Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, oo ay wehliyaan Guddiga Abaaraha Galmudug, ayaa magaalada Gaalkacyo ku guddoomiyay shir looga hadlay gurmadka Abaaraha Gobolka Mudug.
Kulanka waxaa ka qeyb galay maamulka gobolka Mudug, maamulka degmada Gaalkacyo, iyo hay’adaha ka shaqeeya howlaha beni’aadannimada iyo samafalka. Waxaana diiradda lagu saaray xaaladda abaarta ee gobolka Mudug iyo sidii loo xoojin lahaa gurmadka loogu fidinayo dadka nugul, si noloshooda loo badbaadiyo.
Ugu dambeyn, Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA, Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa ugu baaqay shacabka gobolka Mudug iyo hay’adaha samafalka inay sii xoojiyaan taageerada loo fidinayo dadka ay abaaruhu saameeyeen.












