Wednesday, September 30, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Xuska Sanad guurada 68aad ee aas aaska Jamhuuriyadda Shiinaha oo lagu qabtay Muqdisho

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
9 years ago
in Wararka
0
Xuska Sanad guurada 68aad ee aas aaska Jamhuuriyadda Shiinaha oo lagu qabtay Muqdisho
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Xuska Sanad Guurada 68aad ee Jamhuuriyadda Shiinaha ayaa maanta lagu qabtay Muqdisho, iyadoo ay ka qeyb galeen Ku-simaha   Madaxweeynaha  ahna Guddoomiyaha  Golaha Shacabka  Mudane Maxamad Sheekh Cismaan Jawaari, Ku-simaha Ra’iisulwasaaraha Dalka  ahna Ra’iisulwasaare ku xigeenka dalka Mudane Mahdi Maxamad Guuleed Khaddar,  xubno ka tirsan labada gole ee Aqalka sare iyo Golaha Shacabka, Wasiiro, diblomaasiyiin iyo marti sharaf kale.

Ugu horayn waxaa meesha  ka hadlay Safiirka Shiinaha u fadhiya Soomaaliya  Mr Chin Lin  waxaa uu sheegay inay waxbadan ka qabteen xariirka Soomaaliya  iyo Shiinaha sida  u gurmashada dadkii ay abaarahu saameeyeen  oo  ay ku bixyeen  lacago  iyo fulinta mashaariic horumarineed, ayna diyaar u yihin inay sii wadayaan hirgelinta mashaariic kale.

Related posts

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

September 29, 2026
Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

September 29, 2026

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamad Sheekh Cismaan Jawaari  ayaa sheegay  in xariirka Soomaaliya iyo Shiinaha uu ahaan mid aad ugu  wanaagsan ka hor burburkii  dalka,  ayna  doorween ku lahaayeen  fulinta mashaariic horumarineed oo laga fuliyay Dalka, Isagoo si gaar ah uga codsaday  in  Madaxweeynaha Shiinaha uu gaarsiiyo  in Soomaaliya ay markasta diyaar u tahay  inay  ka  faa’iidaysato  fursadaha  horumarineed   ee Shiinaha ka fulinayaan dalka  iyo   xoojinta xariirkii soo jireenka ahaa ee  labada dalka.

Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari Ku-simaha Madaxweynaha Dalka  ayaa ugu hambalyeeyay   Dalka Shiinaha sanad guuradii  68aad ee ka soo wareegatay markii  la aasaasay Jamhuuriyadda  Shiinaha.

Dawladaha Soomaaliya iyo Shiinaha ayaa leh xariir soo jireen ah, aydoo lagu xasuusto dawladda Shiinaha  dhismaha  Golaha Murtida iyo Madadaallada (National Theater) Garoonka kubadda Cagta ee Stadium Mogadishu iyo mashaariic kale  balse waxii ka danbeeyay buburkii dawladii dhexe Soomaaliya 1990  ayaa waxaa meesha ka baxay mashaariicdaasi, waxaase hada muuqda ifaafaalo  ku aadan  soo noolaynta  xariirkii soo jireenka ahaa ee u dhaxeeyay labada dal.

Previous Post

Madaxweynaha JF Soomaaliya oo la kulmay Boqorka Dalka Sacuudiga “Sawirro”

Next Post

Shir ku saabsan nidaamka dowladaha Hoose oo lagu qabtay Baydhabo

Next Post
Diiwaan galinta Musharaxiinta kuraasta aqalka hoose oo Baydhabo ka bilaabanaysa

Shir ku saabsan nidaamka dowladaha Hoose oo lagu qabtay Baydhabo

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

September 29, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka (WHO)...

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

September 29, 2026
0

Urur Siyaasadeedka Talo-Qaran oo ka mid ah Ururada ka jira dalkeena oo maalmahan ololaha doorashooyinka ka waday qaar ka mid...

Guddoomiyaha SoDMA oo daah-furay shirka u diyaar-garowga Soomaaliya ee El Niño 2026

Guddoomiyaha SoDMA oo daah-furay shirka u diyaar-garowga Soomaaliya ee El Niño 2026

September 29, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa Magaalada Muqdisho ka furay shir lagu tijaabinayo diyaar-garowga...

𝐑𝐚𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐚𝐚𝐡𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐁𝐚𝐧𝐝𝐡𝐢𝐠𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐱𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚

𝐑𝐚𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐚𝐚𝐡𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐁𝐚𝐧𝐝𝐡𝐢𝐠𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐱𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚

September 29, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta duleedka magaalada Muqdisho ka furey Bandhigga Dalxiiska Soomaaliya oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In