Monday, February 2, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐫𝐬𝐡𝐚𝐝𝐚𝐡𝐚 𝐨𝐨 𝐐𝐚𝐚𝐛𝐢𝐥𝐚𝐲 𝐌𝐚𝐚𝐥𝐠𝐚𝐬𝐡𝐚𝐝𝐞𝐲𝐚𝐚𝐥 𝐮 𝐝𝐡𝐚𝐬𝐡𝐚𝐲 𝐰𝐚𝐝𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐊𝐮𝐰𝐞𝐲𝐭

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
2 years ago
in Wararka
0
𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐫𝐬𝐡𝐚𝐝𝐚𝐡𝐚 𝐨𝐨 𝐐𝐚𝐚𝐛𝐢𝐥𝐚𝐲 𝐌𝐚𝐚𝐥𝐠𝐚𝐬𝐡𝐚𝐝𝐞𝐲𝐚𝐚𝐥 𝐮 𝐝𝐡𝐚𝐬𝐡𝐚𝐲 𝐰𝐚𝐝𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐊𝐮𝐰𝐞𝐲𝐭
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha XFS Xildhibaan Jibril Abdirashid Haji Abdi, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Ganacsato iyo Maalgashadeyaal waweyn oo u dhashay wadanka Kuweyt kuwaas oo dalka u yimid sidii ay Maalgashiyo uga sameyn lahaayeen dalka.

Kulanka oo ay qeyb ka ahaayeen Xildhibbaano ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaliya, ayaa Wasiirka oo halkaas ka hadlay, wuxu sheegay in ay ka dawlad ahaan ku faraxsan yihiin inay qaabilaan Maalgashadeyaal u dhashay wadanka Kuweyt oo danaynaya sidii ay Maalgashiyo waaweyn uga sameeyn lahaayeen wadanka, isaga oo carabka ku dhuftay in wadamada Soomaaliya iyo Kuweyt uu hore uga dhaxeeyey xiriir walaaltinimo oo soo jireen ah isla mar ahaantaana ay soo dhaweynayaan inay arkaan in la gaaray xiligii labada dhinac iska kaashan lahaayeen dhinacyada ganacsiga iyo maalgashiga.

Related posts

NISA oo gacanta ku dhigtay xubno u hoggaansamay baadda Khawaarijta

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka oo howlgal qorsheysan ku dilay horjoogeyaal Khawaarij ah

February 1, 2026
Shirweynaha Isku-duwidda Tamarta oo lagu soo gabagabeeyay Dhuusamareeb

Shirweynaha Isku-duwidda Tamarta oo lagu soo gabagabeeyay Dhuusamareeb

February 1, 2026

Wasiir Jibril Abdirashid Haji Abdi, wuxu halkaas kula wadaagay warbixin guud oo ku saabsan horumarada ay ku tallaabsatay dawladda Soomaaliya oo horseeday in maanta Maalgashadeyaasha caalamku ay aad u danaynayaan Maalgashiga wadanka, iyada oo halkaas lagu soo bandhigay warbixino taabanaya fursadaha Ganacsi iyo kuwa Maalgashi ee ka jira dalka gaar ahaan qeybaha muhiimka ah ee ay Soomaaliya danaynayso Maalgashigooda sida qeybaha xoolaha, beeraha, kalluumaysiga, tamarta, iyo kaabeyaasha kale ee dhaqaalaha.

Dhinaca kale, Maalgashadeyaasha oo iyagu na halkaas ka hadlay, ayaa Wasiir Jibril uga mahadceliyey soo dhaweynta iyo faahfaahinta uu ka siiyey fursadaha Maalgashi ee ka jira dalka, waxaana ay sheegeen inay dalka u yimaadeen siddii ay qiimeyn ugu samayn lahaayeen sidoo kale na waxa uga oggaan lahaayeen xaaladda wadanka iyo fursadaha Maalgashi ee ka jira iyaga oo carabka ku dhuftay inay dalka ku arkeen horumaro aad u waaweyn oo dhinac walba leh.

Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha XFS Xildhibaan Jibril Abdirashid Haji Abdi, ayaa ugu dambayn, wuxu Maalgashadeyaasha halkaas ku guddoonsiiyey buugga Hagaha Maalgashiga oo ah buug ay diyaarisay Wasaaraddu kaas oo Maalgashadeyaasha ku hagaaga fursadaha Maalgashi ee ka jira wadanka.

Previous Post

Maraykanka oo diiddan qaraar cusub oo la xiriira xabbad joojin laga sameeyo Gaza

Next Post

Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS oo la kulmay Safiirka ururka Jaamacadda Carabta ee Soomaliya

Next Post
Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS oo la kulmay Safiirka ururka Jaamacadda Carabta ee Soomaliya

Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS oo la kulmay Safiirka ururka Jaamacadda Carabta ee Soomaliya

NISA oo gacanta ku dhigtay xubno u hoggaansamay baadda Khawaarijta

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka oo howlgal qorsheysan ku dilay horjoogeyaal Khawaarij ah

February 1, 2026
0

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), ayaa howlgal qorshaysan oo ay shalay ka fuliyeen deegaanka Maxaa Saciid ee Gobolka...

Shirweynaha Isku-duwidda Tamarta oo lagu soo gabagabeeyay Dhuusamareeb

Shirweynaha Isku-duwidda Tamarta oo lagu soo gabagabeeyay Dhuusamareeb

February 1, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Khayraadka Biyaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya (XFS), Mudane Cabdullaahi Bidhaan Warsame, oo ay weheliyaan Wasiiru-Dowlaha iyo...

Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

Dowladda oo War-saxaafadeed ka soo saartay hannaanka Amniga

February 1, 2026
0

Dowladda Soomaaliya waxay masuuliyadi ka saaran tahay amniga iyo badqabka muwaadiniinta, si taa loo fuliyo, xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxay hore...

Madaxweynaha JFS oo magacaabay Guddoomiye Ku-xiigeennada Jaamacadda Ummadda

Madaxweynaha JFS oo magacaabay Guddoomiye Ku-xiigeennada Jaamacadda Ummadda

February 1, 2026
0

Madaxweynaha JFS Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa u magacaabay masuuliyiinta hoos ku xusan xilalka Guddoomiye Ku-xigeennada Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed:...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In