Wasiirka Arrimaha Dibada ee Yeman Khalid Alyamani ayaa kulan kula qaatay magaalada Jabuuti dhigiisa dalkaasi Maxmuud Yuusuf,waxayna ka wada hadleen cilaaqaadka labada dal iyo sidii loo horumarin lahaa.
Waxay kaloo labada dhinac kulunkoodaasi iskula soo qaadeen suurta galnimada in guddi heer wasiir ah ee labada dhinac sida ugu dhaqsiiyaha badan ay u kulmaan, waxaana arrinta loo xilsaaraay danjirayaasha labada dal u fadhiya Caasimadaha Cadan iyo Jabuuti si ay u soo diyaariyaan qodobada ay isla gorfeyn doonaan marka ay kulmaan Wasiiradaasi.
Wasiirka Jabuuti Maaxmuud Yuusuf ayaa kulunkaasi uu la yeeshay dhigiisa dal Cadan uu ka sheegay inuu dalkiisu uu ku soo dhaweynayo dhamaan shacabka Yamaniyiinta ee ka soo barakacay dagaalada isla markna ayan marti ka noqoneyn Yeman, balse uu yahay dalkooda labaad, wuxuuna intaa raaciyay in Jabuuti ay taageersan tahay Xukuumadda Yemaan iyo sidii ay u soo ceshan laheyd qaranimadeeda taamka ah loona fulin lahaa qaraarkii Golaha amniga oo Tirsigiissu ahaa 2216.
Dhanka kale Wasiirka Arrimaha Dibadda Yeman Khalid Alyamani ayaa ka mahadceliyay mowqifka Dowladda jabuuti ee la xiriirta ee arrimaha dalka Yeman iyo dadaalka ay ku bixinayso nabad ku soo daabaalida gayigaasi mudada dheer ay ka socodeen daagaalada Ahliga oo sababay barakac iyo burbur xooggan oo soo gaara akaabayaa\sha dhaqaalaha daalkaasi arrimaha dalka Yeman iyo dadaalka ay ku bixinayso nabad ku soo daabaalida gayigaasi mudada dheer ay ka socodeen daagaalada Ahliga oo sababay barakac iyo burbur xooggan oo soo gaara akaabayaa\sha dhaqaalaha daalkaasi Yeman