Sanadguurada 59aad ee maalinta guusha ee 1da Luulyo oo waxay ku suntan tahay xornimadii gobollada koonfureed ee dalka iyo midowgii gobollada waqooyi iyo koonfur, iyo dhalashadii Jamhuuriyadii koowaad ee Soomaaliya, hadaba su’aasha mudan in laga jawaabo waxay tahay, sidee Shacbiga Soomaaliyeed ku hantay madxbanaanidaasi,waasee kuwee halyeeyadii hoggaaanka u ahaa hanashadii libintaasi wayn.
Diiwaanka Taariikhda dal walba oo dunida ka mid ah waxaa ku xardhan sooyaalkii iyo kifaaxii umaduhu u soo galeen hanashada Madaxbanaanidooda,waxaana xusuus reebyadooda ku tilmaaman muwaadiniintii geesiyaasha ahaa ee naf iyo maalba u huray ku hoggaaminta shucuubta dariiqa guusha,
Shacbiga Soomaaliyeed oo ka soo jeeda Sinji Keena diid ah, wuxuu ka mid yahay umadaha dunida ee ku tilmaan gumaysi diidka, lehna taariikh fac wayn oo gobanimadoon oo soo taxnayd dhowr qarni,geesiyaasha xusidda gaarka ah mudan waxaa ka mid Imaam Axmed Ibraahim (Axmed Guray), Sayid Max’ed C/lle Xasan,Shiikh Bashiir, Shiikh Xasan Barsame, Xaaji Faarax oomaar, 13kii S.Y.L, Xoghayihii guud ee Xisbiga S.Y.L C/llaahi Ciise Max’uud.iyo geesiyaal badan oo naftooda u huray hanashada Xoriyadda.
Dhaqdhaqaaqii ugu horeeyay ee lagaga soo horjeeday gumeystaha ee ka hanaqaaday dhulka soomaalida wuxuu ahaa kii Axmed Garaad Ibraahim “Axmed Gurey” oo halgankiisu bilowday 1528 illaa 1543. Axmad Gureey,waxaa u suuro gashay in uu si geesinimo leh kaga hortago gumaystayaashii isa soo bahaystay ee doonayay ina ay Saanyadaan ciidda Soomaaliyeed.
Muddo kadibna Waxaa shucladdii halganka difaacidda sharafta dalka iyo dadka soomaaliyeed kor u qaaday Darwiishkii sayid Max’ed Cabdulle xasan oo dagaal muddo rubac qarni socday la galay gumaystihii Ingiriiska iyo kuwii kale,wuxuuna jab taariikkaysan ku dhigay ingiriiska ciidamadiisii dhulka kuwaasi oo ka quustay inay u babac dhigaan ciidamadii jadbaysnaa ee Daraawiishta.
Sanadkii 1919-kii ayaa saraakiishii hogaaminaysay ciidamadii gumaystaha Ingiriiska waxay dowladooda u gudbiyeen in aysan dagaal dhinaca dhulka ah kaga guulaysan Karin ciidamada sayidka, isla sanadkaas ayaa ingiriisku go’aan ku gaaray in dhinaca cirka laga weeraro qalcadihii adkaa ee Sayidka, 21kii Jannaayo 1920-kii ayaa diyaarado dagaal oo ingiriisku leeyahay noocooduna ahaa DH9 weerar ku qaadeen Saldhigyadii ciidamadii daraawiishta.
Halgankii Daraawiishta kadib, waxaa soo baxay halyeeyo dhallinyaro wadaniyiin ah oo naftooda iyo hantidooba u hurey dhulkooda hooyo waxaana ka mid ahaa Shiikh Xasan barsame, Xaaji Faarax Oomaar iyo sheikh Bashiir dhalinyaradii Xisbigii S.Y.L ee laga dhisay Muqdisho 15kii may 1943dii iyo xoghayihii guud ee S.Y.L C/llaahi Ciise Max’uud dhanka kale Gobollada waqooyi ee dalka ee ingiriiska gumaysanayay waxaa ka hanaqaaday xisbiyadii S.N.L & U.S.P oo kifaax adag u galay sidii dalka iyo dadka looga duqaadi lahaa heeryadii gumaysiga.
1948dii waxaa magaalada muqdisho ka dhacay dagaalkii Hanoolaato oo ku soo beegmay maalintii Q/M dalka Soomaaliya u soo dirtay guddi xaqiiqo raadin oo ka kooban 4tii dowladood ee ku guulaystay dagaalkii 2aad ee dunida ee kala ahaa Maraykanka,Ingiriiska, Faransiiska iyo dalkii hore loo oran jiray Midowga Soofiyeti, isla sanadkaad Q/M waxay go’aamisay in gobollada koonfureed ee Soomaaliya muddo toban sano ah oo ka bilaabanaysa 1950ka ay si wada jir ah ay u sii maamulaan Q/M & dalka Talyaaniga, kadibna xornimo la gaarsiiyo 1960ka.
12kii octoobar 1954tii ayaa S.Y.L waxay guddi xirfadlayaal iyo hal abuurayaal u saartay inay alifaan ama hal abuuraan naqshadda uu yeelanayo Calanka.Soomaaliya, waxaana ku guulaystay oo hal abuurkiisii la qaatay Allaha u naxariistee Maxamad Cawaale Liibaan oo ka mid ahaa Leegada iyo midowga shaqaalaha ganacsatada.
Xiddigta cad ee shanta gees leh waxaa ay ka tarjumeysaa 5ta qeybood ee dhulka Soomaalidu ka kooban yahay, Midabka buluugga khafiifka ah waxaa uu u taagan yahay midabka cirka,24tii March 1956dii waxaa la dhisay Dowladdii Ugu horeysay abid ee dad soomaaliyeed hogaanka u qabtaan, waxayna ahayd daakhili ka kooban 6 wasiir,Ra’iisalwasaarana waxaa ka ahaa Allaha u naxariistee C/llaahi Ciise Maxamuud,
Hadaba markii ay soo dhawaatay gobannimada ,xilligaasi oo gobollada koonfureed ee dalka ay ku jireen mudada xornimo gaarsiinta , waxaa wada hadallo u bilaawdeen madaxda gobollada koonfurta ee talyaaniaga gumaysanayay iyo masuuliyiintii gobollada waqooyi oo uu gacanta ku hayay Ingiriiska waxayna ku heshiiyeen in ay midoobaan lana yagleelo hal dal oo soomaaliyeed.
26kii juun 1960kii waxaa beerta xoriyadda ee magaalada Hargaysa laga suray Calankii ugu horeeyay ee xor ah ee laga taago ciid Soomaliyeed, waana habeenkii uu marxuum C/llaahi Suldaan max’ed (Tima- cadde) ka mariyay goobtii Calansaarka Gabaygii Taariikhda galay ee ahaa Sareeyoow ma Nusqaamoow aan siduu yahay eega’e kaana siib kanna saar). waxaana miraha gabaygaas ka mid ahaa:-
(ka siddeetan sabaan calankaannu sugeynaye, sahankiisa ahaynoow, seermaweydo hilaacdayoow, Sagal maanta darroorayow, siigadii naga mayrayoow, saqdhexaannu ahaynne, kii soo saaray cadceeddoo, Samada kii u ekaaye, xiddigaha mid la siiyayoow, Saaxirkii kala guurraye, Sarreeyow ma nusqaamoow aan siduu yahay eego’e kaana siib kanna saaree).
Afar maalmood kadibna oo ku beegnay 1dii luulyo 1960kii waxaa xornimadooda qaatay goballadii koonfureed ee Soomaaliya, isla markaana waxaa midoobay gobolladii waqooyi iyo koofur, waxaana dhidibada loo taagay Jamhuuriyaddii koowaad ee soomaaliya.
July 1, 1960: Madaxweynihii u horeeyey ee Soomaaliya waxaa noqday Aaden Cabdulle Cismaan (Aaden Cadde), wuxuuna xilka hayay 1/7/1960kii ilaa June 10, 1967, kadibna 1967dii waxaa doorashadii madaxtinimada dalka ku guulaystay Md. C/rashiid Cali Sharmarke , isagoo Ra’iisalwasaare u magacaabay md: Max’ed Xaaji Ibraahim Cigaal, Madaxwayne C/rashiid.C.Sharma’arke wuxuu xilka hayay1967dii illaa 1969kii, Waxaa biyo kama dhibcaan ah taariikhda dalka iyo Sooyaalka soomaalida ku xusnaan doonta qiiradii iyo xornimo jacaylkii lagu keenay Calanka iyo midnimada dalka.
Xornimada Soomaaliya oo hadda laga joogo 59 sano waxaa lagama maarmaan ah in dib boorka looga jafo wadaniyaddii iyo is jacaykii dalka iyo dadka Soomaaliyeed ku mataanoobeen taasi oo abwaanada soomaaliyeed ka yiraahdeen (Dhaaxaan murugo iyo haraad mudannee, maantay curatooy mataanaysee aan maalno hasheenna Maandeeq).
W/D:- Abukar Gobdoon