Thursday, January 29, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Maalinta dhir beerista qaranka oo Muqdisho lagu qabtay”SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
10 years ago
in Wararka
0
Maalinta dhir beerista qaranka oo Muqdisho lagu qabtay”SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Munaasabadaan lagu daah furay todobaadka dhirbeerista Qaranka Soomaaliyeed oo maanta ay ku beegan tahay Maalintii Qaranku u asteeyay ee 17-ka April ayaa waxaa lagu qabtay xarunta Wasaaradda Xanaanada, Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa ee Soomaaliya iyadoo ay ka qayb galeen mas’uuliyiin ay ka mid yihiin ku-simaha Wasiirka ahna Wasiir ku-xigeenka Wasaarada Xanaanada Xoolaha, Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda howlaha guud, Agaasimaha guud ee Wasaaradda Xanaanada iyo marti kale .

Darbiyada ayaa lagu xardhay boorar ay ku qoranyihiin halku dhigyo ka turjumaya muhiimadda dhirtu u leedahay Ummadda, iyadoo sidoo kale mas’uuliyiintu ay talaaleen dhowr geed .

Related posts

Guddiga Wasiiradda ee XFS ugu xilsaaran wadahadallada oo kulan la yeeshay Ururrada Siyaasadda

Guddiga Xukuumadda iyo Ururrada Siyaasadda oo War-saxaafadeed soo saaray

January 29, 2026
Guddiga Wasiiradda ee XFS ugu xilsaaran wadahadallada oo kulan la yeeshay Ururrada Siyaasadda

Guddiga Wasiiradda ee XFS ugu xilsaaran wadahadallada oo kulan la yeeshay Ururrada Siyaasadda

January 29, 2026

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Xanaanada, Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa Maxamed Cumar Nuur oo ka hadlay munaasabadda ayaa sheegay in maalintani muhiimad weyn u tahay dalka, isla markaana looga baahan yahay bulshadu in ay ka faa’iideystaan oo ay dhir beeraan.

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Howlaga guud iyo dib u dhiska ee Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Cumar Geeddi oo ka mid ahaa mas’uuliyiinta ka qayb gashay munaasabada ayaa sheegay in uu ka qayb qaadan doono weyneynta maalintan, dhankiisana uu geedo ka talaali doono.

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Xannada, Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa ahna ku-simaha Wasiirka Mudane Cabdinaasir Gaarane Maxamed oo ugu dambeyntii ka hadlay munaasabada ayaa xusay muhiimada dhirta iyo sida loogu baahan yahay in laga wada qayb qaato xuskeeda, gudoomiyaha gobolka Banaadir ayuuna ugu baaqay in uu qaato doorkiisa in la dhireeyo gobolka .

“Qaranka Soomaaliyeed baa 17 April u asteeyay in ay noqoto maalinta dhir beerista sidaas darteed ayay tahay in la badiyo dhir beerista iyo in la badiyo ka faa’iideysiga dhirta, mawaadin kasta oo Soomaali ah waxaa xilka ka saaran yahay in uu geed talaalo waliba geed mirood “ayuu yiri Wasiir Gaarane .

Wasaaradda Xanaanada, Xoolaha waxaa ay ugu baaqday maamulada dalka ka jira in ay weyneeyaan maalintaan Qaranka, iyadoo mas’uuliyiintu ay sheegayaan in xuska uu socon doono muddo isbuuc ah .

vlcsnap-2016-04-17-13h45m40s238 vlcsnap-2016-04-17-13h46m27s209 vlcsnap-2016-04-17-13h47m15s178 vlcsnap-2016-04-17-13h47m27s41 vlcsnap-2016-04-17-13h47m45s223 vlcsnap-2016-04-17-13h48m09s179

Previous Post

Tartan qur’aan aqris ah oo muqdisho uga furmay arday gobolada ka kala yimid”SAWIRRO”

Next Post

Dhageyso Warka Duhur ee Radio Muqdisho

Next Post
Dhagayso Warka Habeen Ee Radio Muqdisho

Dhageyso Warka Duhur ee Radio Muqdisho

Guddiga Wasiiradda ee XFS ugu xilsaaran wadahadallada oo kulan la yeeshay Ururrada Siyaasadda

Guddiga Xukuumadda iyo Ururrada Siyaasadda oo War-saxaafadeed soo saaray

January 29, 2026
0

Guddiga Xukuumadda iyo Ururrada Siyaasadda ee ka qeyb qaatay doorashada goleyaasha deegaanka ee Qof iyo Cod ayaa kulankooda maanta ka...

Guddiga Wasiiradda ee XFS ugu xilsaaran wadahadallada oo kulan la yeeshay Ururrada Siyaasadda

Guddiga Wasiiradda ee XFS ugu xilsaaran wadahadallada oo kulan la yeeshay Ururrada Siyaasadda

January 29, 2026
0

Guddiga Wasiiradda ee XFS ugu xilsaaran wadahadallada ayaa maanta oo taariikhdu tahay Jannaayo 29, 2026 wadatashi layeeshay ururrada siyaasadda. Kulankan...

Ergada Dowladda Soomaaliya ee QM oo kulan casho sharaf ah u sameeyay diblomaasiyiin

Ergada Dowladda Soomaaliya ee QM oo kulan casho sharaf ah u sameeyay diblomaasiyiin

January 29, 2026
0

Ergada Dowladda Federaalka Soomaaliya ee Qaramada Midoobay ayaa munaasabad casho sharaf ah u qabatay Danjireyaasha iyo Diblomaasiyiinta ka howlgala Xarunta...

Muqdisho oo martigelinaysa Shirweynaha Qaran ee kaabayaasha Dijitaalka (DPI).

Muqdisho oo martigelinaysa Shirweynaha Qaran ee kaabayaasha Dijitaalka (DPI).

January 29, 2026
0

Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo kaashanaya hay'adaha kala ah: Bangiga Dhexe ee Soomaaliya (CBS), Hay’adda...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In