Haddaba,iyadooo laga duulayo qiimaha Warbaahinta iyo ahmiyaddda ay u leedahay bulshada, waxaa 21-kii Janaayo sanadkii 1973-dii, loo aqoonsaday maalinta Warfaafinta dalka,maadaama adeegyada warbaahintu ay yihiin kuwo toos u taabanaya ama diiradda u saaraya horumarka dadka iyo dalka.
Ujeedka munaasabaddaan oo sanadkiiba mar la qabto,ayaa ah mid xambaarsan xasuusta dadkii wax ku oolka ahaa ee u soo dhabar adeygay jiritaanka saxaafadda Soomaaliyeed oo la tilmaamo in ay soo bilaabatay bartamihii qarnigii 20-aad.
Marxaladihii Saxaafadda
1- Xorriyadda ka hor
Xilligaaan, waa bilow wanaagsan oo loo qaaday socodsiinta adeegyada lagama maarmaanka u ah saxaafadda,kadib kolkii ay kordheen dadka bartay luqadaha iyo qoraalada kale ee Laatiinka ah,taasina waxa ay sababtay in ay soo baxaan wargeysyo lagu gudbiyo fariimo xambaarsan naceybka gumeysiga.
Muddadii u dhaxaysay 1935-60-kii,gobolada woqooyi iyo kuwa koonfureed, waxaa ka bilowday dhaqdhaqaaqyo ay wadeen dhallinyaro aqoonyahanno ah oo isku xilsaaray soo saarista wargaysyo ay ka mid yihiin Somali Journal, Al-Liwaa, Qarni Afriqiya, Al-Waxda,War Somali side,Corriere della Somalia,Al-Sariixa iyo kuwo kale.
Isla xilligaan gobollada Woqooyi oo uu gacanta ku haayay Ingiriiska waxaa sanadkii 1943-dii laga hirgaliyay Raadiyo Hargeysa,halka gobolada Konfureed sanadkii 1951-kii laga furay Raadiyo Muqdisho,waqtigaasi oo gumeysiga Talyaaniga uu Maxmiyad ku haystay gobollada Koofureed.
2-Dawladdii Rayadka
In la madax banneeyo xoriyadda hadalka,waxay ka mid ahayd tallaabooyinkii ugu horeeyay ee ay ku guulaysatay dowladdii Rayidka ee 1960-kii,waxayna arintaasi sababtay in ay kordhaan tirada wargeysyada ka soo baxa dalka, kuwaas oo ku qornaa luqadaha Carabiga, Ingriiska iyo Talyaaniga,waxayna kala ahaayeen Sowtu Soomaal,Somali News,Somali review ,Li Oriente ,La Tripuna ,Kifaax, Al-shacab,Al-Waxda, Al-Xaqiiqa iyo kuwo kale.
5-tii Janaayo 1964-tii waxaa dhidibada loo taagay Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed ee SONNA,taas oo si buuxda u noqotay isha waraka dalka iyo codka dowladda Soomaaliya.
3-Dowladdii Millitariga
Waxaa hubaal ah in sanadkii 1969-kii,uu ahaa bilowgii dib u dhaca saxaafadda Soomaaliya iyo niyad-jabkii qorayaasha ka dib markii ciidamadii qabsaday dalka ay xireen xarumihii wargaysyada,isla markaana ay mamnuuceen xoriyadda hadalka,iyagoo doorbiday in labada Idaacadood ee Radiyo Hargeysa iyo Radiyo Muqdisho iyo wargeyska dowladda ay noqdaan kuwo loo adeegsado baahinta awaamiirta maamulkii Kacaanka.
21-kii Janaayo Sanadkii 1973-di Waa markii ugu horaysay ee uu dalkeenna ka soo baxo wargayskii ugu horeeyay ee ku hadla Afka Hooyo kadib kolkii1972-dii lagu guulaystay hirgalintii iyo qaadashada qoraalka farta Laatiinka,iyadoo la eegayo helitaanka qalabka loo adeegsado qoraalka xarfaha iyo dhinaca kale culeys dhaqaale oo saamixi waayey in la soo saaro aalado cusub oo xagga qoraalka ah.
Sanadkii 1980-kii waxaa dalka laga hirgaliyay Kulliyadda Saxaafadda ,taas oo soo saartay suxufiyiin badan oo aqoon u leh cilmiga saxaafadda,isla markaana kor u qaaday tayada iyo aqoonta warbaahinta dalka.
Sanadkii 1983-kii. Waa markii ugu horeysay ee Telefishin ama muuqaal baahiye uu leeyahay qaranka Soomaaliteed uu si habsami leh uga shaqeeyay dalka,isla markaana laga daawaday warar iyo barnaamijyo tayeysan oo ay ku qanci karaan bulshada.
4-Xilligii burburka & soo kabashada
Inkastoo burburkiii ka dhacay dalka uu saameyn xoogan ku yeeshay qeybaha warbaahinta dalka,haddana, labaatankii sano ee u dambeeyay qaar ka mid ah ganacsatada iyo aqoonyahanno kale ayaa doorbiday in ay wax ka baddalaan warbaahinta dalka oo muddo badan ku soo jirtay caburin iyo cadaadis xad dhaaf ah.
Tallaabadaasi,waxa ay dhiirigalisay in gudaha dalka ay ka hanaqaadaan saxaafad xor ah oo kaalin wax ku ool ah ka qaadatay in qaybaha bulshadu ay awood u helaan gudbinta fikradaha wax dhisa iyo kuwa dhaliisha ah ee loo jeediyo hoggaamiyaasha siyaasadda.
Waxaa shaki la’aan ah in Saxaaafaddu ay tahay seef laba afle ah oo loo adeegsan karo dhanka wanaagsan iyo dhanka xun,sidaa daraadeed, waxaa lagama maarmaan ah in qaybaha warbaahinta ay u howlgalaan meel marinta danaha dadka iyo dalka,isla markaana laga fogaado wax kasta oo carqalad ku ah dhameystirka geeddi-socodka loogu jiro dib u yagleelidda nidaam dowladnimo oo kaafiya dadka oo dhan.
Si loo helo Suxufiyiin howlkar ah oo ku wanaaagsan shaqada Warbaahinta, waxaa lama huraan ah in dowladda iyo madaxda maamulada warbaahinta ay u howlgalaan sidii tababarro aqoon kororsi ah oo la xiriira xirfadda saxaafadda loo siin lahaa shaqaalaha qaybaha warbaahinta dalka.
Waa muhiin in xasuus gaar ah loo yeesho dadkii haldoorka u ahaa aasaaska iyo horumarka warbaahinta Soomaaliya,waxana ka mid ahaa:-Maxamuud Jaamac Uur-doox, Xaaji Cabdi Ducaale, Soogare Maxamed Cadde,Xuseen Cabdi Farmashiye,Aadan Isaaq Timacade, Daahir Ibrahim Cabdi, yaasiin xaaji ismaaciil, Cabdi xaaji Gobdoon, Axmed ismaaciil Samatar, Mustafa Xaaji Nuur, Max’ed Faarax Xalane Dhaashane, Faaduma Hiirad Qalyayax,Faaduma Xaaji Faarax iyo kuwo kale,kuwaas oo lagu tilmaamo in ay ahaayeen wariyayaashii ugu horeeyay ee gala diiwaanka xasuusta saxaafadda Soomaaliya.
Gabagabadii ,anagoo ka faa’ideysaneyna xuska sanadguurada 49-aad ee ka soo wareegatay aasaaskii warbaahinta Soomaliya,aawadeed,waxaan hambalyo u direyna dhammaan shaqaalaha warbaahinta dalka, waxaanna u rajeeyneynaa in sanadkaan kiisa kale ay ku gaaraan horumar iyo baraare.
W/Q Shiroos