Wednesday, September 30, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Doorashada Guddoonka Baarlamaanka Galmudug oo lasoo gaba-gabeeyay

admin by admin
7 years ago
in Wararka
0
Doorashada Guddoonka Baarlamaanka Galmudug oo lasoo gaba-gabeeyay
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Waxaa goor dhow la soo geba-gebeeyey codeynta doorashada guddoonka baarlamaanka Galmudug,iyadoo la doortay guddoomiye iyo kuxigeenadiisa.D

oorashada guddoomiyaha Waxaa Codaysay 89 Mudane oo ka tirsan Baarlamaanka Galmudug, waxa ayna u codeeyeen laba Mushasrax oo kala ahaa Dr Maxamed Nuur Gacal iyo C/naasir Aadan Cusmaan oo kala heley  sidan,C/naasir Aadan Cusmaan waxa uu Helay 34 Cod Halka Dr Maxamed Nuur Gacal uu helay 54 Cod,waxaana xumaaday 1 Cod sida Guddigu Sheegay sidaasina waxaa Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug ku noqday Dr Maxamed Nuur Gacal.

Related posts

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

September 29, 2026
Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

September 29, 2026

Intaasi kadib Waxaa loo gudbay Doorashada Guddoomye ku-xigeenka 1aad ee Baarlamaanka Galmudug oo u tartantay Laba Xildhibaan oo kala ahaa Saadaq Sh Yuusuf iyo Xildhibaan C/llaahi Xirsi Maxamed.

Cod bixinta ka dib waxaa doorashada Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Baarlamaanka Galmudug ku guuleystay, C/llaahi Xirsi Maxamed, isagoo helay 59 cod, halka musharaxa la tartamayay oo ahaa, Saadaq Shiikh Yuusuf Ibraahim uu helay 29 cod, waxaana xumaaday Hal cod.

Xilka Guddoomiye ku-xigeenka 2aad ee Baarlamaanka Galmudug ayaa isna waxaa ku loollamay , Maxamed Shiikh Axmed Maalin iyo Faadumo Cabdi Cali.

Waxaana tirinta codadka ka dib xilkaasi ku guuleysatay, Faadumo Cabdi Cali oo ahayd Haweeneyda keliya ee ku jirtay musharaxiinta Guddoonka Baarlamanka Dowlad Goboleedka Galmudug.

Maalmaha soo socda ayaa lagu wadaa in la guda galo doorashada Madaxweynaha Galmudug iyo ku xigeenkiisa.

Previous Post

15 Al-Shabaab ahaa oo lagu dilay dagaal ka dhacay Shabeellaha dhexe

Next Post

Agaasinka W/faafinta Madaxtooyada Qaranka oo ka hadlay cabashada hooyo Soomaaliyeed oo lagu baahiyay baraha bulshada

Next Post
Dowladda Soomaaliya oo Cambaaraysay weerarkii argagixiso ee Manda Bay

Agaasinka W/faafinta Madaxtooyada Qaranka oo ka hadlay cabashada hooyo Soomaaliyeed oo lagu baahiyay baraha bulshada

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

September 29, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka (WHO)...

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

September 29, 2026
0

Urur Siyaasadeedka Talo-Qaran oo ka mid ah Ururada ka jira dalkeena oo maalmahan ololaha doorashooyinka ka waday qaar ka mid...

Guddoomiyaha SoDMA oo daah-furay shirka u diyaar-garowga Soomaaliya ee El Niño 2026

Guddoomiyaha SoDMA oo daah-furay shirka u diyaar-garowga Soomaaliya ee El Niño 2026

September 29, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa Magaalada Muqdisho ka furay shir lagu tijaabinayo diyaar-garowga...

𝐑𝐚𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐚𝐚𝐡𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐁𝐚𝐧𝐝𝐡𝐢𝐠𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐱𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚

𝐑𝐚𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐚𝐚𝐡𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐁𝐚𝐧𝐝𝐡𝐢𝐠𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐱𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚

September 29, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta duleedka magaalada Muqdisho ka furey Bandhigga Dalxiiska Soomaaliya oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In