Saturday, July 12, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Agaasinka W/faafinta Madaxtooyada Qaranka oo ka hadlay cabashada hooyo Soomaaliyeed oo lagu baahiyay baraha bulshada

admin by admin
January 17, 2020
in Wararka
0
Dowladda Soomaaliya oo Cambaaraysay weerarkii argagixiso ee Manda Bay
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Agaasimaha warfaafinta iyo xiriirka warbaahinta Madaxtooyada qaranka mudane C/nuur Maxamed Axmed ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook kaga hadlay, cabasho baraha bulshada lagu faafiyay oo ka timid, Amran Maxamed Cismaan oo sheegtay in ay ka maqantahay gabar ay iyadu dhashay.

Agaasime C/nuur ayaa yiri “Waan maqalnay qaylo dhaanta Hooyo Amran Maxamed Cismaan oo ilaa shalay baraha Bulshada lagu faafinayay, waxaana xiriir la sameynay Maxakamadda kiiska gacanta ku haysa, xeer ilaaliyaha dacwada soo oogay iyo Madaxda askarta la eedeeyay.

Related posts

Ciidamada Nabad Sugidda NISA oo horjoogayaal iyo maleeshiyaad ku beegsaday gobolka Shabeellaha Dhexe

Ciidamada Nabad Sugidda NISA oo horjoogayaal iyo maleeshiyaad ku beegsaday gobolka Shabeellaha Dhexe

July 12, 2025
Ku xigeenka madaxweynaha Galmudug iyo Guddoomiyaha SODMA oo yeeshay kulan muhiim ah

Ku xigeenka madaxweynaha Galmudug iyo Guddoomiyaha SODMA oo yeeshay kulan muhiim ah

July 12, 2025

Waxaa ii muuqata in baaritaan daahfuran loo baahanyahay si la isu waafajiyo cabashada hooyada iyo aragtida ay qabaan qeybaha kala duwan ee kiiska ku lug leh. Xoguhu sida qolo walba u tabinayso waa wax kala fog.

Inta taas laga xaqiijinayo, waxaa habboon in laga fogaado buunbuuninta wararkan hubinta u baahan, warbaahintuna waa in ay dheelli-tir ku sameyso waxa ay bulshada la wadaagayso si aan loo sii abuurin jahwareer kale.

Inkasta oo aysan ii suurta galin inaan la hadlo hooyo Amran oo aan dhawr jeer wacay, haddana waxaan is maqalnay dad ehelka kamid ah, waxaana u xaqiijiyay inaan caddaaladda ku garab istaagayno ayada iyo qof kasta oo dhibbane ah, loona baahanyahay inaan laga hordhicin baaritaannada haatan socda.”

Previous Post

Doorashada Guddoonka Baarlamaanka Galmudug oo lasoo gaba-gabeeyay

Next Post

Guddoonka BFJS oo hambalyo u diray guddoonka cusub ee Baarlamaanka Galmudug

Next Post
Guddoonka BFJS oo hambalyo u diray guddoonka cusub ee Baarlamaanka Galmudug

Guddoonka BFJS oo hambalyo u diray guddoonka cusub ee Baarlamaanka Galmudug

Ciidamada Nabad Sugidda NISA oo horjoogayaal iyo maleeshiyaad ku beegsaday gobolka Shabeellaha Dhexe

Ciidamada Nabad Sugidda NISA oo horjoogayaal iyo maleeshiyaad ku beegsaday gobolka Shabeellaha Dhexe

July 12, 2025
0

Ciidamada Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) ayaa qaaday howlgallo qorsheysan oo ka dhacay deegaanno dhowr ah oo ka tirsan...

Ku xigeenka madaxweynaha Galmudug iyo Guddoomiyaha SODMA oo yeeshay kulan muhiim ah

Ku xigeenka madaxweynaha Galmudug iyo Guddoomiyaha SODMA oo yeeshay kulan muhiim ah

July 12, 2025
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa xarunta dhexe ee hay’adda ku qaabilay Madaxweyne Ku-xigeenka Dowlad...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

July 12, 2025
0

Madaxweynaha JFS Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud , oo booqasho ku joogo dalka Turkiga, ayaa maanta xarunta madaxtooyada dalkaas kula...

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo Geneva kaga qayb galay shir Caalami ah

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo Geneva kaga qayb galay shir Caalami ah

July 12, 2025
0

Wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Tiknoolajiyada JFS, Mudane Maxamed Axmed Aadan Macalin, ayaa magaalada Geneva ee dalka Switzerland kaga qaybgalay kulanka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In