Saturday, May 24, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

๐‘๐šโ€™๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐ž ๐—๐š๐ฆ๐ฌ๐š โ€œ๐‡๐ข๐ซ๐ ๐ž๐ฅ๐ข๐ง๐ญ๐š ๐’๐ข๐ฒ๐š๐š๐ฌ๐š๐๐๐š ๐’๐ก๐š๐ช๐š๐š๐ฅ๐š๐ก๐š ๐‘๐š๐ฒ๐ข๐๐ค๐š ๐š๐ก ๐ฐ๐š๐š ๐ฆ๐ข๐ ๐ค๐š๐ฆ๐ข๐ ๐š๐ก ๐ช๐จ๐ซ๐ฌ๐ก๐š๐ฒ๐š๐š๐ฌ๐ก๐ข๐ข ๐ฎ๐ ๐ฎ ๐ฆ๐ฎ๐ก๐ข๐ข๐ฆ๐ฌ๐š๐ง๐š๐š ๐—๐ฎ๐ค๐ฎ๐ฎ๐ฆ๐š๐๐๐š ๐ƒ๐š๐ง๐๐š๐ซ๐š๐งโ€

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
April 21, 2025
in Wararka
0
๐‘๐šโ€™๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐ž ๐—๐š๐ฆ๐ฌ๐š โ€œ๐‡๐ข๐ซ๐ ๐ž๐ฅ๐ข๐ง๐ญ๐š ๐’๐ข๐ฒ๐š๐š๐ฌ๐š๐๐๐š ๐’๐ก๐š๐ช๐š๐š๐ฅ๐š๐ก๐š ๐‘๐š๐ฒ๐ข๐๐ค๐š ๐š๐ก ๐ฐ๐š๐š ๐ฆ๐ข๐ ๐ค๐š๐ฆ๐ข๐ ๐š๐ก ๐ช๐จ๐ซ๐ฌ๐ก๐š๐ฒ๐š๐š๐ฌ๐ก๐ข๐ข ๐ฎ๐ ๐ฎ ๐ฆ๐ฎ๐ก๐ข๐ข๐ฆ๐ฌ๐š๐ง๐š๐š ๐—๐ฎ๐ค๐ฎ๐ฎ๐ฆ๐š๐๐๐š ๐ƒ๐š๐ง๐๐š๐ซ๐š๐งโ€
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Raโ€™iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, oo daahfuray Hirgelinta Siyaasadda Qaran ee Darajooyinka iyo Mushaaraadka Shaqaalaha Rayidka ah, ayaa sheegay in siyaasaddani tahay mid xoojinaysa cududdada shaqaalaha Soomaaliyeed.

Mudane Xamsa, ayaa xusay in siyaasaddani ay beddeli doonto nidaamkii hore ee muddo dheer lagu maamulayey shaqaalaha dowladda, isla markaana ay horumarin doonto shaqo-gudashada, caddaaladda iyo kor-u-qaadista kartida Shaqaalaha Rayidka ah.

Related posts

Guddoomiyaha Hayโ€™adda SoDMA oo qaabilay Ambassador Jamaal

Guddoomiyaha Hayโ€™adda SoDMA oo qaabilay Ambassador Jamaal

May 23, 2025
Madaxweyne Xasan Sheekh oo kormeeray xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga

Madaxweyne Xasan Sheekh oo kormeeray xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga

May 22, 2025

โ€œMaanta waa maalin muhiim u ah Qaranka iyo Shaqaalaha Dowladda, daahfurka siyaasaddan Qaran waa mid kamid ah qorsheyaashii ugu muhiimsanaa ee la ansixiyay, taas oo ah guul, waxa aan rabnaa in golaha wasiirrada iyo shaqaalaha dowladda dhammaantood si isku mid ah loo dhaariyo, si ay daacad ugu addeeggaan dalkoodaโ€. Ayuu yiri Raโ€™iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre.

Raโ€™iisul Wasaaraha, ayaa tilmaamay in Xukuumadda DanQaran ay xoogga saartay ilaalinta xuquuqda shaqaalaha, siyaasaddanina ay ahmiyad weyn u leedahay dhanka maamul-wanaagga iyo caddaaladda shaqo ee dalkeenna, taas oo qeyb ka ah Qorshaha Isbeddelka Qaranka, oo dib loogu casriyeynayo heyโ€™adaha dalka, laguna tayeynayo dowladnimada.

Siyaasadan cusub waxay ku saleysan tahay qiimayn buundo-tirsi oo gaaraysa 1,000 dhibcood, iyadoo lagu eegayo afarta tiir ee kala ah: aqoon iyo khibrad, masuuliyad, dadaal (maskax iyo jir), iyo duruufaha shaqada. Waxay dajinaysaa 8 heer darajo ah (A ilaa G). Nidaamkan wuxuu meesha ka saarayaa eexda, wuxuuna xaqiijinayaa mushaar la jaanqaadaya waxtarka qofka shaqaalaha ah.

Previous Post

War-saxaafadeed Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS:Aqoonsiga Qaranku waa Xaqa Muwaadinka, lama Siyaasadeyn karo

Next Post

GUDDDOOMIYAHA GOLAHA SHACABKA OO LA KULMAY GUDDOOMIYAHA GOLAHA AQALKA SARE.

Next Post
GUDDDOOMIYAHA GOLAHA SHACABKA OO LA KULMAY GUDDOOMIYAHA GOLAHA AQALKA SARE.

GUDDDOOMIYAHA GOLAHA SHACABKA OO LA KULMAY GUDDOOMIYAHA GOLAHA AQALKA SARE.

Guddoomiyaha Hayโ€™adda SoDMA oo qaabilay Ambassador Jamaal

Guddoomiyaha Hayโ€™adda SoDMA oo qaabilay Ambassador Jamaal

May 23, 2025
0

Guddoomiyaha Hayโ€™adda Maaraynta Musiibooyinka Soomaaliyeed ee SoDMA, Mudane Maxamud Macallim Cabdulle ayaa xafiiskiisa ku qaabilayย Ambassador Jamaal Maxamed Xasan Madaxa xarunta...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo kormeeray xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga

Madaxweyne Xasan Sheekh oo kormeeray xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga

May 22, 2025
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kormeeray xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga ee Xukuumadda Federaalka. Kormeerkan ayaa qeyb ka...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo shir guddoomiyay kulanka Guddiga joogtada ah

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo shir guddoomiyay kulanka Guddiga joogtada ah

May 22, 2025
0

Guddiga Joogtada ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa kulankiisa todobaadlaha ah ku yeeshay xarunta guddoonka iyo guddiyada ee...

Ciidanka xoogga dalka oo Jubada hoose ku dilay in ka badan 120 khawaarij ah

Ciidanka xoogga dalka oo Jubada hoose ku dilay in ka badan 120 khawaarij ah

May 22, 2025
0

Ciidamada Kumaandooska Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee Danab ayaa gobolka Jubbada hoose ku soo bandhigay hubkii ay ka soo furteen Khawaarijta...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

ยฉ 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

ยฉ 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In