Friday, March 13, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

17 oo ku dhimatay shil diyaaradeed oo ka dhacay wadanka Suudaanta Koofureed

caqiil by caqiil
8 years ago
in Wararka
0
17 oo ku dhimatay shil diyaaradeed oo ka dhacay wadanka Suudaanta Koofureed
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ugu yeraan 17 ruux ayaa ku dhimatay dalka Suudaanta Koofureed ka dib markii diyaarad yar oo rakaab ah ay burburtay, taas ka soo duushay garoonka diyaaraha magaalada caasimadda ah ee Jubba kuna sii jeeday magaalada Yirol, sida uu wakaalada warar ee Reuters u sheegay wasiirka warfaafinta wadankaas ee Taban Abel.

“Diyaarada waa ay burburtay waxaana ku dhintay 17 qof , sadex ayaa ka badbaaday shilkaas ,” ayuu yiri wasiir warfaafinta.

Related posts

Wasiirka Xuquuqul Insaanka XFS oo Geneva ku guddoomisay kulan looga hadlayay Horumarinta Xuquuqda Aadanaha

Wasiirka Xuquuqul Insaanka XFS oo Geneva ku guddoomisay kulan looga hadlayay Horumarinta Xuquuqda Aadanaha

March 13, 2026
Wasaaradda Batroolka XFS oo go’aanno ka soo saareysa cabashooyinka dadka ee ku aadan shidaalka

Wasaaradda Batroolka XFS oo go’aanno ka soo saareysa cabashooyinka dadka ee ku aadan shidaalka

March 13, 2026

22 qof ayaa la socotay diyaaradda burburtay hadda waxaa la la’yahay labo kamid ah rakaabka.

Mid kamid ah dadka ka badbaaday shilkaas waa dhakhtar u dhashay wadanka Talyaaniga oo u shaqeynayay urur samafal ah, kaas oo hadda lagu daweynayo isbitaalka magaalada Yirol, sida uu mar kale sheegay wasiirka.

Diyaaradda ayaa la sheegay in ay ku dhacday wabi halkaas ku yaala dad goob joogiyaal ah ayaa sheegay in ay arkeen meydadka laga soo saaray biyaha wabiga.

Sadex carruur ah ayaa kamid ahaa 22 rakaabka ah ee diyaaradda la socday.

David Subek,  oo ah madaxa hey’adda saadaasha hawada dalka Suudaanta Koofureed ayaa xaqiijiyay shilka diyaaradda, hase ahaatee ma sheegin sababta keentay burburka diyaaradda.

Dhowr shil oo sidan oo kale  ah ayaa sanadihii u dambeeyay ka dhacayay dalka dagaalada halakeeyeen ee Suudaanta Koofureed, inta badan shilalka diyaaradaha ayaa loo aaneeyaa cimilada wadanka.

Sanadkii  2015, daraasiin dad ah ayaa ku dhimatay markii diyaarad Russia lagu farsameeyay ay shil ku gashay wax uun ka dib markii ay ka duushay garoonka diyaaradaha ee Jubba.

Previous Post

RW: Kheyre “Dabaysha is badalka ee ka socota Geeska Afrika waxay Albaabo ganacsi u furtay Soomaaliya”

Next Post

Ra’iisul Wasaara Khayre oo dhagax dhigay Xarunta Wasaaradda Qorshaynta oo dib-u-dhis iyo dayactir lagu samaynayo +Sawirro

Next Post
Ra’iisul Wasaara Khayre oo dhagax dhigay Xarunta Wasaaradda Qorshaynta oo dib-u-dhis iyo dayactir lagu samaynayo +Sawirro

Ra’iisul Wasaara Khayre oo dhagax dhigay Xarunta Wasaaradda Qorshaynta oo dib-u-dhis iyo dayactir lagu samaynayo +Sawirro

Wasiirka Xuquuqul Insaanka XFS oo Geneva ku guddoomisay kulan looga hadlayay Horumarinta Xuquuqda Aadanaha

Wasiirka Xuquuqul Insaanka XFS oo Geneva ku guddoomisay kulan looga hadlayay Horumarinta Xuquuqda Aadanaha

March 13, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Amb Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi ayaa magaalada Geneva ee dalka Switzerland...

Wasaaradda Batroolka XFS oo go’aanno ka soo saareysa cabashooyinka dadka ee ku aadan shidaalka

Wasaaradda Batroolka XFS oo go’aanno ka soo saareysa cabashooyinka dadka ee ku aadan shidaalka

March 13, 2026
0

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Batroolka XFS, Maxamed Xaashi Carabey oo la hadlay warbaahinta qaranka ayaa ka warbixiyay sare u kaca...

Xuska maalinta caalamiga ah ee cudurada ku dhaca Indhaha oo lagu qabtay Muqdisho

Xuska maalinta caalamiga ah ee cudurada ku dhaca Indhaha oo lagu qabtay Muqdisho

March 13, 2026
0

Mas'uuliyiinta Wasaaradda Caafimaadka XFS ayaa magaalada Muqdisho ku qabatay xaflad lagu maaamuusaayey maalinta caalamiga ah ee wacyigelinta cudurka biyaha indhaha...

Tartamayaasha Gubadley oo soo tiigsaday wareegga afar dhamaadka ee tartanka “SAWIRRO”

Tartamayaasha Gubadley oo soo tiigsaday wareegga afar dhamaadka ee tartanka “SAWIRRO”

March 13, 2026
0

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Lix iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In