Thursday, October 22, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

15 Al-Shabaab ahaa oo lagu dilay dagaal ka dhacay Shabeellaha dhexe

admin by admin
7 years ago
in Wararka
0
15 Al-Shabaab ahaa oo lagu dilay dagaal ka dhacay Shabeellaha dhexe
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ciidanka xoogga dalka Soomaaliya ayaa sheegay in ay dileen 15 xubnood oo ka tirsanaa Malleeshiyada Al-Shabaab, halka 26 kalena ay ku dhaawaceen ka dib dagaal ay nabad-diidka kula galeen degaanka Xaaji Cali ee Gobalka Shabeellada dhexe.

Qoraal kasoo baxay Wasaaradda difaaca Soomaaliya ayaa lagu sheegay in uu iska hor imaadku dhacay markii ay Ciidanka xoogga ka war heleen weerar ay qorsheynayeen in ay Al-Shabaab kusoo qaadaan fariisimo ay Ciidanku lahaayeen, taas oo sababtay in ay cadowgu ka cararaan Tuulooyinka Geel gub iyo Masjid Cali Guud.

Related posts

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

October 22, 2026
MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HAMBALYO U DIRAY HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HAMBALYO U DIRAY HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

October 22, 2026

“Cadowga waxaa loo dhigay jig gooyo qoreysan si xirfadi ku dheehan tahay, waxaa la burburiyay raacyadiisa hore, waxaana ku gaaray goobta lagu dagaallamay khasaare aad u badan, taas oo keentay in ay tiro 4 jeer ah weerar soo qaadaan, si ay u qaataan meydad iyo dhaawac farabadan ee goobta ka dhacay, Ciidanka waxuu baacsaday cadowga ayaga oo ku celiyay goobahii ay dagaalka ka soo abaabuleena lana sheegay in ay dib uga gurteen kana carareen tuulada Geel gub iyo Masjid Cali Guud-ba, ayaa lagu yiri qoraalka Wasaaradda difaaca Soomaaliya.

Wasaaradda gaashaandhigga Soomaaliya ayaa sidoo kale sheegtay in dagaalkaasi ay Ciidanka Xoogga Dalka kaga shahiideen 1 Sarkaal 1 Sarkaal xigeen iyo 2 Askari, halka dhawacana uu gaarayo 3 Asakari.

Qoraalka ayaa geba-gabadii lagu sheegay in CXDS uu had iyo jeer heegan iyo foojignaan ugu jiro ilaalinta kaaramada Shacabka Soomaliyeed, waxeyna si aan ka leex-leexad laheyn u fulinayaan waajibaadka dagaal ee ay Madaxda Qaranka siisay, si loo difaaco kaaraamada sharafka iyo Madax bannaanida Qaranka.

Previous Post

Duqa Muqdisho oo dhagax dhigay xarun caafimaad oo laga hirgelinayo Kaxda “SAWIRRO”

Next Post

Doorashada Guddoonka Baarlamaanka Galmudug oo lasoo gaba-gabeeyay

Next Post
Doorashada Guddoonka Baarlamaanka Galmudug oo lasoo gaba-gabeeyay

Doorashada Guddoonka Baarlamaanka Galmudug oo lasoo gaba-gabeeyay

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

October 22, 2026
0

Ra'iisal wasaaraha xukuumadda FS ayaa hambalyo u diray hoggaamiyaha iyo Hoggaamiye Ku-xigeenka Dowlad-goboleedka Galmudug Mudane Liibaan Axmed Xasan iyo Abdiwali...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HAMBALYO U DIRAY HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HAMBALYO U DIRAY HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

October 22, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hambalyo u diray Hoggaamiyaha cusub ee Dowlad Goboleedka Galmudug, Mudane Liibaan...

Wakiilada Baarlamaanka Galmudug oo doortay hoggaanka cusub ee maamulkaasi

Wakiilada Baarlamaanka Galmudug oo doortay hoggaanka cusub ee maamulkaasi

October 22, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug Mudane Xuseen Maxamed Nuur ayaa maanta ku dhawaaqay natiijadii doorashada Galmudug oo uu ku guuleystay Mudane...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo la kulmay guddi isu xil-saaray nabadaynta Koofur Galbeed

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo la kulmay guddi isu xil-saaray nabadaynta Koofur Galbeed

October 21, 2026
0

Guddoomiyaha Shacabka Shacabka ee Baarlamaanka Dalka ayaa guddiga ka dhageystay talooyin wax-ku-ool ah iyo aragtiyo muhiim ah oo ku saabsan...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In