Saturday, January 31, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

12-ka Octobar waa maalinta calanka Soomaaliyeed “Akhriso”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
9 years ago
in Wararka, Xulashada
0
12-ka Octobar waa maalinta calanka Soomaaliyeed “Akhriso”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Maantoo kale 12-kii October sanadkii 1954-tii ayeey aheyd markii ugu horreeysay ee la saaray Calanka Jamhuuriyadda Soomaaliya, hasa yeeshee Calanka Buluugga ah ee u eg samada xiddigta Shan geesoodka ahna ku leh bartamaha waa Calanka kaliya ee loo aqoonsanyahay Jamhuuriyadda Federalka Somalia.

Dalkeenna waxaa soo maray Sadex Calan kuwaas oo kala ahaa Calanka gumeystihii Talyaaniga iyo kan Ingiriiska oo jiray 1941-dii ilaa 1950-kii waxaana 1954-tii Qaramada midoobay dalkeenna ku wareejisay Talyaaniga si uu xornimo u gaarsiiyo iyadoo qaramada midoobay magacawday Sadex waddan oo dusha ka kontoroolayay  sida uu Talyaanigu u maamulayay dalkeenna,  kuwaas oo kala ahaa waddamada Masar, Colompia iyo Philibin, waxaana markaasi dalka ka jiray calanka Talyaaniga oo uu wehliyo kan Qaramada Midoobay,  qorshahaasi xornimo gaarsiinta ahna waxaa ka shaqeeyay xisbigii Leegada.

Related posts

Madaxweyne Xasan Sheekh oo gaaray magaalada Jigjiga

Madaxweyne Xasan Sheekh oo gaaray magaalada Jigjiga

January 31, 2026
Dowladda Soomaaliya oo kaalin weyn ka ciyaartay doorka hoggaaminta fadhiga Golaha Ammaanka ee QM

Dowladda Soomaaliya oo kaalin weyn ka ciyaartay doorka hoggaaminta fadhiga Golaha Ammaanka ee QM

January 31, 2026

Haddaba isla sanadkaasi 1954 waxaa loo baahday in la helo Calan uu yeesho dalkeenna mar haddi la helay nidaamki xornimo gaarsiinta, waxaa la soo bandhigay naqshado farabadan hase yeeshee isla sanadkaasi 12 Obtober 1954-tii maantoo kale Allaha u naxariistee  Maxamed Cawaale Liibaan oo ka tirsanaa golaha dhexe ee xisbiga Leegada ayaa jeebkiisa ka soo bixyay Calanka hadda jira ee buluugga ah.

Calankan Buluugga ah ee xiddigta ku leh bartamaha ayaa ah kan caalamka oo dhan noo aqoonsanyahay,  waana mid sharaf iyo maamuus ku leh qof kasta oo muwaadin Soomaali ah, waxaana loo soo maray halgan adag oo dhiig badan ku daatay, qiimaha, ixtiraamka, karaamada iyo jaceylka ay u qabaan ummadda Soomaaliyeed Calankeenna suubban darteed markii la garaaco Musigga astaanta u ah Calanka dadkoo dhan wey sara kacaan iyagoo taagnaada ilaa uu dhamaado muusigga astaantaCalanka.

Ma aha wax la soo koobi karo halganka adag ee waddaniyiinta Soomaaliyeed usoo galeen Calankeenna,  waxaana xusud mudan in halgankii ugu dambeeyay ee lagu difaacayo Calanka uu yahay kan imminka socda ee dalka lagaga saarayo kooxda Shabaab iyo Alqaacidda kuwaas oo iyagu diiday jiritaanka calankeenna iyo Soomaalinimadeennaba waxeyna dharaar cad meelo fagaare ah ku gubeen Calankeenna aynu Jecelnahay.

Hase yeeshee waxaa arrintaasi ka dhiidhiyay dhammaan ummadda Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan dal iyo dibad, iyadoo malleeshiyaadkii shabaab ee doonayay in ay calan madow ku bedelaan calnkeenna sharafta leh laga saaray,  inta badan gobollada dalka, iyadoo haatan uu Calankeennu ka dulbabanayo Muqdisho iyo dhammaan gobollada dalkeenna marka laga reebo meelaha kooban oo ay wali dalka ugu harsanyihiin kooxda UGUS.

Ma aha wax qoraal oo kaliya lagu soo koobi karo jacelylka iyo karaamada uu Calankeennu ku leeyahay quluubta waddaniyiinta Soomaaliyeed meel kastoo ay ku noolyihiin.

Waxa wax lagu farxo ah in xuska maalinta calanka ee sanadkan uu ku soo aadayo xilli dowladda Federaalka Soomaaliya ay guulo waaweyn ka gaartay la dagaallanka argagixisada, adkeynta ammaanka, iyo hirgelinta nidaamka dowladnimada, islamarkaana shacabka Soomaaliyeed ay aad u fahmeen qiimaha hannaanka dowladnimada.

W.Q. Mowliid Maxamed Sabriye

Previous Post

Xildhibaano Ka tirsan baarlamaanka Soomaaliyo oo ka qayb galay Xuska aasaaskii baarlamaanka Masar “SAWIRRO”

Next Post

Dhageyso warka subax ee Radio Muqdisho

Next Post
Dhageyso Warka Habeennimo Ee Radio Muqdisho

Dhageyso warka subax ee Radio Muqdisho

Madaxweyne Xasan Sheekh oo gaaray magaalada Jigjiga

Madaxweyne Xasan Sheekh oo gaaray magaalada Jigjiga

January 31, 2026
0

RADIO MUQDISHO(Jigjiga):-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa goordhaw magaalada Jigjiga ka dagay, halkaas oo si diirran uu...

Dowladda Soomaaliya oo kaalin weyn ka ciyaartay doorka hoggaaminta fadhiga Golaha Ammaanka ee QM

Dowladda Soomaaliya oo kaalin weyn ka ciyaartay doorka hoggaaminta fadhiga Golaha Ammaanka ee QM

January 31, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Xamse Aadan, ayaa sheegay tilmaamay in Soomaaliya ay fadhiga Golaha Ammaanka ee...

Xafiiska Hantidhowrka Guud oo barnaamijka tababarka Maaliyadda kusoo gabagabeeyay Ankara

Xafiiska Hantidhowrka Guud oo barnaamijka tababarka Maaliyadda kusoo gabagabeeyay Ankara

January 31, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xafiisyada Hantidhowrka Guud ee JFS iyo Jamhuuriyadda Turkiga ayaa magaalada Ankara si rasmi ah ugu soo gebagabeeyay barnaamijka Tababarka...

Soomaaliya iyo Hindiya oo sii xoojinaya xiriirka Laba-Geesoodka ah ee labada dal

Soomaaliya iyo Hindiya oo sii xoojinaya xiriirka Laba-Geesoodka ah ee labada dal

January 31, 2026
0

RADIO MUQDISHO(New Delhi):-Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali, ayaa maanta Magaalada...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In