Monday, February 2, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Xuska Munaasabadda 1-da Luulyo oo lagu qabtay Gaalkacyo “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
7 years ago
in Wararka
0
Xuska Munaasabadda 1-da Luulyo oo lagu qabtay Gaalkacyo “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Munaasabadaan lagu maamusayay 59 sano guuradii ka soo wareegtay markii ay Gobolada Koofureed ay xornimada ka qaateen gumeystihii Talyaaniga iyo israacii Gobolada Waqooyi iyo kuwa Koofureed ee dalkeena oo ku began 1-Luulyo ayaa maanta lagu qabatay Galkaacyo.

Munaasabada oo ay si wadajir ah usoo agaasimeen maamulada Gobalka Mudug ee Puntland iyo Galmudug ayaa waxaa ka qeyb galay Xildhibaanno ka tirsan labada Aqal ee Baarlamanka Federaalka Soomaaliya, mas’uuliyiinta Gobalka Mudug ee Puntland iyo Galmudug iyo boqalaal dadweyna ah.

Related posts

NISA oo gacanta ku dhigtay xubno u hoggaansamay baadda Khawaarijta

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka oo howlgal qorsheysan ku dilay horjoogeyaal Khawaarij ah

February 1, 2026
Shirweynaha Isku-duwidda Tamarta oo lagu soo gabagabeeyay Dhuusamareeb

Shirweynaha Isku-duwidda Tamarta oo lagu soo gabagabeeyay Dhuusamareeb

February 1, 2026

Guddoomiyeyaasha Gobalka Mudug ee Puntland iyo Galmudug Axmed Muuse Nuur iyo Cabdiraxmaan Cali Diiriye oo ugu horeyn munaasabada ka hadlay, ayaa sheegay maanta inay tahay maalin ku weyn Ummadda Soomaaliyeed ayna ku faraxsan yihiin in markii u horeysay bur burkii kaddib si wadajir ah ay uga qabsoonto magaalada Galkaacyo.

Munaasabada oo intii ay socotay ay ka hadleen xubno matalaya ururrada dhallinyarada iyo Haweenka ayaa waxaa gunaanadkii ka hadlay qaar Xildhibaannada Barlamaanka Federaalka Soomaaliya kuwaasi oo ay ka mid ahaayeen Xildhibaan Khaalid Macoow, Xildhibaan Xaniifo Maxame Ibraahim Xaabsade, Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi iyo Xildhibaan Cali Jaamac Jingali oo isagu munaasabadda soo xiray, kuwaasi oo bulshada Gobolka Mudug ugu baaqay inay xoojiyaan Nabadgelyada Gobolka, ayna ka hortagaan cidkasta oo dooneysa inay carqaladeyso horumarka iyo amniga ka jirta magaalada Gaalkacyo.

Previous Post

DAAWO SAWIRRADA: Madaxweyne Farmaajo oo kumannaan shacab ah kala qayb galay xuska 1da Luuliyo

Next Post

Munaasabad lagu Xusayay 1-da Luulyo oo lagu qabtay Magaalada Kampala “DAAWO SAWIRO”

Next Post
Munaasabad lagu Xusayay 1-da Luulyo oo lagu qabtay Magaalada Kampala “DAAWO SAWIRO”

Munaasabad lagu Xusayay 1-da Luulyo oo lagu qabtay Magaalada Kampala “DAAWO SAWIRO”

NISA oo gacanta ku dhigtay xubno u hoggaansamay baadda Khawaarijta

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka oo howlgal qorsheysan ku dilay horjoogeyaal Khawaarij ah

February 1, 2026
0

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), ayaa howlgal qorshaysan oo ay shalay ka fuliyeen deegaanka Maxaa Saciid ee Gobolka...

Shirweynaha Isku-duwidda Tamarta oo lagu soo gabagabeeyay Dhuusamareeb

Shirweynaha Isku-duwidda Tamarta oo lagu soo gabagabeeyay Dhuusamareeb

February 1, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Khayraadka Biyaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya (XFS), Mudane Cabdullaahi Bidhaan Warsame, oo ay weheliyaan Wasiiru-Dowlaha iyo...

Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

Dowladda oo War-saxaafadeed ka soo saartay hannaanka Amniga

February 1, 2026
0

Dowladda Soomaaliya waxay masuuliyadi ka saaran tahay amniga iyo badqabka muwaadiniinta, si taa loo fuliyo, xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxay hore...

Madaxweynaha JFS oo magacaabay Guddoomiye Ku-xiigeennada Jaamacadda Ummadda

Madaxweynaha JFS oo magacaabay Guddoomiye Ku-xiigeennada Jaamacadda Ummadda

February 1, 2026
0

Madaxweynaha JFS Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa u magacaabay masuuliyiinta hoos ku xusan xilalka Guddoomiye Ku-xigeennada Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed:...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In