Saturday, October 10, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

14-ka Oktoobar: Waa uur-ku-taallo ku daabacan quluubta shacabka

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
2 years ago
in Wararka
0
14-ka Oktoobar: Waa uur-ku-taallo ku daabacan quluubta shacabka
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Related posts

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

October 10, 2026
Dowladda Soomaaliya oo cambaaraysay weerarka lagu qaaday xarunta korontada ee Masjidka Nabiga (NNKH) ee Magaalada Madiina

DFS oo cambaaraysay weerar lagu qaaday garoomo ku yaalla dalka Sacuudiga

October 10, 2026

14-ka Oktoobar  waa dhacdo aad u xanuun badan oo laheyd naxdin iyo argagax,,kadib kolkii maalin qura ay dhibaatooyin isugu jiray dhimasho,dhaawacyo iyo burbur hanti ay soo gaareen dad ka badan kun iyo laba boqol oo ruux oo ahaa kuwo meherado ganacsi ku lahaa isgoyska Soobbe iyo dad socota ah oo marayey halkaasi.

Falkaasi xasuuqa ah oo ay ka dambeeeen kooxaha nabad-diidka,waa mid reebay xasuus lama ilaawaan ah oo aan ka go’eyn qalbiyada ummad sanaddo badan ku soo jirtay dagaallo sokeeye,xilligaanna  doonaayey in ay u gudbaan nidaam sal adag oo horseeda nabad iyo barwaaqo.

Tira-koob rasmi ah oo la sameeyay ayaa muujinaya in ay dhinteen in ku dhow kun ruux,isla markaana uu dhaawacyo kala duwan soo gaaray ku dhawaad 500 oo ruux,halka la waayey ,dad gaaraya 54-qof oo illaa hadda aan la ogeyn meel ay ku dambeeyeen raq iyo ruux.

Marka laga yimaado khasaaraa nafeed ee uu geystay qaraxaasi,waxaa ku burbuay hanti lagu qiyaasay $6.3 Milyan oo isugu jirtay nuucyada adeegyada ganacsiga,gawaari iyo dhismayaal badan.

Waa dhab in ay jiraan dad daacad ah oo xilli kasta  u taagan badbaadinta bulshada iyo ka qeybqaadashada horumarka dalka,taasina waa wax u gaar ah dadka Soomaaliyeed oo ay kaga duwan yihiin shucuubta kale ee caalamka.

Tusaale waxaa xaqiiqo ah in dowladda federaalka iyo dadka Soomaaliyeed ee ku kala nool guddaha iyo dibadaha ay u howlgaleen bixinta lacago malaayiin doolar ah oo xirfado ganacsi loogu abuuray eheladii uu saameeyay qaraxii Soobbe.

Falkani waa xasuuqii ugu xumaa ee loo geysto dad rayid ah oo ku jiray raadinta nolol maalmeedkooda,waloow xilligaan ay muuqda dib u dhis wanaagsan oo lagu sameeyay goobihii ganacsi ee agagaarka Soobbe.

Isku day kasta oo ay ka dambeeyaan kooxaha nabad-diidka ma ahan kuwo wax u dhimaya horumarada socda,sidaa daraadeed waxaa habboon in si wadajir ah looga shaqeeyo soo celinta amniga dalka iyo la dagaalanka qof kasta oo loo arko in ay lid ku yihiin danta dalka iyo dadka.

Sida cad wadajir ayaa lagu badbaadin karaa dal jira,sidaa daraadeed,waa muhiin in ciidan iyo shacaba ay ka shaqeeyaan danta umadda,gaar ahaan waxyaabaha u baahan in hoos loo eego sida ilaalinta xasiloonida dalka,daryeelka bulshada,ka qeybgalka barnaamijyada horumarineed iyo dhismaha dalka .

Sidoo kale,haddii lagu shaqeeyo caqli saliim ah,waxaa suurtagal ah in ay badbaadaan shacbiga,isla markaana la bartilmaameedsado cid kasta oo ku howlan sameynta dambiyo dagaal oo ka dhan ah aadanaha.

Dowlad iyo shacab waa in xil la iska saaro sidii mudnaanta loo siin lahaa amniga,waxaanna aaminsan nahay in bulsho mideysan oo diyaar ah ay ku dhaqaaqi karaan la dagaalanka cid kasta oo wax u dhimaya amniga dalka.

Si mar kale aysan u dhicin dhacdo la mid ah tii Soobbe waa in qof kasta ay u howlgasho xilka kaga aadan dhowrista dowladnimada iyo guud ahaan soo celinta amniga iyo kala dambeynta oo si gaar ah u taabanaya dhaqdhaqaaqa bulshada.

Waxaa nasiib darro ah in qaraxii Soobbe ee dhacay 14 October 2017-kii, kadib weli ay jiraan kooxo hubeysan oo u ooman daadinta dhiigga dadka,isla markaana doonaya in ay wiiqaan daddaalada loogu jiro horumarinta kaabayaasha dhaqaale ee dalka iyo soo celinta amniga dalka.

SONNA

Previous Post

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo kulan mira dhal ah la qaatay Safiirka Turkiga

Next Post

Agaasimaha Hay’adda Socdaalka oo Nairobi ka furay tababar ku saabsan baarista iyo xaqiijinta xogta qofka

Next Post
Agaasimaha Hay’adda Socdaalka oo Nairobi ka furay tababar ku saabsan baarista iyo xaqiijinta xogta qofka

Agaasimaha Hay’adda Socdaalka oo Nairobi ka furay tababar ku saabsan baarista iyo xaqiijinta xogta qofka

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

October 10, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Xukuumadda JFS Mudane Xasan Macallin Maxamuud oo Magaalada Istanbuul ee dalka Turkiga u...

Dowladda Soomaaliya oo cambaaraysay weerarka lagu qaaday xarunta korontada ee Masjidka Nabiga (NNKH) ee Magaalada Madiina

DFS oo cambaaraysay weerar lagu qaaday garoomo ku yaalla dalka Sacuudiga

October 10, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay si xooggan u cambaareyneysaa weerarrada ay kooxda Xuutiyiintu ku qaadeen Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ah ee...

𝐊𝐮𝐥𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐚𝐝𝐚 𝐗𝐮𝐤𝐮𝐮𝐦𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐃𝐚𝐧𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐨𝐨 𝐥𝐨𝐨𝐠𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐱𝐚𝐚𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐠𝐮𝐮𝐝 𝐞𝐞 𝐝𝐚𝐥𝐤𝐚

𝐊𝐮𝐥𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐚𝐝𝐚 𝐗𝐮𝐤𝐮𝐮𝐦𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐃𝐚𝐧𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐨𝐨 𝐥𝐨𝐨𝐠𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐱𝐚𝐚𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐠𝐮𝐮𝐝 𝐞𝐞 𝐝𝐚𝐥𝐤𝐚

October 8, 2026
0

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo maanta yeeshay kulankooda toddobaadlaha ah, ayaa lagu soo bandhigay warbixinno kala duwan oo...

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚: 𝐌𝐚𝐚𝐧𝐭𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐰𝐚𝐱𝐚 𝐚𝐲 𝐝𝐢𝐲𝐚𝐚𝐫 𝐮 𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲 𝐢𝐧 𝐚𝐲 𝐟𝐮𝐫𝐭𝐨 𝐚𝐥𝐛𝐚𝐚𝐛𝐚𝐝𝐚 𝐦𝐚𝐚𝐥𝐠𝐚𝐬𝐡𝐢 𝐞𝐞 𝐝𝐮𝐧𝐢𝐝𝐮 𝐮 𝐛𝐚𝐚𝐡𝐚𝐧𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚: 𝐌𝐚𝐚𝐧𝐭𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐰𝐚𝐱𝐚 𝐚𝐲 𝐝𝐢𝐲𝐚𝐚𝐫 𝐮 𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲 𝐢𝐧 𝐚𝐲 𝐟𝐮𝐫𝐭𝐨 𝐚𝐥𝐛𝐚𝐚𝐛𝐚𝐝𝐚 𝐦𝐚𝐚𝐥𝐠𝐚𝐬𝐡𝐢 𝐞𝐞 𝐝𝐮𝐧𝐢𝐝𝐮 𝐮 𝐛𝐚𝐚𝐡𝐚𝐧𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲

October 6, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa galabta ka qeyb-galay xiritaanka Madasha Ganacsiga Soomaaliya iyo Midowga...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In