Saturday, July 18, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

๐‘๐šโ€™๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐ž ๐—๐š๐ฆ๐ฌe ๐จ๐จ ๐ ๐ฎ๐๐๐จ๐จ๐ฆ๐ข๐ฒ๐ž๐ฒ ๐ค๐ฎ๐ฅ๐š๐ง ๐ฅ๐จ๐จ๐ ๐š ๐ก๐š๐๐ฅ๐š๐ฒ๐จ ๐๐ข๐ฅ๐ฅ๐ข๐œ๐๐š ๐œ๐š๐š๐ฌ๐ข๐ฆ๐š๐๐๐š

Shamis Hassan Harun by Shamis Hassan Harun
5 months ago
in Wararka
0
๐‘๐šโ€™๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐ž ๐—๐š๐ฆ๐ฌe ๐จ๐จ ๐ ๐ฎ๐๐๐จ๐จ๐ฆ๐ข๐ฒ๐ž๐ฒ ๐ค๐ฎ๐ฅ๐š๐ง ๐ฅ๐จ๐จ๐ ๐š ๐ก๐š๐๐ฅ๐š๐ฒ๐จ ๐๐ข๐ฅ๐ฅ๐ข๐œ๐๐š ๐œ๐š๐š๐ฌ๐ข๐ฆ๐š๐๐๐š
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

RADIO MUQDISHO:-Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa guddoomiyey kulan looga hadlayo soo bandhigidda iyo dardargelinta Biyo-Mareenka magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.

Kulanka ayaa warbixin looga dhagaystay Wasaaradda Howlaha Guud, Dib-u-Dhiska iyo Guriyeynta XFS, maamulka Gobolka Banaadir iyo xeel-dheerayaal ka socda mashruucda NAGAAD , taasi oo ku saabsan farsamada iyo qorshaha guud ee Biy-mareenka Naqshadda, baaxadda iyo marxaladaha hirgalinta.

Related posts

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka tacsiyadeeyey geerida Wasiirkii Gaashaandhigga Jabuuti

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka tacsiyadeeyey geerida Wasiirkii Gaashaandhigga Jabuuti

July 17, 2026
Madaxweynaha Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadda Cagta, oo la kulmay dhiggiisa FIFA

Madaxweynaha Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadda Cagta, oo la kulmay dhiggiisa FIFA

July 16, 2026

Guddoomiyaha gobolka Banaadir Mudane Xasan Maxamed Xuseen, ayaa sharaxay in lagu guuleystay furitaanka dhuumihii hore ee biyo-mareenada ee xirmay, balse loo baahanyahay in la dhiso kuwo cusub iyo goobo waara, si looga hortago fatahaadaha markasta dhaca ee dhibaatada naf iyo maalba leh.

Wasaaradda Maaliyadda ayaa soo bandhigay maalgelinta dhaqaale ee loo qorsheeyay, kaalinta looga baahanyahay in dowladda Soomaaliyeed buuxiso iyo heerka kaalmadda Bangiga Adduunka uu ku leeyahay hawshan baaxadda leh, oo ka socota magaalooyin kala duwan oo dalka ah.

Wasaaradaha kala ah Dhaqaalaha Buluugga, Duulista iyo Gaadiidka Hawada, Amniga Gudaha iyo Gaashaandhigga oo door ku leh hawshan ayaa soo jeediyay warbixinno ku saabsan hawlaha qaran ee socda saamayntooda iyo sida la-isu waafajin karo.

Raโ€™iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa sheegay in loo baahanyahay dib-u-soo celinta billicda caasimadda iyada oo dib loo furayo biyo-mareennadii hore ee xirmay si loo helo tuubooyin biyaha qaada oo tayo leh, isaga oo faray heyโ€™adaha ku shaqada leh in ay si degdeg ah uga howl-gallaan hirgalinta mashuurcan oo muhiimad weyn u leh caasimadda.

Mashruuca biyo-mareennada caasimadda oo leh ahmiyad Qaran ayaa si toos ah u taabanaya badqabka, nadaafadda iyo horumarka guud ee caasimadda, maadaama uu door weyn ka qaadanayo ka hortagga fatahaadaha, yaraynta cudurrada ka dhasha biyaha wasakhda ah, ilaalinta deegaanka iyo kaabayaasha dhaqaalaha sida waddooyinka, guryaha iyo goobaha ganacsiga.

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxaa ka goโ€™an in mashruucan uu noqdo mid la taaban karo oo guuleysta loona hirgaliyo sida ugu wanaagsan si magaalada Muqdisho u noqoto caasimad u diyaarsan maalgashi.

Previous Post

Ra’iisul Wasaare Xamse oo qaabilay wafdi ka socday Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya

Next Post

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya

Next Post
Dowladda Soomaaliya oo cambaareysay qarax ka dhacay masjid ku yaalla dalka Pakistan

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka tacsiyadeeyey geerida Wasiirkii Gaashaandhigga Jabuuti

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka tacsiyadeeyey geerida Wasiirkii Gaashaandhigga Jabuuti

July 17, 2026
0

MADAXWEYNAHA JAMHUURIYADDA OO KA TACSIYEEYAY GEERIDA WASIIRKII GAASHAANDHIGGA DALKA JABUUTI ย  Muqdisho, Luuliyo, 17, 2026: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...

Madaxweynaha Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadda Cagta, oo la kulmay dhiggiisa FIFA

Madaxweynaha Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadda Cagta, oo la kulmay dhiggiisa FIFA

July 16, 2026
0

Madaxweynaha Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadda Cagta, ahna Madaxweyne Ku-xigeenka CECAFA, Mudane Cali Cabdi Maxamed, ayaa caawa kulan miro-dhal ah la...

Raโ€™iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay Safiirka Dowlada Jabuuti ee Soomaaliya

Raโ€™iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay Safiirka Dowlada Jabuuti ee Soomaaliya

July 16, 2026
0

Raโ€™iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Jamhuuriyadda Jabuuti u qaabilsan Soomaaliya...

Hayโ€™adds SoDMA oo deeq raashin ah u qeybisay qoysas ku dhaqan deegaannada Kabxanleey iyo Deefow

Hayโ€™adds SoDMA oo deeq raashin ah u qeybisay qoysas ku dhaqan deegaannada Kabxanleey iyo Deefow

July 16, 2026
0

Hayโ€™adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA) ayaa maanta bulshada ku nool deegaannada Kabxanleey iyo Deefow ee hoostaga magaalada Beledweyne, xarunta...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

ยฉ 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

ยฉ 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In