Saturday, July 4, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Xuska Munaasabadda 1-da Luulyo oo xalay lagu qabtay Aqalka Dowladda Hoose “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
11 years ago
in Wararka, Wararka Raadiyahaa
0
DAAWO SAWIRRADA XUSKA 1-DA LUULYO OO SI WEYN LOOGA XUSAY MUQDISHO
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Munaasabad lagu weynaynayay 55 guuradii ka soo wareegtay markii gobollada Koonfureed ay xornimada ka qaateen gumeystihii Talyaaniga iyo Midowgii gobollada Koonfur iyo Waqooyi oo ahayd 1-dii Luulyo sanadkii 1960-kii ayaa xalay lagu qabtay xarunta aqalka dowladda Hoose ee Muqdisho, halkaasi oo ay ka qeyb galeen Madaxda sare ee dowladda, xubno ka tirsan labada gole ee dowladda, saraakiisha ciidamada qalabka sida, maamulka Gobolka Banaadir, diblomaasiyiin, dadweyne aad u fara badan iyo marti sharaf kale oo lagu casuumay xafladda.

Amaanka magaalada Muqdisho ayaa aad loo adkeeyay iyadoo Aqalka Dowlada Hoose ee Muqdisho ay kusoo qulqulaayen dadweyne aad u tira badan oo qaarkod dhabanada iyo dareeska  ay wataan kusoo xardhay Calanka Jamhuuriyadda Soomaaliya

Related posts

Dowladda Soomaaliya oo Mareykanka ugu hambalyeysay munaasabadda maalinta xorriyaddiisa

Dowladda Soomaaliya oo Mareykanka ugu hambalyeysay munaasabadda maalinta xorriyaddiisa

July 4, 2026
Munaasabad lagu taageerayay garsoore Cumar Cartan oo lagu qabtay Nairobi

Munaasabad lagu taageerayay garsoore Cumar Cartan oo lagu qabtay Nairobi

July 4, 2026

Madaxweynaha Jamuuriyada Fedraalka Soomaliya Soomaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamud ayaa marki uu soo gaaray aqalka dowladda Hoose salaan sharaf ka qaatay cutubyo ka tirsan ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya.

Qaar kamid ah dadkii kahadlay madasha  ayaa ka shekeeyay ahmiyadda ay Ummadda Soomaaliyed u lee dahay in la weyneeyo 1-luulyo iyo halgankii loo soomaray in Soomaaliya ay xornimo qaadato.

Guddoomiyaha gobalka banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho Mudane Xasan Maxamed xuseen Muungab  ayaa xusay in uu aad ugu faraxsanyahay in munaasabaddan lagu qabto xarunta dowladda Hoose, halkaasi oo uu ku sheegay inay ahayd xaruntii ugu horeysay ee calanka Jamhuuriyadda laga taagay 55 sano kahor.

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, dhaqanka iyo dalxiiska ee Xukuumadda Soomaliya ahna Guddoomiyaha Guddiga qaban qaabada ee todobaadka xoriyadda Mudane Maxamed Cabdi xayir Maareye oo munaasada kahadlay ayaa u mahad celiyay guddiga kaalinta guddiga ay ka geysteen qabsoomiyadda iyo habsami u socodka xafladda, isagoo shacabka hambalyo ku aadan 1-da Luulyo hawada u mariyay.

Madaxweynaha Jamuuriyada Soomaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ugu horeyn ugu hambalyeeyay Ummadda Soomaaliyed ee key nool guud ahaan dalka iyo dibadiisa in sanadkan kan xiga ay ku gaaraan horumar iyo baraare.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in horumarka iyo nabada maanta dalka ka jirta ay sabab u yihiin  geesiyaasha ciidamada qalabka sida ee naftooda iyo dhiigoda had iyo jeer u hura badbaadinta dalka iyo dadka Soomaaliyed, isagoo shacabka ka codsay ina y xoojiyaan la shaqeynta ciidanka, si looga hortago waxkasta oo amniga qal qal ku abuuri kara.

Intaasi kaddib Madaxda Qaranka iyo dadweynahihii ka qeyb galay munaasadda ayaa waxey isugu yimaaden fagaaraha dhismaha aqalka Dowlada Hoose ee Muqdisho, waxaana halkaasi laga taagay calanka buluuga ah ee Jamhuuriyadda Soomaaliya, iyadoo Madaxweynuhu uu markale salaam sharaf ka qaatay cutubyo ka tirsan ciidanka xoogga dalka iyo muusikada baambeyda.

1-da Luulyo sanadkii 1960-kii oo ka soo wareegatay 55 sano ayaa ah markii Gobollada Koonfureed ay Madax-banaanidooda ka qaateen Gumeystihii Talyaaniga iyo Midowgii Gobollada Waqooyi iyo Koonfur, taasi oo qiimo weyn ugu fadhida shacabka Soomaaliyeed meelkasta oo ay joogaan.

IB0A0002 IB0A0003 IB0A0031 IB0A0062 IB0A0064 IB0A0067 IB0A0093 IB0A0097 IB0A9924 IB0A9925 N40A8947 N40A8961 N40A8962 N40A9041 N40A9630 N40A9635IB0A0110 IB0A0124 IB0A0147 IB0A0151 IB0A0191 IB0A0205 IB0A0232 IB0A0234 IB0A0235 IB0A0239 IB0A0243 IB0A0245 IB0A0277 IB0A0285 IB0A0305 IB0A0322 IB0A0325 IB0A0337 IB0A0345 IB0A0354 IB0A0360 IB0A0361 IB0A0368 IB0A0373 IB0A0390   IB0A0438 IB0A0443 IB0A0490 IB0A0501 IB0A0503 IB0A0554 IB0A0600 IB0A0621 IB0A0630 IMG_3523 IMG_3525 IMG_3566 IMG_3600 IB0A9962IB0A0724 IB0A0725 IB0A0735 IB0A0763 IB0A0766 IB0A0789 IB0A0804 IB0A0806  IB0A0814 IB0A0827 IB0A0833 IB0A0876

Previous Post

Tartamayaasha degmada Wadajir oo xalay u soo gudbay wareega xiga tartan cilmiyeedka “Dhageyso”

Next Post

Musharax Mideeye oo hambalyo ku aadan 1-da Luulyo u diray shacabka Soomaaliyeed

Next Post
Musharax Mideeye oo hambalyo ku aadan 1-da Luulyo u diray shacabka Soomaaliyeed

Musharax Mideeye oo hambalyo ku aadan 1-da Luulyo u diray shacabka Soomaaliyeed

Dowladda Soomaaliya oo Mareykanka ugu hambalyeysay munaasabadda maalinta xorriyaddiisa

Dowladda Soomaaliya oo Mareykanka ugu hambalyeysay munaasabadda maalinta xorriyaddiisa

July 4, 2026
0

RADIO MUQDISHO:Munaasabadda sanad guurada 250-aad ee Xorriyadda Mareykanka, Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay...

Munaasabad lagu taageerayay garsoore Cumar Cartan oo lagu qabtay Nairobi

Munaasabad lagu taageerayay garsoore Cumar Cartan oo lagu qabtay Nairobi

July 4, 2026
0

RADIO MUQDISHO(NAIROBI):-Munaasabad si heer sare ah loo soo agaasimay oo lagu maamuusayay,sidoo kalena lagu soo dhaweeyay garsooraha Soomaaliyeed Cumar Cabdulqaadir...

Duqa Muqdisho oo casho-sharaf ku maamuusay Danjiraha Jabuuti ee Soomaaliya

Duqa Muqdisho oo casho-sharaf ku maamuusay Danjiraha Jabuuti ee Soomaaliya

July 4, 2026
0

RADIO MUDISHO:-Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen Muungaab, ayaa xalay hoygiisa ku sameeyay casho-sharaf...

Ciidanka Booliska Caasimadda oo gacanta kusoo dhigay  shaqsi ku eedaysan fal dhagar ah

Ciidanka Booliska Caasimadda oo gacanta kusoo dhigay shaqsi ku eedaysan fal dhagar ah

July 4, 2026
0

RADIO MUQDISHO:- Ciidanka Booliiska Caasimadda ayaa gacanta ku soo dhigay eedeysane Maxamed Axmed Maxamed, kaas oo ku eedeysan inuu ku...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In