Waxaa madasha kasoo qeyb galay Xubno Wasiiro ah iyo Agaasimaha Madaxtooyada Galmudug ayaa ka qeyb galay xaflad loo sameeyay maalinta Caalamiga ah ee joojinta xadgudubyada ka dhanka ah haweenka, taas oo lagu qabtay Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug.
Munaasabadan oo ay soo agaasintey Xarunta Waxbarashada, nabada iyo hormarka ee gaalkacyo Waxaa ugu horreyn ka hadashay Marwo Safiyo Sigaale oo wakiil ka ah Xarunta Waxbarashada, nabada iyo hormarka ee gaalkacyo iyo Agaasimaha guud ee Wasaaradda Haweenka Galmudug Mudane Maxamed Cali Alaale oo ka waramay tacdiyada loo geesto haweenka ayaa sheegay inay yihiin qaar kasoo hor jeeda diinta Islaamka, dhaqanka iyo shuruucaha Galmudug u yaala, Waxaana intaa ay ku dareen in dalka uu ka bilaabmay olale ka dhan ah tacdiyada lagula kaco haweenka kaas oo socon doona muddo lix iyo toban cisho ah.
Waxa iyana halkaasi ka hadlay qaar ka mid ah ka soo qayb galayaasha oo ka waramay dhibaatooyinka loogeesto haweenka islamarkaa ay yihiin meel ka dhac loo gaysanayo Xuquuqda ay haweenka asaasi ahaan u leeyihiin kuwaasoo ku keena haweenka dhibanayaasha ah xaalado Caafimaad daro.
Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Galmudug Mudanr Cusmaan Macalin Xasan ayaa ugu danbeyn ku dheeraaday dhibaatooyinka logula kaco haweenka waxa u soo jeediyey in ay joojiso gafafkaas lagula kacyo haweenka maadaama diinteenu ay si weyn u karaamaysay xuquuqda haweenka.