Saturday, June 7, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Maqaallo

Xusuustaydii Radio Muqdisho iyo Dagaalkii ka dhanka ahaa Argagixisadda. WQ:-C/casiis Afrika

admin by admin
November 26, 2017
in Maqaallo, Wararka
0
Xusuustaydii Radio Muqdisho iyo Dagaalkii ka dhanka ahaa Argagixisadda. WQ:-C/casiis Afrika
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Hor iyo Horaanba intaanan u galin Xusuus Qorkayga waxaan Hambalyo leeyahay Howlwadeenadda Radio Muqdisho meel kasta oo ay joogaan, Waxaan intii ku dhimatay Halganka Xoraynta Fikirkana leeyahay Eebbe Naxariistii Janno ha ugu deeqo.

Radio Muqdisho oo 66 Sanno jirsaday waxa uu ka mid noqday Hay’adihii Dowliga ahaa ee ku burburay Dagaaladdii Sokeeye, Balse Raadiyuhu waxa uu kaga duwanaa Hay’adaha kale waxaa badbaaday Agabkii Kaydka Hadalka Raadiyo Muqdisho oo tan iyo markii la dhidbay lagu kaydinayay Codadkii kala duwanaa ee ka baxay Iddaacadda, Waana Taariikhda kaliya ee u badbaaday Qaranka Soomaaliya. Marka laga reebo Kaydkii Afafka Qalaad oo ku burburay Duqayn dhacday 1993-tii.

Related posts

NISA oo gacanta ku dhigtay xubno u hoggaansamay baadda Khawaarijta

Howlgallo qorsheysan oo lagu dilay horjoogayaal ka tirsan Khawaarijta

June 7, 2025
Hay’adda Boqor Salmaan oo Hilib udxiyo ah ka qeybisay Dayniile

Hay’adda Boqor Salmaan oo Hilib udxiyo ah ka qeybisay Dayniile

June 7, 2025

Radio Muqdisho Bishii November 2009 ayaan ka howl billaabay, Waxay ii ahayd markii iigu horaysay ee aan u shaqeeyo Dowlad, tiiyoo aanan faham badan ka haysan Dowladnimadda,  Waxaanse ugu imid wax ka duwan wixii aan filayay markii aan imaanayay Radio Muqdisho oo ahayd inaan ugu imid halkaasi Dhalinyaro iyo Kaadiriin nagu hagay Dhabaha Dowladnimadda iyo u Adeegidda Qaranka.

Dagaalkii ka dhanka ahaa Argagixisadda

Raadiyo Muqdisho dib u howgalintiisu waxay fursad u noqotay Dadka Soomaaliyeed oo dareemayay Cabursanaan dhinaca fikirka ah iyo iyadoo ay meesha ka sii baxayeen Warbaahintii Gaarka loo lahaa oo noqday kuwa ay bililiqaysteen Alshabaab, kuwo Cabsi ku shaqeeya, iyo kuwa iska aamusay. Waxayna Dhagaha Shacabku maqleen Mawjad Iddaacadeed oo ka fog Cabsi, una soo gudbinaysa Warar iyo Barnaamijyo noocoodu ay ku cusbaayeeen oo ay ku larnayd Dowladnimo iyo Guubaabo.

Raadiyo Muqdisho intii uu socday Howlgalkii lagu xoraynayay Muqdisho iyo Labada Shabeelle waxa uu si mug leh uga qayb qaadanayay Howlgalkaasi, Waxaanan xasuustaa Waqtigaasi in Saraakiisha Ciidanku ay noo yaqaaneen Gaas 1-aad, taasoo ka dhigan inaan ula mid ahayn Gaas Ciidan ah oo lagu tashado Cududooda.

Raadiyuhu waxa uu sameeyay Gaari Caasi ah (Mini Bus) oo ay ku xiran yihiin Cod Baahiyayaal laga daaray Heeso Guubaabo ah, kuwaasoo lagu dhiiragalin jiray Ciidanka, Waxaana uu Gaarigaasi Caan ka noqday Magaaladda Muqdisho, iyadoo markii ay maqlaan Heesta Erya Erya iyo Heesihii kale ee Ciidanka ay markiiba dareemi jireen Xaafadaha Muqdisho ee laga xoraynayay Alshabaab inay soo gaartay Dowladdii, iyadoo mararka qaarkood loo isticmaali jiray Cod Baahiyayaashaas in lagula hadlo Xaafaddaha laga xoreeyay Alshabaab.

Raadiyo Muqdisho ka sakoow inuu barbar istaagay Ciidamadda Qalabka sidda, kana soo dhalaalay Doorkiisii Warbaahineed waxa uu noqday Buundo isku xirta Wariyayaasha Soomaaliyeed iyo Ciidanka Qalabka Sidda oo aan markaas ka hor lahayn Wadashaqayn.

Waxaan Xasuustaa Subax kasta inay i soo wici jireen ku dhowaad 20 Wariye oo qaarkood ay u shaqaynayeen Warbaahino Caalami ah, kuwaasoo danaynaya inay Sawiro iyo Muuqaalo ka soo sameeyaan Safafka hore ee Ciidanka, Waxaanan Bahdeena Raadiyo Muqdisho suuragalinay in Ciidanku ay u arkaan qayb ka mida Dagaalka in Saxaafaddu ay la joogto.

Radio Muqdisho waxa uu ka sakoow furimaha Dagaalka soo bandhigayay Barnaamijyo iyo Warbixino looga hadlayo Ficiladda aan Shareecadda Islaamka waafaqsanayn ee ay samaynayeen Alshabaab oo Magac Diin ku qaldayay Dadka, Waxaan tabin jirnay Xoggo aan ka dhex helno Kooxda, sidoo kale waxaan raadin jirnay Codadka Alshabaab, taasoo ka dhigtay Raadiyaha mid la xiiseeyo Dhagaysigiisa.

Dhacdooyin badan oo aysan ciddi awoodin inay wariso, cabsi laga qabo Alshabaab ayaan soo tabin jirnay, sida Khilaafaadka Kooxda Dhexdeeda ah, Sideey isku khaarajiyaan, Tacadiyadda ay Shacabka ku sameeyaan, Waxaan gaarnay in Dadka Shacabka ah ee ku sugan meelaha ay maamulaan ay nala wadaagaan Ficiladda ay samaynayaan.

Markii ugu horaysay waxaan isticmaalnay Erayo aan horay loo dhihi karin Alshabaab, sida Koox, Maleeshiyaad, Horjoogayaal iyo Erayo kale, Waxaan iska diidnay inaan u isticmaalno Magacyadda ay ku qasbaan Warbaahinadda kale inay ugu yeeraan sida Xarako, Mujaahidiin iyo Erayo kale. Waxaan fursad siinay Culumo badan oo Soomaaliyeed oo Bulshadda u iftiimiyay Hilinka Qaldan ee ay Alshabaab ka socdaan.

Kooxda Alshabaab waxay dareentay qatarta xoogga badan ee ka soo wajahday Warbaahinta Dowladda, waxay dareemeen Radio Muqdisho uu Shacabkii ka xoreeyay Fikirkii ay ku qasbi jireen, taasoo keentay inay soo saaraan Amaro ay ka mid yihiin inaysan dhagaysan Maleeshiyaadkoodu Raadiyo Muqdisho, qofkii iyaga ka tirsan ee lagu arko inuu dhagaysanayana lagu xukumo Jaajuus, Inaan laga qaban Taleefoono Wariyayayaasha Radio Muqdisho, In Shirarkooda ay ka mamnuucaan Taleefoonadda, iyo wax kasta oo wax lagu duubi karo, Dhinaca Shacabka Deegaanadda ay ka taliyaan waxay dul dhigeen Amaradaasi oo kale, balse dhamaan Amaradan waxba kama badalin Dhagaysigga Raadiyaha, Waxaana uu ka dhigay mid xiiso kale u sii yeelay, Iyadoona ay Dadku billaabeen inay ka dhagaystaan Taleefoonadda Gacanta.

Si kastaba ha ahaateen Radio Muqdisho waa Barre iyo Abaabibiye Bulsho oo ka koriyay Shacabka Soomaaliyeed Fikradaha ku salaysan Argagixisanimadda. Waxaana hadda oo 66 Sanno jirsaday aan u rajaynayaa inuu sii laba jibaaro Doorkiisa Warbaahineed.

Shaqsiyan ma soo koobi karo Xusuusahayga Raadiyo Muqdisho, balse Waxaan Quluubtayda ka go’ayn Saaxibadii aan Waqtiga adag isla soo marnay ee ay Argagixisaddu naga dileen oo uu ugu horeeyay Sh Nuur Maxamad Abkeey, Waa Sooyaal Xanuun badan oo aan dareemayo Saaxiibadayda isugu jira Wiilal iyo Gabdho ee loo dilay u Shaqaynta Qarankooda, Balse taasi ma noqon mid aamusisay Radio Muqdisho.

C/casiis Afrika

Qoraa iyo Wariye Radio Muqdisho/SNTV/SONNA

Previous Post

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Oo Hambalyo U Diray Maamulka Iyo Shaqaalaha Radio Muqdisho “DAAWO”

Next Post

DAAWO SAWIRRADA OO DHAN:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Oo 66 Guurrada Radio Muqdisho Ka Qeybgalay

Next Post
DAAWO SAWIRRADA OO DHAN:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Oo 66 Guurrada Radio Muqdisho Ka Qeybgalay

DAAWO SAWIRRADA OO DHAN:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Oo 66 Guurrada Radio Muqdisho Ka Qeybgalay

NISA oo gacanta ku dhigtay xubno u hoggaansamay baadda Khawaarijta

Howlgallo qorsheysan oo lagu dilay horjoogayaal ka tirsan Khawaarijta

June 7, 2025
0

Horjoogeyaal kale oo ka tirsan Khawaarijta Al-Shabaab ayaa ku geeriyooday howlgal qorshaysan oo si wadajir ah ay u fuliyeen Ciidanka...

Hay’adda Boqor Salmaan oo Hilib udxiyo ah ka qeybisay Dayniile

Hay’adda Boqor Salmaan oo Hilib udxiyo ah ka qeybisay Dayniile

June 7, 2025
0

Xarunta Gargaarka iyo Howlaha Bani’aadantinimada ee Boqor Salmaan oo kaashanaysa hay’adda Xikmo Charity ayaa maanta markale degmada Dayniile ee gobolka...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo Geneva uga qeybgalay shir muhiim ah

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo Geneva uga qeybgalay shir muhiim ah

June 7, 2025
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareeynta Musiibooyinka (SoDMA) Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle iyo wafti uu hoggaaminayo ayaa Xarunta Qaramada Midoobay ee Geneva -...

Danjiraha Cusub ee Soomaaliya ee Yemen oo Gudbiyay Warqadaha Aqoonsiga Safiirnimo

Danjiraha Cusub ee Soomaaliya ee Yemen oo Gudbiyay Warqadaha Aqoonsiga Safiirnimo

June 5, 2025
0

Danjiraha cusub ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u qaabilsanaan doona dalka Yemen mudane Cabdixakiin Maxamed Axmed (Dhoobo Daareed),ayaa warqadaha aqoonsiga danjirannimo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In