Wednesday, March 25, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

𝗛𝗮𝘆’𝗮𝗱𝗱𝗮 𝗦𝗼𝗰𝗱𝗮𝗮𝗹𝗸𝗮 𝗶𝘆𝗼 𝗝𝗶𝗻𝘀𝗶𝘆𝗮𝗱𝗱𝗮 oo 𝘀𝗶 𝗿𝗮𝘀𝗺𝗶 𝗮𝗵 𝘂 𝗵𝗶𝗿𝗴𝗲𝗹𝗶𝘀𝗮𝘆 𝗫𝗮𝗿𝘂𝗻𝘁𝗮 𝗸𝗮 𝗷𝗮𝘄𝗮𝗮𝗯𝗶𝘀𝘁𝗮 𝗖𝗮𝗯𝗮𝘀𝗵𝗼𝗼𝘆𝗶𝗻𝗸𝗮 “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
4 years ago
in Wararka
0
𝗛𝗮𝘆’𝗮𝗱𝗱𝗮 𝗦𝗼𝗰𝗱𝗮𝗮𝗹𝗸𝗮 𝗶𝘆𝗼 𝗝𝗶𝗻𝘀𝗶𝘆𝗮𝗱𝗱𝗮 oo 𝘀𝗶 𝗿𝗮𝘀𝗺𝗶 𝗮𝗵 𝘂 𝗵𝗶𝗿𝗴𝗲𝗹𝗶𝘀𝗮𝘆 𝗫𝗮𝗿𝘂𝗻𝘁𝗮 𝗸𝗮 𝗷𝗮𝘄𝗮𝗮𝗯𝗶𝘀𝘁𝗮 𝗖𝗮𝗯𝗮𝘀𝗵𝗼𝗼𝘆𝗶𝗻𝗸𝗮 “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Xaruntaani ayaa timid kadib markii dardargelin lagu sameeyay shaqada Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda, taas oo ka dhalan karto cabashooyin ka soo laabto adeegyada Socdaalka iyo Baasaboorka.

Muhiimadda koobaad ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda ee ku aadan xaruntaan cusub waa in dadka cabashada qaba iyo Hay’adda aan loo dhaxeynin oo ay si toos ah ula soo xiriiraan Xarunta ka jawaabista Cabashooyinka si meesha looga saaro gaabis ku yimaada Xiriirka Hey’adda iyo loo adeegayaasha oo ah bulshada Soomaaliyeed, loogana fogaado isdabarin, waajib gudasho la’aan ama in si khaldan looga faaideysto adeegyada Hay’adda oo qof kastaahi xaq u leeyahay isla markaana looga hortago wax kasta oo keeni kara Musuqmaasuq.

Related posts

Xukunka Ninkii Basaasay Feeryahanad Ramla Cali iyo Kooxdiisa

Xukunka Ninkii Basaasay Feeryahanad Ramla Cali iyo Kooxdiisa

March 24, 2026
Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka oo kulan mira dhal ah la qaatay Major General Claude K.

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka oo kulan mira dhal ah la qaatay Major General Claude K.

March 24, 2026

Xarunta ka jawaabista Cabashooyinka waxaa ka howlgali doono Saraakiil loo tababaray Xiriirka dadweynaha iyo la macaamilkooda, waxayna ka jawaabi doonaan guud ahaan cabashooyinka kasoo laabta adeegyada ay bixiso Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda.

Waxaan ku qalabeynay xaruntaan System-yada ay ku shaqeyso Hay’adda ha ahaado Socdaal ama Baasaboor, Saraakiisha ka howlgaleyso waxay awood u leeyihiin in ay Systemka ka eegaan cabashada isla markiibana ay jawaab ka bixiyaan cabashada ku soo dhacday.

Agaasimaha Guud Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Mudane Cabdulqaadir Cilmi Cali (Cabdul) ayaa si dhow ula socon doonaa tabashooyinka iyo warbixinada xaruntaan si uu u qaado tallaabooyin wax ku ool ah, isla markaana uu kula xisaabtamo Xarunta ka jawaabista cabashooyinka sida ay u maareeyaan cabashada ay qabtaan. Sidoo kale, qorshayaasha Hay’adda waxaa lagu dhisi doonaa talooyinka iyo baahida adeeg oo ay qabaan bulshada Soomaaliyeed.

Previous Post

Qof naftii hallige ah oo isku qarxiyey maqaaxi ku taal degmada Wadajir

Next Post

Biyo dhaamin loo sameeyay Dadka ay abaartu ku saamaysay Gobolka Mudug “SAWIRRO”

Next Post
Biyo dhaamin loo sameeyay Dadka ay abaartu ku saamaysay Gobolka Mudug “SAWIRRO”

Biyo dhaamin loo sameeyay Dadka ay abaartu ku saamaysay Gobolka Mudug "SAWIRRO"

Xukunka Ninkii Basaasay Feeryahanad Ramla Cali iyo Kooxdiisa

Xukunka Ninkii Basaasay Feeryahanad Ramla Cali iyo Kooxdiisa

March 24, 2026
0

Cabdisalaam Maxamed Xasan, Cabdullahi Cusmaan Maxamed, Cabdinaasir Cumar Axmed Subeyr, Faadumo Cismaan Subeyr Cali iyo Leylo Seef Faarax Axmed, Ayaa...

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka oo kulan mira dhal ah la qaatay Major General Claude K.

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka oo kulan mira dhal ah la qaatay Major General Claude K.

March 24, 2026
0

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sarreeye-Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud, ayaa kulan muhiim ah la qaatay Taliyaha Taliska Hawlgallada Gaarka ah...

Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS oo maamul cusub u magacawday degmada Waajid

Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS oo maamul cusub u magacawday degmada Waajid

March 24, 2026
0

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo dib u heshiisiinta ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya (XFS) ayaa si rasmi ah u magacawday maamulka...

Tababar lagu baranaayo aqoonta beeraha oo Muqdisho ka socda

Tababar lagu baranaayo aqoonta beeraha oo Muqdisho ka socda

March 24, 2026
0

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka JFS. Eng.Maxamed Xassan Cabdulle ayaa furay tababar aqoon kororsi ah oo ku saabsan...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In