Wednesday, August 19, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Maqaallo

1da Luulyo “Mataanayntii Maandeeq”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
8 years ago
in Maqaallo, Wararka
0
1da Luulyo “Mataanayntii Maandeeq”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

–Diiwaanka Taariikhda dal walba oo dunida ka mid ah waxaa ku xardhan sooyaalkii umaddaasi iyo kifaaxii ay u soo gashay hanashada Madax banaanideeda,waxaana xusuus reebyadaasi ku tilmaaman muwaadiniintii naf iyo maalba u huray kuna hoggaamiyay shucuubtooda dariiqa guusha,

Shacbiga Soomaaliyeed oo ka soo jeeda Sinji Keena diid ah, wuxuu ka mid yahay umadaha dunida ee ku tilmaan gumaysi diidka, lehna taariikh fac wayn oo gobanimadoon oo soo taxnayd qarniyaal dhowr ah, geesiyaasha ku daabacan quluubta umadda Soomalida waxaa ka mid Imaam Axmed Ibraahim (Axmed Guray), Sayid Max’ed C/lle Xasan,Shiikh Bashiir, Shiikh Xasan Barsame, Xaaji Faarax oomaar, 13kii S.Y.L, Xoghayihii guud ee Xisbiga S.Y.L C/llaahi Ciise Max’uud.iyo geesiyaal badan oo naftooda u huray hanashada Xoriyadda..

Related posts

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐊𝐮-𝐗𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐗𝐉𝐅𝐒 𝐨𝐨 𝐐𝐚𝐚𝐛𝐢𝐥𝐚𝐲 𝐃𝐚𝐧𝐣𝐢𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐦𝐚𝐠𝐚𝐜𝐚𝐚𝐛𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐇𝐢𝐧𝐝𝐢𝐲𝐚

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐊𝐮-𝐗𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐗𝐉𝐅𝐒 𝐨𝐨 𝐐𝐚𝐚𝐛𝐢𝐥𝐚𝐲 𝐃𝐚𝐧𝐣𝐢𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐦𝐚𝐠𝐚𝐜𝐚𝐚𝐛𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐇𝐢𝐧𝐝𝐢𝐲𝐚

August 18, 2026
Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

Soomaaliya oo daahfurtay Sharciga Cadaaladda Da’yarta Soomaaliyeed

August 18, 2026

Dhaqdhaqaaqii ugu horeeyay ee lagaga soo horjeeday gumeystaha ee ka hana qaaday dhulka soomaalida wuxuu ahaa kii Axmed Garaad Ibraahim “Axmed Gurey” oo halgankiisu bilowday 1528 illaa 1543. Axmad Gureey waxaa u suuro gashay in uu si geesinimo leh kaga hortago gumaystayaashii isa soo bahaystay,muddo kadibna Waxaa shucladdii difaacidda sharafta dalka iyo dadka soomaaliyeed kor u qaaday Darwiishkii sayid Max’ed Cabdulle xasan oo dagaal muddo dhowr iyo labaatan sano socday la galay gumaystihii,wuxuuna jab taariikkaysan ku dhigay ingiriiska ciidamadiisii dhulka kuwaasi oo ka quustay inay u babac dhigaan ciidamadii jadbaysnaa ee Daraawiishta.

Sanadkii 1919-kii ayaa saraakiishii hogaaminaysay ciidamadii gumaystaha Ingiriiska waxay dowladooda u gudbiyeen in aysan dagaal dhinaca dhulka ah kaga guulaysan Karin ciidamada sayidka, isla sanadkaas ayaa ingiriisku go’aan ku gaaray in dhinaca cirka laga weeraro qalcadihii adkaa ee Sayidka, 21kii Jannaayo 1920-kii ayaa diyaarado dagaal oo ingiriisku leeyahay noocooduna ahaa DH9 ayaa weerar ku qaaday Saldhigyadii ciidamadii daraawiishta.

Halgankii Daraawiishta kadib waxaa soo baxay halyeeyo wadaniyiin ah oo iyo hantidooba u hurey dhulkooda hooyo waxaana ka mid ahaa Shiikh Xasan barsame, Xaaji Faarax Oomaar iyo sheikh Bashiir dhalinyaradii Xisbigii S.Y.L ee laga dhisay Muqdisho 15kii may 1943dii xoghayihii guud ee S.Y.L C/llaahi Ciise Max’uud iyo xisbiyadii S.N.L & U.S.P oo iyaguna ka kifaaxay goballada waqooyi ee dalka.

1948dii waxaa magaalada muqdisho ka dhacay dagaalkii Hanoolaato oo ku soo beegmay maalintii Q/M dalka Soomaaliya u soo dirtay guddi xaqiiqo raadin oo ka kooban 4tii dowladood ee ku guulaystay dagaalkii 2aad ee dunida, isla sanadkaad Q/M waxay go’aamisay in gobollada koonfureed ee Soomaaliya muddo toban sano ah oo ka bilaabanaysa 1950ka ay si wada jir ah ay u sii maamulaan Q/M & dalka Talyaaniga kadibna xornimo la gaarsiiyo.

12kii octoobar 1954tii ayaa S.Y.L waxay guddi xirfadlayaal iyo hal abuurayaal u saartay inay alifaan ama hal abuuraan naqshadda uu yeelanayo Calanka.Soomaaliya, waxaana ku guulaystay oo hal abuurkiisii la qaatay Allaha u naxariistee Maxamad Cawaale Liibaan oo ka mid ahaa Leegada iyo midowga shaqaalaha ganacsatada.
Xiddigta cad ee shanta gees leh waxaa ay ka tarjumeysaa 5ta qeybood ee dhulka Soomaalidu ka kooban yahay, Midabka buluugga khafiifka ah waxaa uu u taagan yahay midabka cirka.

24tii March 1956dii waxaa la dhisay Dowladdii Ugu horeysay abid ee dad soomaaliyeed hogaanka u qabtaan, waxay ahayd daakhili ka kooban 6 wasiir waxaana R/wasaare u noqday Allaha u naxariistee C/llaahi Ciise Maxamuud,taasi gobollada koonfureed maamulaysay illaa 1960kii.

Xilligii gobollada koonfureed ee dalka ay ku jireen mudada xornimo gaarsiinta , waxaa wada hadallo u bilaawdeen madaxdii koonfurta ee talyaaniaga gumaysanayay iyo waqooyi oo uu gacanta ku hayay Ingiriiska waxayna ku heshiiyeen in ay midoobaan lana yagleelo hal dal oo soomaaliyeed.

26kii juun 1960kii waxaa beerta xoriyadda ee magaalada Hargaysa laga suray Calankii ugu horeeyay ee xor ah ee laga taago ciid Soomaliyeed, waana habeenkii uu marxuum C/llaahi Suldaan Tima- cadde ka mariyay goobtii Calansaarka Gabaygii Taariikhda galay ee ahaa Sareeyoow ma Nusqaamoow aan siduu yahay eega’e kanna siib kanna saar). waxaana miraha gabaygaas ka mid ahaa:-

(ka siddeetan sabaan calankaannu sugeynnaye sahankiisa ahaynow seermaweydo hillaacdayow Sagal maanta darroorayo siigada kii naga mayrayow saqdhexaannu ahaynne kii soo saaray cadceeddow Samada kii u ekaaye xiddigaha mid la siiyow Saaxirkii kala guurraye Sarreeyow ma nusqaamow aan siduu yahay eego’e kaana siib kanna saar
Sankuneefle dhammaanti khalqiga kii u sinnaayee mid saaxiib la ahaynow Saaxirkii kala guurraye Sarreeyow ma nusqaamow aan siduu yahay eego’ e kaana siib kanna saar
Kii saaciddada keenayow sedadu kay ku xidhnaydow Sallaankii istiqlaalkow Sayruuqii Afrikaadow Siraadkii na iftiinshaye Soomaaloo dhan xorreeyayow saaxirkii kala guurraye Sarreeyow ma nusqaamow aan siduu yahay eego e kaana siib kanna saar

Faralka iyo Sunnaha wixii diinta ku saabsan cadna kii saddexeeyayow Saaxirkii kala guurraye Sarreeyow ma nusqaamow aan siduu yahay eego’ e kaana siib kanna saar
kii gumeysiga saaraye isticmaarkiina sumeeyaye seedihii kogsanaa iyo seetadii naga gooyayow Saaxirkii kala guurraye Sarreeyow ma nusqaamow aan siduu yahay eego’ e kaana siib kanna saar
Nimankii na siraayaye waax-waax noo kala saaftaye solanaayay cadkeenna innagoo dhexda suunku sabarkeenna qarqooray kii sadkeenna cunaayay sarartiisa ka muuqdaye surwaalkii ka yaraadaye daaro loo sibidheeyiyo sariiraa lagu seexdiyo kabadh suuf laga buuxshiyo mid baabuurka safeeyiyo sagaal booy iyo kuug iyo aayad saarta carruurtiyo weliba seeska lahaa kii sabaanka u laabayow Saaxirkii kala guurraye Sarreeyow ma nusqaamow aan siduu yahay eego’ e kaana siib kanna saar).

Afar maalmood kadib oo ku beegnay 1dii luulyo 1960kii waxaa xornimadooda qaatay goballadii koonfureed ee Soomaaliya, isla markaana waxaa midoobay gobolladii waqooyi iyo koofur waxaana dhidibada loo taagay Jamhuuriyaddii koowaad ee soomaaliya.
July 1, 1960: Madaxweynihii u horeeyey ee Soomaaliya waxaa noqday Aaden Cabdulle Cismaan (Aaden Cadde), waxana uu madaxweyne ahaa ilaa June 10, 1967, kadibna waxaa isla sanadkaas doorashadii madaxtinimada dalka ku guulaystay Md. C/rashiid Cali Sharmarke, oo xilkaas hayay illaa 1969kii, Waxaana taariikhda ku daabacan, sooyaalka soomaaliduna xusi doonaa qiiradii iyo xornimo jacaylkii lagu keenay Calanka.

Xornimada Soomaaliya oo hadda laga joogo 58 sano waxaa lagama maarmaan ah in dib boorka looga jafo wadaniyaddii iyo is jacaykii soomaalidu ku mataanowday ee abwaanada soomaaliyeed ka yiraahdeen(Dhaaxaan murugo iyo haraad mudanee, maantay curatoo mataanaysee aan maalno hasheenna Maandeeq).

W/D.Abukar Gobdoon

Previous Post

Masuuliyiinta Guddiga Doorashooyinka Qaranka oo Kismaayo kula kulmay madax katirsan Jubbaland+Sawirro

Next Post

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay 1-luulyo

Next Post
Dhageyso: Wasaaradda Gaashaandhiga XFS oo ka hadashay Qorshaha Horyaala

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay 1-luulyo

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐊𝐮-𝐗𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐗𝐉𝐅𝐒 𝐨𝐨 𝐐𝐚𝐚𝐛𝐢𝐥𝐚𝐲 𝐃𝐚𝐧𝐣𝐢𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐦𝐚𝐠𝐚𝐜𝐚𝐚𝐛𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐇𝐢𝐧𝐝𝐢𝐲𝐚

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐊𝐮-𝐗𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐗𝐉𝐅𝐒 𝐨𝐨 𝐐𝐚𝐚𝐛𝐢𝐥𝐚𝐲 𝐃𝐚𝐧𝐣𝐢𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐦𝐚𝐠𝐚𝐜𝐚𝐚𝐛𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐇𝐢𝐧𝐝𝐢𝐲𝐚

August 18, 2026
0

Ra'iisul Wasaare Ku-Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa qaabbilay Danjiraha cusub ee dalka Hindiya u soo magacowday...

Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

Soomaaliya oo daahfurtay Sharciga Cadaaladda Da’yarta Soomaaliyeed

August 18, 2026
0

Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Muqdisho ku daahfurtay Sharciga Cadaaladda Da’yarta Soomaaliyeed, oo ah Sharci...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH “FARRIINTA SAFARKEYGU WAXA AY AHAYD NABAD IYO MIDNIMO”

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH “FARRIINTA SAFARKEYGU WAXA AY AHAYD NABAD IYO MIDNIMO”

August 18, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qayb galay munaasabad qado sharaf ah oo lagu maamuusay isaga...

Dowladda Soomaaliya oo ka guddoontay nuqullada waraaqaha aqoonsiga afar Safiir oo cusub

Somalia Receives Copies of Credentials from Four New Ambassadors

August 18, 2026
0

The Minister of Foreign Affairs and International Cooperation of the Federal Republic of Somalia, H.E. Abdisalam Ali Abdi, received the...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In