaa maanta lagu qabtay munaasbad loogu dabaal dagayo hal sano guuradii kasoo wareegtay dib u hoolgalinta Iskuulka 15-May.
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng:Yariisoow) oo daah-furay sanad guurada dugsiga sare ee 15-ka May ayaa waxa uu kormeeray fasalada kala duwan oo ay wax ku bartaan ardayda, iyadoo ay xusid mudan tahay in ardaydu si bilaash ah wax loo baro.
Fasalada uu Guddoomiyaha Gobolka Banaadir kormeeray ayaa ka mid ah kuwa lagu qaato casharada la xariira farsamada gacanta iyo sidoo kale ciyaarta karatayga si loo horumariyo xirfadaha ardayda.
Guddoomiyaha Degmada Warta Nabada Seynab Maxamuud Warsame (Xaabseey) oo ugu horeyn ka hadashay munaasabadda sanad guurada dugsiga 15.May ayaa sheegtay inay tahay wax lagu farxo in maanta la xusayo dib u howlgelinta Iskuulka.
Agaasimaha guud ee Madaxtooyada Qaranka Drs Aamina Siciid Cali waxa ay tilmaamaytay in carruurta Soomaaliyeed ay mudanyihiin daryeel iyo in ay helaan waxbarasho lacag la’aan ah, maadaamada ay yihiin mustaqbal dalka.
Guuddoomiye ku-xigeenka arrimaha bulshada Gobolka Banaadir Basma Caamir Jakeeti ayaa ka hadashay doorka waxbarasho ee Maamulka Gobolka Banaadir.
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng:Yariisoow) ayaa sheegay in maamulkiisa uu xoojin doono dhiiragalinta waxbarashada iyo in ay bulshada helaan waxbarasho lacag la’aan ah.