Ku-simaha Raโiisul Wasaaraha ahna Raโiisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa maanta si rasmi ah u furay Toddobaadka Qaran ee Kalluumeysiga Soomaaliyeed.
Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa khudbaddiisa ku soo bandhigay hodantinimada kheyraadka badda Soomaaliya iyo muhiimadda ay leedahay in si hufan looga faaโiideysto, si loo kobciyo dhaqaalaha dalka, loo abuuro fursado shaqo, loona xoojiyo sugnaanta cuntada.
Ku-simaha Raโiisul Wasaaraha ayaa adkeeyay muhiimadda horumarinta Dhaqaalaha Buluugga ah, dhiirrigelinta maalgashiga kalluumeysiga, iyo tayeynta awoodda kalluumeysatada Soomaaliyeed, si kheyraadka badda uu door muuqda uga qaato horumarka iyo kobaca dhaqaalaha qaranka.











