Raโiisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta safar ku tagay degmadda Balanballe ee dowlad-goboleedka Galmudug, waxaana halkaas si diirran ugu soo dhoweeyay Madaxweynaha Galmudug, Taliyaha Hayโadda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka, Musharaxa Hoggaamiyaha Galmudug, maamulka degmada Balanballe, iyo qeybaha kala duwan ee bulshada deegaankan ku dhaqan.
Raโiisul Wasaare Xamsa ayaa goobjoog ka noqday heshiis taariikhi ah oo ay wada gaareen beelaha walaalaha ah ee degmooyinka Balanballe iyo Guriceel, kadib colaado sanado badan qaatay oo halkaas ka jiray.
Xaflad ballaaran oo ay ka soo qeybgaleen bulshada labada degmo, odayaasha dhaqanka, waxgaradka iyo dhallinyarada , goobjoogna ka ahaayeen Raโiisul Wasaare Xamsa , Madaxweynaha Galmudug, wasiirro iyo xildhibaanno heer federaal ah ayay labada ugaas ee beelahan , ee kala ah Ugaas Maxamed Ugaas Kayse iyo Ugaas Xasan Ugaas meel fagaaro ah ku saxiixeen heshiis 8 qodob ka kooban oo gebi ahaanba lagu soo afmeeray colaaddii jirtay.
Raโiisul Wasaare Xamsa oo ka hadlay madasha ayaa yiri:โGogoshan waxaa iiga muuqata in labada dhinac ay ka goโan tahay in ay si dhab ah u heshiiyaan, Illaahayna wuxuu ballanqaaday in cidkasta oo niyad wanaagsan la timaadda uu waafajinayo, haddii cid ku xad-gudubto waxaad ku heshiiseen waa in aad ku xallisaan Shareecada Islaamkaโ.
Raโiisul Wasaare Xamsa oo hadalkiisa sii watay ayaa si weyn u bogaadiyay heshiiska la gaaray , kaas oo uu ku tilmaamay in uu yahay mid waafaqsan qorshaha xukuumadda ee Soomaali Heshiis ah, wuxuuna sheegay in heshiiskan uu horseedi doono nabad waarta, horumar dhaqaale iyo in shacabka si wanaagsan loo gaarsiiyo adeegyada dowladda maadaamaa ay colaaddii hadda dhammaatay.
Raโiisul Wasaaraha, ayaa intii uu ku sugnaa degmada Balanballe waxa uu dhagax-dhigay Aqalka Nabadda, waxana uu ballanqaaday in la dhisayo iskuul wax lagu barro carruurtii ku agoontoowday colaadaha, sidoo kale la dhisayo garoon ciyaaro, saldhig ciidan iyo dhammaystirka Garoonka Diyaaradaha.
Mudane Xamsa Cabdi Barre waxa uu dhanka kale tababar usoo xirey cutub ka tirsan Hayโadda Nabad Sugidda kuwaas oo ku biiraya ciidanka amniga dalka .











