Friday, October 23, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

π‘―π’π’ˆπ’ˆπ’‚π’‚π’π’Œπ’‚ π‘Ώπ’Šπ’”π’ƒπ’Šπ’ˆπ’‚ π‘Έπ’Šπ’Šπ’Žπ’ 𝑸𝒂𝒓𝒂𝒏 𝒐𝒐 π’Œπ’– π’…π’‰π’‚π’˜π’‚π’‚π’’π’‚π’š π‘»π’‚π’‚π’ˆπ’†π’†π’“π’‚π’…π’‚ 𝑴𝒖𝒔𝒉𝒂𝒓𝒓𝒂𝒙 π‘³π’Šπ’Šπ’ƒπ’‚π’‚π’ π‘¨π’™π’Žπ’†π’… 𝑿𝒂𝒔𝒂𝒏 π’Šπ’šπ’ 𝑱𝑺𝑷

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
4 weeks ago
in Wararka
0
π‘―π’π’ˆπ’ˆπ’‚π’‚π’π’Œπ’‚ π‘Ώπ’Šπ’”π’ƒπ’Šπ’ˆπ’‚ π‘Έπ’Šπ’Šπ’Žπ’ 𝑸𝒂𝒓𝒂𝒏 𝒐𝒐 π’Œπ’– π’…π’‰π’‚π’˜π’‚π’‚π’’π’‚π’š π‘»π’‚π’‚π’ˆπ’†π’†π’“π’‚π’…π’‚ 𝑴𝒖𝒔𝒉𝒂𝒓𝒓𝒂𝒙 π‘³π’Šπ’Šπ’ƒπ’‚π’‚π’ π‘¨π’™π’Žπ’†π’… 𝑿𝒂𝒔𝒂𝒏 π’Šπ’šπ’ 𝑱𝑺𝑷
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Hoggaanka sare ee Xisbiga Qiimo Qaran ayaa si rasmi ah u shaaciyey go’aankiisa ku aaddan doorashada ku-celiska ah ee Galmudug, isagoo taageero siyaasadeed u muujiyey Musharrax Hoggaamiye Liibaan Axmed Xasan, oo ah musharraxa Ururka Caddaaladda iyo Wadajirka (JSP) ee doorashada hoggaanka Galmudug.

Go’aanka Xisbiga Qiimo Qaran wuxuu ka dhashay wadatashi iyo qiimeyn siyaasadeed oo ay hoggaanka xisbigu ka yeesheen xaaladda Galmudug, baahida loo qabo xasillooni siyaasadeed, dib-u-heshiisiin, horumar iyo dowlad-wanaag, iyo jihada siyaasadeed ee musharraxa Liibaan Axmed Xasan.

Related posts

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

October 22, 2026
MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HAMBALYO U DIRAY HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HAMBALYO U DIRAY HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

October 22, 2026

Xisbiga Qiimo Qaran wuxuu caddeynayaa in uu Musharrax Liibaan Axmed Xasan iyo JSP kula midoobayo taageerada geeddi-socodka siyaasadeed ee Galmudug, isagoo xoojinaya muhiimadda ay leedahay in doorashadu ku dhacdo jawi nabdoon, hufan, xushmad leh, lana dhowro shuruucda iyo habraacyada doorashada.

Hoggaanka Xisbiga Qiimo Qaran wuxuu sidoo kale caddeynayaa in xubnaha iyo taageerayaasha xisbiga loo gudbin doono go’aanka rasmiga ah ee hoggaanka, si ay uga qaybqaataan geeddi-socodka doorashada iyagoo raacaya nidaamka iyo awaamiirta xisbiga.

Xisbiga Qiimo Qaran wuxuu ugu baaqayaa dhammaan dhinacyada siyaasadda, bulshada rayidka ah iyo shacabka Galmudug in ay ilaaliyaan nabadda, wadajirka bulshada, xasilloonida iyo tartanka siyaasadeed ee nabdoon, gaar ahaan xilliga doorashada ku-celiska ah.

Qiimo Qaran wuxuu aaminsan yahay in mustaqbalka Galmudug lagu dhiso wada-tashi, midnimo, nabad iyo horumar loo dhan yahay.

 

Previous Post

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KULAN DOCEED LA QAATAY DHAXAL-SUGAHA KUWAIT

Next Post

SoDMA & WFP oo kala saxiixday heshiis lagu xoojinayo u diyaar garowga Musiibooyinka

Next Post
SoDMA & WFP oo kala saxiixday heshiis lagu xoojinayo u diyaar garowga Musiibooyinka

SoDMA & WFP oo kala saxiixday heshiis lagu xoojinayo u diyaar garowga Musiibooyinka

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

October 22, 2026
0

Ra'iisal wasaaraha xukuumadda FS ayaa hambalyo u diray hoggaamiyaha iyo Hoggaamiye Ku-xigeenka Dowlad-goboleedka Galmudug Mudane Liibaan Axmed Xasan iyo Abdiwali...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HAMBALYO U DIRAY HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HAMBALYO U DIRAY HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

October 22, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hambalyo u diray Hoggaamiyaha cusub ee Dowlad Goboleedka Galmudug, Mudane Liibaan...

Wakiilada Baarlamaanka Galmudug oo doortay hoggaanka cusub ee maamulkaasi

Wakiilada Baarlamaanka Galmudug oo doortay hoggaanka cusub ee maamulkaasi

October 22, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug Mudane Xuseen Maxamed Nuur ayaa maanta ku dhawaaqay natiijadii doorashada Galmudug oo uu ku guuleystay Mudane...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo la kulmay guddi isu xil-saaray nabadaynta Koofur Galbeed

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo la kulmay guddi isu xil-saaray nabadaynta Koofur Galbeed

October 21, 2026
0

Guddoomiyaha Shacabka Shacabka ee Baarlamaanka Dalka ayaa guddiga ka dhageystay talooyin wax-ku-ool ah iyo aragtiyo muhiim ah oo ku saabsan...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

Β© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

Β© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In