Thursday, October 1, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

15 Al-Shabaab ahaa oo lagu dilay dagaal ka dhacay Shabeellaha dhexe

admin by admin
7 years ago
in Wararka
0
15 Al-Shabaab ahaa oo lagu dilay dagaal ka dhacay Shabeellaha dhexe
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ciidanka xoogga dalka Soomaaliya ayaa sheegay in ay dileen 15 xubnood oo ka tirsanaa Malleeshiyada Al-Shabaab, halka 26 kalena ay ku dhaawaceen ka dib dagaal ay nabad-diidka kula galeen degaanka Xaaji Cali ee Gobalka Shabeellada dhexe.

Qoraal kasoo baxay Wasaaradda difaaca Soomaaliya ayaa lagu sheegay in uu iska hor imaadku dhacay markii ay Ciidanka xoogga ka war heleen weerar ay qorsheynayeen in ay Al-Shabaab kusoo qaadaan fariisimo ay Ciidanku lahaayeen, taas oo sababtay in ay cadowgu ka cararaan Tuulooyinka Geel gub iyo Masjid Cali Guud.

Related posts

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzania

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzania

October 1, 2026
Wasiirka Waxbarashada XFS oo kulan la qaatay Wasiir Ku-xigeenka Waxbarashada Turkiga

Wasiirka Waxbarashada XFS oo kulan la qaatay Wasiir Ku-xigeenka Waxbarashada Turkiga

October 1, 2026

“Cadowga waxaa loo dhigay jig gooyo qoreysan si xirfadi ku dheehan tahay, waxaa la burburiyay raacyadiisa hore, waxaana ku gaaray goobta lagu dagaallamay khasaare aad u badan, taas oo keentay in ay tiro 4 jeer ah weerar soo qaadaan, si ay u qaataan meydad iyo dhaawac farabadan ee goobta ka dhacay, Ciidanka waxuu baacsaday cadowga ayaga oo ku celiyay goobahii ay dagaalka ka soo abaabuleena lana sheegay in ay dib uga gurteen kana carareen tuulada Geel gub iyo Masjid Cali Guud-ba, ayaa lagu yiri qoraalka Wasaaradda difaaca Soomaaliya.

Wasaaradda gaashaandhigga Soomaaliya ayaa sidoo kale sheegtay in dagaalkaasi ay Ciidanka Xoogga Dalka kaga shahiideen 1 Sarkaal 1 Sarkaal xigeen iyo 2 Askari, halka dhawacana uu gaarayo 3 Asakari.

Qoraalka ayaa geba-gabadii lagu sheegay in CXDS uu had iyo jeer heegan iyo foojignaan ugu jiro ilaalinta kaaramada Shacabka Soomaliyeed, waxeyna si aan ka leex-leexad laheyn u fulinayaan waajibaadka dagaal ee ay Madaxda Qaranka siisay, si loo difaaco kaaraamada sharafka iyo Madax bannaanida Qaranka.

Previous Post

Duqa Muqdisho oo dhagax dhigay xarun caafimaad oo laga hirgelinayo Kaxda “SAWIRRO”

Next Post

Doorashada Guddoonka Baarlamaanka Galmudug oo lasoo gaba-gabeeyay

Next Post
Doorashada Guddoonka Baarlamaanka Galmudug oo lasoo gaba-gabeeyay

Doorashada Guddoonka Baarlamaanka Galmudug oo lasoo gaba-gabeeyay

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzania

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzania

October 1, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa gaaray Magaalada Arusha...

Wasiirka Waxbarashada XFS oo kulan la qaatay Wasiir Ku-xigeenka Waxbarashada Turkiga

Wasiirka Waxbarashada XFS oo kulan la qaatay Wasiir Ku-xigeenka Waxbarashada Turkiga

October 1, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare, Mudane Faarax Sheekh Cabdulqaadir, ayaa Ankara kula kulmay Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Waxbarashada Türkiye,...

SoDMA oo  kulanka ansixinta Qaab-dhismeedka Soo-kabashada isugu yeertay Hay’adaha Dowladda JFS

SoDMA oo kulanka ansixinta Qaab-dhismeedka Soo-kabashada isugu yeertay Hay’adaha Dowladda JFS

October 1, 2026
0

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA) ayaa magaalada Muqdisho ku qabatay kulan ay isugu yeertay Wasaaradaha iyo Hay’adaha Dowladda Federaalka...

Madaxweynaha JFS oo warqadaha aqoonsiga Danjirenino ka guddoomay Safiirada cusub ee Turkiga & Midowga Yurub

Madaxweynaha JFS oo warqadaha aqoonsiga Danjirenino ka guddoomay Safiirada cusub ee Turkiga & Midowga Yurub

October 1, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa qasriga Madaxtooyada Qaranka warqadaha aqoonsiga safiirnimo kaga guddoomay Danjireyaasha cusub ee...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In